- Title: [SW News] ( WP - 33 ) MADAXWEYNAHA PUNTLAND (Annaga ayaa
Madaxweynaha Jabuuti ky dhalinay fakarkaas mana diidi karno)
- From:[]
- Date :[] 4 Feb 2000
MADAXWEYNAHA PUNTLAND
Annaga ayaa Madaxweynaha Jabuuti ky dhalinay fakarkaas mana diidi karno
Galabnimadii sabtiga waxaaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Gobolka Bari
shir ballaaran oo ay ka soo qayb galeen daweyne aad u faro badan, shirkaas waxaasoo
qabanqaabiyey guddoomiyaha Gobolka Bari Md. Max'ud Caynab, waxaana isugu tegey Madaxda
DGPL oo uu hormood u ahaa Madaxweynaha DGPL Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayna weheliyeen
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xasan Abdhir Faarax iyo Hoggaamiyah Waftiga ka yimid Jubbada
Hoose Jen. Aadan C/laahi Nuur Gabyow.
Ugu horreyntii shirka waxaa furay Gud. Gobolka Bare Md. Max'ud Caynab
wuxuuna warbixin dheer oo ku saabsan Gobolka Bari ka akhriyey halkaas, wuxuuna hadalkii ku
wareejiyey Wasiirka Arr. Gudaha iyo Amniga Md. Xasan Abshir Faarax oo faahfaahin dheer ka
bixiyey kulankii ay la yeesheen madaxda Jabuuti waqtigii ay dalkaas tageen, wuxuuna
sheegay in la weydiiyey 12 su'aalood oo ay uga jawaabeen, wax kale oo intaaas dheerna
aysan jirin.
Intaas kadib waxaa hadalkii la wareegay Madaxweynaha DGPL wuxuuna ugu
horreyntii sheegay in si khaldan loo tarjumay hadalkii Jen Gabyow, balse buu yiri; Annagaa
Madaxweynaha Jabuuti ku dhalinay fikirkan mana aha mid aan diidi karno, horeyna waa u
caddaynay.
Madaxweynaha wuxuu canaan u soo jeediyey wargeysyada Riyaaq iyo Sahan oo
uu sheegay in ay ka been sheegeen hadalkii Jeneraalka oo ahaa in weli ay jiraan dad
dhulkooda laga haysto.
Madaxweynuhu wuxuu ku dheeraaday ka hadalka shirka Jabuuti, wuxuuna
sheegay in ay hadda aadayaan dalkaas, ayna soo noqodkooda bulshad u soo bandhigi doonaan
halka ugu dambeysa ee shirkaasi marayo iyo wixii qoraallo ka soo baxa.
[ News] |