20 ka mid
ah Isimada Puntland oo u kicitimaya Jabuuti.
BOOSAASO, Axad:
Qaar ka mid ah isimada gobollada Puntland oo uu waramayey weriye ka
tirsan wargeyska QARAN ee Boosaaso ayaa sheegay in 20 ka mid ah isimada
Puntland ay Khamiista u dhoofayaan dalka Jabuuti si ay uga qayb galaan shir horudhac ah oo
ay dalkaas ku yeelan doonaan Isimada iyo madax ka duwan oo ka socota qaybaha Soomaaliya oo
u badan madax dhaqameedyo.
Dhanka kale warar lagu kalsoon yahay oo ka imaanaya magaalada Garoowe
ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland iyo shan xubnood oo ka mid ah golihiisa wasiiradu
ay iyaguna u kicitimi doonaan dalka Jabuuti.
Marti gelinta xubnahan ayaa waxa ay ka dhalatay wada hadal labo
maalmood qaatay oo xukuumada iyo Isimada Puntland ay todobaadkii hore magaalada Garoowe
kula yeesheen ergo ka socotay Jabuuti, tasoo lagu soo afjaray ismaandhaaf in muddo ah ka
dhex oognaa xukuumada Puntland iyo dowladda Jabuuti oo haatan ku howlan qorshe dib loogu
heshiisiinayo Soomaalida oo ladoonayo in dib loogu dhiso Qaranimadeedii.
Warar kale oo ka soo baxaya wada hadalkaas Garoowe ka dhacay ayaa waxay
tibaxayaan in guud ahaan xubnaaha ergo ee lagu maslaxay xukuumad goboleedku ay gaarayaan
12 xubnood, iyadoo la filayo in qaybta labaad ee ergadani ay bixi doonaan marka uu 2-da
May ee socota uu si rasmi ah u furmo shirweynaha Soomaaliyeed ee Jabuuti qaban qaabisay.