- Title: [SW Column] ( C.N.Moxamud- Galkayo) BUUGGA
DAWLADDA JABUUTI AY KU MAGACAWDAY SHIRKA DIB-U-HESHIISIINTA SOOMAALIYEED
- From:[]
- Date :[30 Jun 2000]
BUUGGA DAWLADDA JABUUTI AY KU MAGACAWDAY
SHIRKA DIB-U-HESHIISIINTA SOOMAALIYEED
Cabdikarim Nuur Maxamud - Gaalkacyo - Puntland
Waa sheeko koobaysa ku dhawaaqiddii Dawladda
Jabuuti ee qabashada shirka Carta iyo Dawladda puntland, waxaana qoray C/karim Nuur
Maxamud oo deggan Gaalkacyo kalana socday wargeysyada iyo Idaacadaha xaaladaha kala
duwanaa ee dhacayey tan iyo waqtiga Madaxweyne Geelle ku baaqay qabasho shirka Dib u
heshiisiinta Soomaaliya.
Wuxuu ku bilaabay:
Dadwaynaha puntland ayaa lahaa go’aanka dhismaha dawlad
goboleedka puntland. Dadweynuhu markii ay arkeen baahida loo qabo Dawlad Soomaaliyeed iyo
sida ay u adag tahay waqtigaas in la dhiso Maamul Caadil ah ayay go’aan sadeen in ay
dhistaan Maamul Goboleedka Puntland. Waxaa la doortay Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku xigeen
oo sii magacaabay Wasiirro iyo Ku-xigeenno. Waxaa lagu xijiyey Golaha Wakiillada Shacabka
(Baarlamaanka), Golaha Hogaamiye dhaqameedyada waa Isimada e, oo ah Golaha leh Xurmada
dhaqan ee ugu sarraysa.
Waxaa xeerka Maamulka Puntland Bogaga hore uga qoran in Dawladda
Puntland horseeddo helitaanka Dawlad Soomaaliyeed oo Caadil ah, kana samata-bixisa
musiibada tobanka sano ku habsatay Soomaaliya iyo in ay gacan siiso cid kasta oo diyaar u
ah waxka qabashada dhibaha hortaagan helitaanka dawlad Soomaaliyeed.
Dawladda Puntland iyadoo siinaysay mudnaanta koowaad helitaanka Dawlad
Soomaliyeed iyo Horumarinta Degaanka Puntland, ayay gacan buuxda siisay, markii
Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle uu ku baaqay in uusan fiirsan karin
dhibka Soomaliya ka jira. Isaga iyo Dawladdiisuna ay marlabaad isku deyayaan sidii dawlad
Soomaaliya loogu heli lahaa. Dadweynaha iyo Dawladda Puntland aad ayay u soo dhoweeyeen
una taageereen ra’yiga Dawladda Jabuuti iyagoo guubaabo, dhiirrigelin iyo talooyin
badan ka siiyey waddooyinka ugu habboon ee Soomaali la isugu keeni karo, si gaar ahna
Dawladda Ismaaciil Cumar u tusay una tusaaleeyey in ay qaataan door dhexdhexaad ah.
Dawladda Jabuuti wax badan ayay talo siinta iyo taageerada Puntland ka mahad celisey.
Haseyeeshee, hoos waxay ka daabacaysey BUUGGEEDA ay ugu magacdartay SHIRKA
DIB-U-HESHIISIINTA SOOMAALIYEED iyo RIWAAYADDA marwalba la daawado inta aan
shirku bilaammin.
Waxaan dawlad iyo dadweynaba u durbaan tunno rajada shirka
Jabuuti, ayaa xafiiska sirta ee Dawlad goboleedka Puntland wuxuu ogaaday dhammaadka
qoraalka buugga shirka ee dawladda Geelle, kaas oo ay ku qoran yihiin wax ka duwan wixii
Puntland kula talisay, isla markaana aanay ahayn wax la qaadan karo. Dawladda Puntland
waxay u dirtay Jabuuti Wufuud isdaba joog ah oo dabagal iyo xaqiijin dheeraad ah ku
sameeyey Buugga Jabuuti ee lagu magacaabay shirka dib-heshiisiinta Soomaaliya.
Markii Dawladda Puntland hubsatay caloosha Buugga ayay wadatshi,
kafiirsasho iyo taxadar dheer kaddib go’aan satay in Dawladda Puntland kala noqoto
kalsoonidii shirka Jabuuti.
{ LILLAAHI IYO LAAQDAMO MEELMA WADA GALAAN }
Dadweynaha oo aan xog-ogaal u ahayn sirta Buugga Jabuuti ayaa
halmar iswada dhugtey, qaarna inta ishayn waayeen, filanwaa ku noqotay, BF-koodu (Biifis)
gaaray malaha 100%. (ALLOW NIMAAN WAX OGEYN HA CADAABIN). Taasi waxay
khasabtay in Hoggaamiye dhaqameedyada, Dawladda iyo Baarlammanku isla gartaan in Wafti
Jabuuti looga yeero si wax looga weydiiyo sirta Buugga shirka, isla markaana loogu gudbiyo
aragtida kama-danbaysta ah ee dadweynaha iyo Dawladda Puntland ka qabaan shirka Jabuuti.
Dawladda Jabuuti, oo markii hore war galay ayaa uyeeridda
waftigooda kaddib, filatay in markale Puntland gacantooda ku soo noqotay. (DHAKHSO
BADANAA WAA NIN DAN LEH DAQIIQAD MA DIB DHICIN) Subixiiba, wafti iyo diyaarad
degdeg ah ayaa Garoowe yimid. Waftiga yimid wuxuu ahaa mid aan waxba diidin, waxkastana
aqbala si Ergo Puntland ahi mar Jabuuti u tagto. Dood dheer kaddib, waxaa la isla gartay
in wafti Puntland ah oo ka kooban Isimmo iyo Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland ay
aadaan Jabuuti (MA CEEB BADNA).
Dawladda Jabuuti oo marwalba oran jirtey annagu GOGOSHA ayaan fidinnay
ee tashiga iyo go’aanka Soomaali baa iska leh, ayaa markii uu shirku furmay la soo
kala baxday Buuggeedii kuna bilowday Riwaayaddii kooxaha faraha badan loo dhiibey.
Dadweynaha Puntland oo tuhun qabey waxay habeenkii u horreeyey ee
furitaanka shirka iyo dhigidda Riwaayadda gacanta ku dhigeen furaha buugga shirka, waxayna
fasirteen Silsiladda Riwaayadda habka ay u socoto. Dhanka kalena waxaa dadweyne iyo
dawladba go’ankoodu ahaa in ay ka war sugaan Ergadooda ( waa dhaqan noo asal ahaa in
ergada laga warsugo).
Wax Buugga shirka habeenba Baal la rogo, Riwaayaddana Bayd la dhigoba,
waxaa Bulshada Puntland u caddaatay gunaanadka Riwaayadda iyo Gabagabada Buugga (DAD
YAYSU SHEEGA).
Ergadii Puntland oo dawladda Jabuuti u sheegtay in Jabuuti gogosha
keliya fidisay ayaa heshiiskii ay soo galeen oo dhanka Jabuuti ka ahaa in mar Ergada
Puntland Jabuuti la keeno, waxaa ergadii lagu amray in ay Buugga dhegeystaan Riwaayaddana
daawadaan. (AALA TAHAYE).
Ergada Puntland waxay dib u fiiriyeen buuga Bulshada Puntland ee
Caddaaladda u dhow, waxaa u soo baxay in Buugga Ismaaciil Cumar Geelle uusan meelna ka
shabbihin Buuggooda. Dabadeed waxay farriin dayro ah u soo direen Dawladda Puntland iyo in
Diyaarad loo soo diro.
MAALINTAAS DAWLADDA JABUUTI WAXAY ISLAHAYD CALAA-CAL DABO LEH
AYAAD DEGTEEN. BEELUHU ERGOOYINKII QAATE, BUUGA SHIRKA QAYBTA LABAADNA 6DA JUUN AYAY
FURMAYSAA BAY ISKU QANDHUUFTEEN.
Wasiirka Arrimaha dibedda ee Jabuuti ayaa Riwaayadda dhexdeeda
ka sheegay in Ergooyinka magacyadooda ugu danbayn Duhurka Berri aanay ka dib dhicin. (MA
NIN GOGOL FIDIYAA AMARKAAS BIXIYA - BUUGGAYSE KU TAAL).
Goor barqo kulul ah oo reer Jabuuti u holladeen in ay Jilibka
laabtaan (Yaa maalintaas Faxiga madaxweynaha Jabuuti xira) ayaa waxaa ku soo
dhacay xafiiska Madaxweyne Geelle fax uu soo diray madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland
Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Faxigaas oo uu ku weydiisanaayo in Ergadiisa dib loogu
soo celiyo, xorriyad buuxdana la siiyo. (Kuu roonaan lahaydaa intaasi) 5tii
galabnimo oo dadku Idaacadda BBCda dhegaha ku wada hayo, mise waa warayse Madaxweynaha
Dawladda Puntland (Cidkastaa ogaatay, U daranaa Madaxweyne Geelle).
Reer Puntland oo Aalla tahay doodii u joogto, galabtaas madaxay
ruxeen, waase Ergo dhowr, hadalkuna weli uma furra. Dhanka Jabuuti, Meeday Calaa-cashii
Dabada lahayd - Dabayl xagaa baa ku dhufatay. Madaxweyne Geelle iyo Wasiirkiisa Arrimaha
Dibedda ayaa Ergada Puntland la kulmay. Waxay u sheegeen in Xubnaha Puntland ee shirka loo
badinayo iyo in ay xor yihiin oo goortay doonaan bixi karaan balse egrada qaar joogo ( Sow
marna isma gartaan meeye raggii gogosha keliya fidiyey - yaa ergada kordhinaya oo wax qayb
sanaya ma Geelle mise Soomaalida ayaa waxqaybsanaysa go’aankana leh - Buugga kuma
taal wada tashi iyo wadahadal Soomaaliyed).
Arrintu si kasta ha ahaatee, Ergadii Puntland qaarbaa yimid,
Dadweynaha oo Silsilada Riwaayadda iyo Furaha Buugga horay u helay sugayeyna imaatinka
Ergada oo ka caloolgoostay Jabuuti ayaa ku tallamay armaa Ergadu ku talisaa, waxkasta ha
ahaatee, halla aado Jabuuti, iyo maya raggu waa isku calool, waana sidaas oo iyagu goobta
joogeen, egradu diidmo ayay la timid yaa la isku waraystay. (Galabtaas qofwalba oo
reer Puntland ahi wuxuu jeclaa inuu isagau kelimadda hore maqlo. Go’aankii
Ergadu wuxuu ku soo baxay in Puntland aysan shirka ka qayb gelin, aqoonsan wixii ka soo
baxa, cid matashaana aysan shirka Jabuuti ka jirin, Caalamkana way ogeysiiyey.
SIIGAA CIRKA U DUUSHAY JABUUTI FIIDKAAS - NINKII JOOGEY BAA
JOOGEYE, TALEFISHINKA JABUUTI QURUXI KAMA MUUQAN.
Bulshada Puntland iyo Soomaalida Caddaalada jeceliba waa soo
dhoweeyeen go’aanka Puntland. Buugga Jabuuti ee shirka qaybtii labaadna waa furmay.
Habeenkii koowaadba baalka hore ee buugga waxaa ku qornaa Magaala madaxda Soomaaliya waa
Muqdisha, Riwaayaddina waxay ku socotay waa yeelnay dhaha iyo niri. Soomalidii kale shaw
Puntland belaa la tusay yay isku waraysteen. Maxaa xigey - Xamar halla Xaal Mariyo oo yaa
xaalmariya dadkii ka qaxay ee lagu boobay, laguna dhcay, laguna laayey (Buuggay ku
qoran tahay beenna ma aha - haddii kale Soomaali la isuma keeni karo) Dood iyo ra’yi
iswaydaarsi ma leh, meeshana looma imaan in waxaan buugga ku qorrayn laga hadlo ama la go’aansho.
Halkaas markay marayso, Duniduna Ismaaciil u sheegtay in haddii aan
shirka loo dhammayn aan cidi aqoon sanayn ayaa Madaxweyne Geelle soo saaray waraaq aan
buugga ku jirin oo uu leeyahay habka qabiil wax ku qaybsigu wuxuu ahaa hab aan dadka isgu
keenayney ee sheekadu dibbay ka soo fiicnaandoontaa. (Yaa qob moos loo dhigayaa)
Halkaas ayay ilaa hadda maraysaa buuggii Jabuutina ma dhammaan
Soomalidii hartayna halkii bay Runay waa been ku fiirsanayaan. Puntland na
leedahay MAR IDAGE ALLAHA DAGO - MAR LABAAD IDAGANA WAA ANIGA IYO DADNIMADAY.
Sheekadu waa socotaa ilaa dhammaad ka buugga ha hordhicin, ee ka
saan danbee......
[Column] |