- Title: [SW News](Warsidaha puntland) WASAARADDA KALUUMAYSIGA PUNTLAND OO LOO XILSAARAY
BIXINTA RUQSADAHA KALUUMAYSIGA
- From: []
- Date: [4 June 2000]
Warsidaha
puntland Tirsi 38 Axad 4 june 2000 bogga 10
WASAARADDA
KALUUMAYSIGA PUNTLAND OO LOO XILSAARAY BIXINTA RUQSADAHA KALUUMAYSIGA.
- Shiray dhawaan ku yeesheen Garoowe Dawlada Puntland, hay'ada PIDC, Hart Group,
wasaaradda kaluumaysiga iyo ciidanka bada Puntland ayaa waxaa lagu gaaray is afrad buuxa.
shirkaan oo lagu gorfeeyey arrimaha ay ka midka yihiin sidii looga ilaalin lahaa xeebaha
Puntland Maraakiibta kaluumaysiga sharcidarada ah iyo habka wadashaqaynta hay'a-dahaas
kala duwan, toosinta Maamulka la xiriira wax soo saarka iyo wada xiriirka guud waxaa lasku
afgartay in si buuxda wasaarada kaluumaysiga ay masuul uga noqon doonto bixinta ruqsadaha
kaluumaysiga iyadoo PIDC-dana loo xilsaaray arimo ay ka mid yihiin wada hadalada
shirkadaha doonaaya inay qaab sharciya kaga kaluumaystaan xeebaha Puntland.
- Sida la ogsoon yahay Ciidanka ilaalada Bada ee Puntland waxay ku guulaysteen inay ka
sifeeyeen xeebaha Puntland Maraakiibtii sharcidarada ku jiriifijiray ilaa 200 oo mayl oo
bada ah waxayna gacanta ku soo dhigeen kuwo sharci daro ku kaluumaysanaya.
[ News] |