Hargeysa (Jam) - Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo waxbarashada Somaliland Maxamuud Saalax
Nuur (Fagadhe) iyo Axmed Yuusuf Ducaale ayaa Axadii todobaadkan ka soo laabtay booqasho
shan maalmood qaadatay oo ay ku tageen dalka Masar.
Wasiirka Khaarajiga Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo xalay Jamhuuriya u waramayay ayaa
sheegay in dowladda Masar ay ka aqbashay dhammaan dalabyadii Dowladda Somaliland u
gudbisay oo saameynayey dhinacyada Tacliinta, Diinta, caafimaadka, gaadiidka cirka iyo
warfaafinta.
Wasiirku wuxu sheegay in weftigoodu la kulmeen Ra isal wasaare ku xigeenka dalka Masar
ahna Wasiirka Beeraha Dr. Yuusuf Waali oo ah ninka saddexaad ee talada dalka Masar haya,
Wasiirada Caafimaadka, Waxbarashada, Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibedda, Shiikh Jaamac
Adatazar Seyid Dandaawi, iyo wakiilka Al-azar.
Wasiirka kharajiga (Fagadhe), waxa kale oo uu cadeeyey in ay dowladda Masar ogolaatay
in ay keenaan macalimiin Masaari ah dhammaan dugsiyada sare (secondry
schools) ee shanta gobol ee Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo dhigidoona maaddooyinka
Fiisigiska, Bayolojiga, Kimistariga, Xisaabta iyo Af-Carabida iyo in ay la wareegaan
dugsiga machadka diiniga ah ee ku yaal magaalada Burco.
Sidoo kale dowladda Masar waxa ay ogolaatay in ay dalka keenaan culimo diineed oo dadka
diinta bara, wadaadadana tababaro diineed siiya, una diraan koorasyo Jamacadeed, isla
markaana in ay ka haqab tiraan kutubta qur aanka kariimka ah masaajidada iyo malcaamadaha
gobolada dalka oo dhan; in ay dayactir ku sameeyaan masjid Jaamac magaalada Berbera oo ay
dowladda Masar dhistay Qarnigii 19aad, iyadoo masaajidka iyo noobiyada Berbera yihiin
astaamaha muujinaya xidhiidhkii qotada dheeraa ee Masar iyo Somaliland.
Wasiirku wuxu kaloo xusay in ay dowladda Masar ku tallo jirto mustaqbalka iskuulo ku
dhisan manhajka Masar in ay Somaliland ka dhisaan, iskuuladaa oo ka koobnaan doona dugsiga
barbaarinta caruurta ilaa dugsi sare.
Waxa kale oo dowladda Masar ballanqaaday in ay soo diraan dhakhaatiir takhasus
sare leh oo dadka ka daweeya cudurada aan dalka wax lagaga qaban karin si looga kaaftoomo
dhakhtar dib
_________________________________________________________________________
EU, EGYPTIAN
DELEGATIONS VISIT, MEET OFFICIALS
BBC Monitoring Service - United Kingdom ; 23-May-2000 12:00:00 am
Text of report by Somaliland newspaper `Jamhuuriya' on 23rd May
An EU delegation, led by the Nairobi-based regional head, Mr Lutz Salzman, arrived
yesterday in Somaliland's capital, Hargeysa.
The delegation included an associate official from the EU's Somali office (Somalia and
Somaliland) Joachim Knoth.
Meanwhile, an Egyptian delegation arrived yesterday in the
country led by the Egyptian envoy to Somalia and Somaliland Halim Salah. The delegation
included representatives from firms dealing with production, reconstruction and some
businessmen.
The EU delegation's mission was related to some EU projects in Somaliland although
there was no official comment on the purpose of the visit. The officials are expected to
take part in the commissioning of an office for roads and general works which was financed
by the EU. The EU delegation is also expected to sign contracts with local construction
companies for the reconstruction of some of Somaliland's roads.
Yesterday the delegation met the vice-president, Dahir Riyale Kahin, and Somaliland's
foreign affairs minister, Mahmud Salah.
Source: `Jamhuuriya', Hargeysa, in Somali 23 May 00 p 1
__________________________________________________________________________
Mashruuca EU-ACP ee taakulaynta Ganacsiga gaarka ah oo ka bilaabmi
doona Somaliland
Hargeysa (Jam) - Mashruuc lagu magacaabo (EBAS - Business Assistance Scheme)
oo Midowga Yurub ugu talagalay gacan qabashada Ganacsiga gaarka loo leeyahay ayaa lagu
wadaa in uu ka bilaabmo Somaliland dhowaan. Sidaana waxa sheegay war ka soo baxay rugta
Ganacsiga Somaliland. Mr. Anderea Morara oo ah ku xigeenka xafiis-goboleedka Nayroobi uu
ku leeyahay mashruucaas oo qaabilsan dalalka loo yaqaan ACP (African Carrabian &
Pacific) ee la bahoobay Midowga Yurub, ayaa booqasho ku jooga magaalada Hargeysa ee
xarunta Somaliland, oo ujeeddadiisu tahay sida warku sheegay in uu shirkadaha iyo
ganacsatada Somaliland sharax iyo faahfaahin ka siiyo sida mashruucani u shaqeeyo iyo sida
ay uga faa iidaysan karaan.
Warku waxa uu intaas ku daray in mashruucan oo bilaabmay bishii November 1999, soconna
doona muddo saddex sano ah loo qoondeeyey adduun dhan 20,000,000 oo lacagta Yurub ee Euro
ah, una dhiganta in ku dhow 20 milyan oo doollar, isla markaana Somaliland loo aqoonsaday
dal ka mid ah dalalka mashruucan loogu talgalay ee ACP (African Carrabian & Pacific).
Mr. Morara oo dalka soo gaadhay Arbacadii toddobaadkii hore, May 10 joogina doona ilaa May
17, waxa uu maalinta 16 May uu kula shiri doonaa qolka shirarka ee rugta Ganacsiga
shariikadaha iyo ganacsatada waaweyn ee Somaliland oo uu uga warrami doono mashruucan iyo
sida uu u hawlgelayo, iyada oo ay ku wehelin doonaan Mr. Marora shirkaas xubno kale oo
xafiiskaas ka tirsan oo Nayroobi ka iman doona 15/5/2000.
Sida uu sheegay xoghayaha guddiga rugta Ganacsiga Cabdilaahi Diiriye oo faahfaahin
dheeraad ah ka bixiyey mashruucan EU - ACP, waxa uu sheegay in uu mashruucu ka caawin
doono ganacsatada Somaliland diyaarinta daraasadaha ganacsi, kaalmooyin farsamo, sahaminta
suuqgeynta wax soo saarkooda, iyo dhinacyo kale oo la xidhiidha farsamooyinka ganacsi.