Warshaddii Kabka ee
Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo bililiqo aad u xumi ka socoto.
MUQDISHO, Axad:
Warshaddii Kabka ee Ciidankii Xoogga dalka Soomaaliyeed oo inteedii badnayd horey uga
badbaaday bililiqadii ku dhacday hay’adihii dowliga ahaa iyo kuwii shacabku lahaaba
ayey ku laba lixaadsadeen dableydu,waxaana ku socda bililiqo xoogan.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa si xowli ah loo fiiqayaa saqafkii saarnaa dhismaha
warshadaas, waxaana loo soo gelbiyaa dhinaca magaalada, halka qaar ka haray qalabkii kabka
biraha loo isticmaali jiray horey loo sii qaaday.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayey kooxo haystaa dhismahaasi isku dayeen inay ka iibiyaan
rag ganacsato ah, waxaana loo gaaray dableyda meeshaa haysata lacag dhan 50 kun oo
doolarka Mareykanka ah, sida ay noo sheegeen dad xog-ogaal u ah, hase yeeshee arrintaas oo
meel mar noqon wayday awgeed ayaa la fiiqayaa dhismihii.
Dhismaha Warshadda Kabka waxaa xilligii howlgalkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya degenaa
qaar ka mid ah cutubyadii ciidamadii howlgalkaas ka qayb qaatay, kuwaas oo wax ka qabtay
qaar badan oo ka mid ah dhismaha, hase yeeshee markii ay baxeen ka dib dhibaato la
gaarsiiyey.
(QARAN PRESS)