19 May 2007 04:13
 
SW Newswpe25.jpg (8884 bytes)
  • Title: [SW News](QARAN) Maxkamadaha oo Qoryoolay ku xiray hogaamiye maleeshiyo
  • From:[]
  • Date :[]01 Jan 2000

Maxkamadaha oo Qoryoolay ku xiray hogaamiye maleeshiyo

Maxkamadaha oo Qoryoolay ku xiray hogaamiye maleeshiyo. QORYOOLEY, Jimce: Maxkamadaha islaamiga ah ee ka howl gala degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa habeen hore gacanta ku dhigay hogaamiyeyaal maleeshiyo oo deegaanka ah. Nin magaciisa lagu sheegaya Qalinle oo Arbacadii Qoryooley ku daadiyey waraaqo looga digayo maxkamadaha islaamiga ah inaysan halka lagu magacaabo Xero Labaad oo ay joogeen maleeshiyo ka tirsan beesha Garre ayey isaga iyo labo kale gacanta ku dhigeen ciidamada maxkamadaha islaamiga ahi iyagoo joogay Afgooye Yarey oo 25km galbeedka ka xigta magaalasda Qoryooley, halkaasoo la sheegay in horey loogu dilay oday ka tirsanaa deegaanka. Wararka halkaasi ka soo baxaya ayaa sheegaya in habeen hore gudaha magaalada Qoryooley lagu dilay Ugaas Sanweyne oo ka tirsanaa odayaasha beesha Garre, laguna dhaawacay ganacsade lagu magacaabo Maxamed Dheere oo la sheegay in ay taageersanayeen howlgalada maxkamadaha islaamiga ah. Dilka nimankaasi oo la sheegay inay ahaayeen raggii hor seeday in maxkamadaha islaamiga ahi halkaasi ka howl galaan ayaa lala xiriiriyey inuu ahaa mid looga jawaabayey xariga Nimanka la xiray. (QARAN PRESS)


[Back to the top] [ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:01 AM. Webmaster HomePage