Ilaalada Xeebaha Puntland oo
huleelisay maraakiib si sharci darro ah uga kaluumeysan jiray Soomaaliy.
BOOSAASO, Talaado:
Ciidamo ilaaliya xeebaha maamul goboleedka Puntland oo ay howl gelisay
shirkad Ingiriis ah oo lagu magacaabo The Hearty Group ayaa ka huleelliyey xeebaha
Soomaaliya maraakiib iyo doonyo si sharci darro ah uga kalluumeysan jiray biyaha
Soomaaliya.
Maraakiib taradoodu ay ka badan tahay 30 oo ku filiqsanaa xeebta dheer ee dalka Soomaaliya ayaa lagu waramay inay haatan dib ugu gurteen
xeebaha Bari ee dalka Keenya, waxayna arrintaasi la xiriirtay baa la leeyahay ka dib
markii culays kaga yimid ciidamada ilaalada xeebaha Puntland.
Ilaalada xeebuhu waxay haystaan maraakiib iyo doonyo dheereeya iyo hub
ay wax kaga qabaan kuwa isku daya inay shari darro kaga kalluumeystaan Soomaaliya, taasina
waa tan kaliftay in maraakiibta sharci darida ku kaluumeysan jirtay cararto oo
xitaa ka durkaan xeebaha koonfurta oo markii hore aad baylah u ahaa.
(QARAN PRESS)