- Title: [SW News] (BBC) Puntland oo sheegtay in aysan jirin wax hishiis ah oo dhex maray
Cabdullahi Yuusuf iyo Xuseen Caydiid.
- From:[]
- Date :[21 March 2000]
Iminkana "war deg-deg ah" oo naga soo gaaray magaalada
Boosaaso:
Yuusuf Garaad: Af-hayeen u hadlay dowlad goboleedka la
baxday Puntland ayaa ku tilmaamay hadalka Xuseen M.
Caydiid mid aan sal iyo raad lahayn. Wasiirka
warfaafinta ee D.G.Puntland, Cawad Ahmed Xashara oo
jooga magaalada Boosaaso ayaa goor dhoweyd waxaa uu
sheegay in aysan jirin wax hishiis ah oo dhex maray
Cabdullahi Yuusuf iyo Xuseen Caydiid. Waxaa kaliya oo
ay isku af-garteen in Xuseen Caydiid uu kasoo baxo
dhulka uu xoogga ku qabsaday.
Shirka ay yeesheen Abdullaahi Yuusuf iyo Xuseen
Caydiid oo ka dhacay dalka Liibiya, Cawad Cashara goob
joog kama ahayn, haseyeeshee waxaa uu ii akhriyay war
uu ku tilmaamay in maanta ay soo saartay Dowlad
Goboleedka Puntland kadib markii uu dhegeystay
idaacaddii galabta ee BBC-da.
[ News] |