LONDON, Axad:
Col. Xasan Maxamed Nuur (Shaargaduud) hoggaamiyaha Jabhadda Wax Iska Caabinta Raxanweyn
RRA oo haatan dalka Ingiriiska ayaa sheegay shalay in ay dhinacooda ka furan tahay wadada
isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo oo xirnayd tan iyo bishii Juun ee sanadkii hore, hase
yeeshee uu Xuseen Caydiid ballan qaadyo horey uu u sameeyey fulin waayey.
Col. Shaargaduud oo ay wareysi la yeelatay idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa
sheegay in jabhadiisu aysan diidanayn shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Jabuuti
qabanqaabinayso, wuxuuna yiri isagoo arrintaa ka hadlaya "ma diidanin shirka Jabuuti
waanna ka qayb galaynaa haddii dowladda Jabuuti ay soo gudbiso warbixin shirkaasi ku
saabsan oo lagu qanci karo", wuxuuna markaasi ka jawaabayey su’aal ahayd sida uu
shirkaasi u arko.
Mar la waydiiyey haddii uu shirka diido inuu ka cabsi qabo in dadweynuhu ku bannaan baxaan
ayuu yiri Col. Shaargaduud "dadka aan hoggaamiyo waa dad isku aragti ah, mana igu
bannaanbixi doonaan", wuxuuna shirka Jabuuti ku eeddeeyey inaysan shirarka
hordhacyada u ah tagin dadkii uu is lahaa wax bay qaban karaan, ayna ka maqan yihiin
dadkii ishaystay.
(QARAN PRESS)
_____________________________________________________________________________________