QORAAL UU SENDIKO U SOO DIRAY TARTANKA 17AAD EE CIYARAHA
GOBOLADA
Qoraal uu soo diray Gudd-oomiyaha Guddiga Olymbiga Soomaaliyeed
Faarax Weheliye Caddow (Sandiko) oo uu maamulka iyo shacab-ka Puntland iyo guddiga
olymbigada soomaa-liyeed ugu hambalyeenayey tartanka 17aad ee Ciyaaraha Gobolada
Soomaaliya, wux-uuna qoraalkiisa u qornaa sidan:-
Mudane madaxweynaha dowladda Puntland
Xubnaha Dowladda Puntland
Xubnaha Gobolada Shacbiga Puntland
Madaxda Maamulka Puntland
Madaxda G.O.S iyo Isboortiga Guud.
WALAALEYAAL.
Ku dhawaad toban sano ayaa ka soo wareegtay markii ugu dambeysay
ee cayaaro Gobo-llo qaran la qabto ka dib markii amar Alle ku habsa-day ummadda
Soomaaliyeed una noqotay derisi adag bulshada guud ahaan.
Annagu haddii aan nahay reer isboorti waxaan isku hawlnay inaan
kala qoqobka ka samata bixinno dhallinya-rada Gudaha iyo dibadaba, Goob kastana geynay
calan-ka ummadda Soomaaliyeed, taas oo ahayd arrin aad u culus annagoon u heysan maaliyad
ama dowladna taageerta, hase yeeshee ku shaqeynay niyad bir ah.
Mudaneyaal, waxaa maanta sharaf inoo ah inaan fulinno codsigii
madaxweyne muda-ne cabdullahi Yuusuf iyo dowladdiisa, kuwaas oo muu-jiyey jecaylka ay u
qabaan ummad bulshadeedu medey-san tahay oo is taageerta weelna wax ku wada cuna, taas oo
mudan in hoosta laga xariiqo taariikhdana lagu qoro taas oo mudan in hoosta laga xariiqo
taariikhdana lagu qoro.
Ugu dambeynta waxaan mahadda tan ugu sarreysa u soo jeedinaynaa
shacabka waqooyin bari oo isu keen keenay manta, mudanna magacan iyo sharafta annagoo
caddeynayna iney ujeedadeynu tahay abuuris bulsho dhan kasta ka caafimaad qabta isuna
keeni karta dhallinyarada dalka meel kastaba.
Waxaan jecelnahay inaan halka ka soo jeediyo go'aan guddiga
olimbiggu gaaray bishii Feberaayo 2000 oo ah.
In Md C/laahi Yuusuf Axmed lagu magacaabo Guddoomiye sharafka
G.O.S.
in lagu maamuso billadaha G.O.S midda ugu sarreysa oo ah (Order
of merit) dahab ah oo ka kooba 3 qeybood. Soomaaliya Dowlad Allaha u sahlo ka samata bixsa
wax ay ku sugan tahay, Isboortiguna ha guuleysto hana u tartamo si Caafimaad qabta oo
dhaqanka Isboortiga waafaqsan.
Mr. Faarax W. Caddow. Guddoomiyaha G.O.S