19 May 2007 04:13

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] (BBC) Farax Sindako oo taleefoonka ugu waramay Saciid Cali Muse (BBC).
  • From:[]
  • Date :[5 April 2000]

 

Farax Wehliye Caddw Sindiko, vice-president of African Football Association, oo ka hadlaya sababtii wax looga beddelay ciyaarihii is reeb reeebka ee Africa ayna iskaga hor imaana lahaayeey Soomaliya iyo Cameroon:

Mr. Farax Sindiko: Ciyaarta waxaa ay u dheceysaa annaga iyo Cameroon waa hesinay, runta in la sheegaa ayaa fiican. Haddi waxu ay bulsha yihiin, afrikana ay mideysan tahay xaga isbortiga iyo gubadda cagta gaar ahaan, in Soomaaliya bacdamaa aysan ballan qaadi garin nabadda Muqdisho, inaan annaga iyo walaalaheyn Cameroon-ba aan ku wada ciyaarno laba ciyaarood midna ka dhici lahay Cameroon midna Soomaliya, in'aan Cameroon ku wada ciyaarno. Midda koowaad waxaa ay dhaceysaa 19 bishaan, mida labaadna waxa ay dhaceysaa 23 bishaan, kooxdeenana waxay Xammar kasoo baxaysaa 14-ka.

Sacid Cali Muse (BBC): Markaas labadii ciyaaroode, tii Muqdisha lagu ciyaari lahaa ayaa labaduba hadda loo wada bedelay caasimada Cameroon?

Farax Sindako: Labaduba caasimada Cameroon ayaa loo wada bedelay.

Saciid: Markaas duruufaha jira awgeed ayaad ugu baaqateyn in kooxda ciyaardoyda reer Cameron ay tagaan Muqdisho?

Sindako: Sacid, ninku hadduu mas'uul yahay, waxaa lagu weydiinaya masuulyadda nabadgelyada. Wadciga runta ahna  in laga sheego waaye, ma rabno in been ka sheegnoo. Annagu ma qaadi garno dad Soomaliyeed wax ka bada in'aan ciyaarsiino, dad ajnabi ah nabadgelyadiisa ma qaadi karno. Macalimiin, tababaro iyo qalab ayaa naloo kayn lahaa, kooxyaal badan ayaan wada ciyaari lahayn, discipliinka kala duwan ee ciyaaraha ayaan meesha kayn lahayn, waxaaso dhan waxaanu soo noolayn karnaaa markaa Illahaey wadanka dawlad u keeno.

Saciid: Tababarka iyo isu diyaar garowka kooxda somaalida isku diyarinayso sidee buu yahay Faarax?

Sindako: Wa fiican, waa fiican yahay. Saciid waxaad ku tala gashaa annagu waxaan doonaeynaa, sidaan horay u sheegay in'aan meel kastaba tagno aan dalkastaba calanka ummadda geyno.

Saciid: Kharashka ciyaartowda yaa idiinka bixinaaya?

Sindako: Saciid, cid wax naga bixinaysa ma jirto. Xiriirka Soomaalida Gubada Cagta asaga ayaa is dabiraaya, asagoo cuskanaaya xaquuqda xiriirka kubadda cagta ee adduunka iyo saaxiibtinimada xariirka gubadda cagta Africa uu la leeyahay, asagaa is dabiraaya.

Farax Wehliye Caddow Sindako oo taleefoonka ugu waramayey Saciid Cali Muse.


Nooli Kulantee
Ali A.Jama(qatar)
Jama@qatar.net.qa

[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:01 AM. Webmaster HomePage