- Title: [SW News] (BAYDHABO PRESS) Miscelleneous News about
Bay/Bakol Region
- From: []
- Date: [21 May 2000]
Bangiga ganacsiga Jubba oo shaqadisa si rasmi
ah uga bilaabay magaalada Baydhabo
by BAYDHABO PRESS
Bangiga ganacsiga Jubba oo shaqadisa si rasmi ah uga bilaabay magaalada
Baydhabo
BAYDHABO May,20 (BP)-Waxaa si rasmi ah hawlihiisa magaalada Baydhabo uga bilaabay Bangiga
ganacsiga ee Jubba (JUBBA COMMERCIAL BANK) oo in mudda ah ay ka socdeen hawlo la xiriira
dayactir iyo tababaro la sinayey shaqaalaha ka hawlgelya Bangigaas.
Furitaanka Bangiga ganacsiga jubba ayaa ku soo begmay xili ay bulshada ku dhaqan gobolada
koonfureed ee hoos yimaada maamulka RRA ay baahi weyn u qabeen in ay helaan lacag u gaar
ah iyo Bangiyaal u fuliya danahooda iyo hawlahooda ganacsi, nooca lacagta uu u isticmaali
doono Bangiga tiradeeda iyo halka lagu soo daabacay ayaan war rasmi ah laga heyn.
Waxaa guddomiyaha Bangiga ganacsiga jubba Mr. Sahariif Xuseen Robow u sheegy in bulshada
ku dhaqan gobolada Jubba iyo Shabeele ay ka haqab tiri donaan wixii danahooda ah oo la
xiriira xisaabaadka shaqsiyadeed iyo kuwa ganacsi labadaba.
Warku wuxuu intaas ku daray in tilaabada furitaanka Bangiga ay saameyn ku yeelan doonto
dhaqaalaha gabaabsiga ee ispahaysiga Xuseen Caydiid oo horey loo isticmaal jiray lacag uu
leeyahay.
(BAYDHABO PRESS)
Posted on May 20 2000 , 08:21 PM
Taliyaha ciidamadda RRA Col: Axmadey Cumarow oo
ka qaybgaly dhoolatus cidan
by BAYDHABO PRESS
Taliyaha ciidamadda RRA Col: Axmadey Cumarow oo ka qaybgaly dhoolatus
cidan
BAYDHABO May,20 (BP)-Dhoolatus ciiddan oo ay sameyeen shan guuto oo ka tirsan ciiddanka
RRA laguna sameyay goob aan la magaacbin oo ka tirsan gobolka shabeelaha hoose ayaa waxaa
ka qeybgalay taliyaha cidamadda RRA G/Sare: Axmadey Cumarow, dhoolatuskaas ayey ciiddamadu
ku muujinayeen tababarka iyo lixaadkooda ciiddan.
Khudbad uu halkaas ka jeediyay taliyuhu ayuu ku sheegay in awooda ciiddanka RRA lagu qabo
kalsooni buuxda oo hal guuto oo ka tirsan ciiddanka RRA ay ku xoreeyn karaan gobolka
shabeelaha hoose muddo ka yar 24 saacdood.
Waxaa kalo uu guddomiyuhu sheegay in gobolka shabeelaha hoose laga saari doono
maleeshiyada Xuseen Caydiid sidii looga saaray gobolada Bay iyo Bakool hadii ay diidan in
ay ikhtiyaar ku baxaan si looga badbaado dagaal khasaaro badan keeno oo ay dad badan ku
hoobtaan.
Intaas ka dib waxaa uu taliyuhu kormeer ku so maray jidka isku xira Xamar iyo Kismaayo
isaga oo ugu danbeyntii soo maray degmooyinka Jilib iyo Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe oo
ay ku soo dhaweyeen madaxda gobolka oo uu hor kacayey guddomiye ku xigeenka gobolka Jubada
Dhexe.
(BAYDHABO PRESS)
Posted on May 20 2000 , 08:23 PM
Madax dhaqameedyada Digil iyo Mirifle iyo
Hawiye oo ku kulmay Jabuuti
by BAYDHABO PRESS
Madax dhaqameedyada beelaha Hawiye iyo Malaaqyada beelaha Digil iyo
Mirifle oo ku kulmay Jabuuti
BAYDHABO May,20 (BP)-Wararka aan ka helnay magaalada Carta ee dalka Jabuuti oo u ka socdo
shirka dib u heshiisiinta Somaaliyeed ayaa sheegaya in wafuuda Beesha Habargidir iyo
Hawiye ay la kulmeen wafuuda iyo Malaaqyada beelaha Digil iyo Mirifle. Warku wuxuu intaas
ku daray in shirkaas oo ay codsatay beesha Habargidir oo ay weheliyaan Hawiye aan wax
natiijo ah laga gaarin
Waxaa u weriyaha Baydhabo press u jooga magaalada Carta uu no soo sheegay in shirkaas u
ahaa mid xasaasi ah oo looga hadlay arimo badan oo ay ka mid ahaayeen dhibaatoyinkii ay
geysteen dad ku abtirsada beesha Habargidir, gaar ahaan maleeshiyada Xuseen Caydiid.
Dhinaca kale waxaa arimaha ugu kulul ka mid ahaa joogitaanka maleeshiyada ku abtirsata
beesha Habargidir ee weli xooga ku haysta qeybo ka mid ah gobolka shabeelaha hoose.
(BAYDHABO PRESS)
Posted on May 20 2000 , 08:16 PM
[ News] |