- Title: [SW News](QARAN
PRSSS)
Ugaaska Beesha Murusade oo si dhuumaal ah shalay ugu dhoofay Jabuuti
- From:[]
- Date :[25 April 2000]
Ugaaska Beesha Murusade oo si dhuumaal ah shalay ugu
dhoofay Jabuuti
MUQDISHO,
Talaado:
Ugaas C/qaadir Ugaas Xaashi (Ugaas Fara Cadde), ugaaska beesha Murusade ayaa shalay si
dhuumaal ah uga ambabaxay dalka isagoo ku sii jeeda dalka Jabuuti oo ay haatan ku sii
qulqulayaan duqayda dhaqanka ee beelaha Soomaaliyeed si ay uga qayb galaan shirka dib u
heshiisiinta Soomaaliyeed oo la filayo inuu dhawaan furmo,.
Ugaas C/qaadir oo shalay gelinkii hore ka cudurdaartay shir beeshiisu ku lahayd guri ay
leedahay haweenay lagu magacaabo Caa! sho Shaacuur oo ku yaalla koonfurta Muqdisho kana
qaybgalay! ey ayaa codsaday in la fasaxo si uu u soo eeggo hooyadiis oo uu sheegay inay ku
xanuunsan tahay xaafadda Gubta ee degmada Yaaqshiid, hase yeeshee saacado kaddib la
caddeeyey inuu ka dhoofay isaga iyo afar xubnood oo kale garoonka No.50 ee gobolka
Shabeelaha Hoose.
Dhoofitaanka Ugaaska ee qarsoodiga ah ayaa carro weyn ka dhaliyey halkii beeshu ku
shirsanayd, waxayna taasi dhalisay in shalay gelinkii dambe la qafaasho kaaliyihii ugaaska
oo lagu magacaabo Kamaal Xasan Cowl.
Kamaal ayey gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Xararyaale ee degmada Wardhiigleey ka
qafaasheen wiilal ay walaalo yihiin Ugaas C/qaadir oo ku eedeeyey inuu yahay ninka hogga
ka tuuray Ugaaska, beeshana isku diray.
Ugaas C/qaadir Ugaas Fara Cadde ayey dad ku dhow dhowi sheegeen inuu diidanaa ka
qaybqaadashada shirka beelaha Hawiye isagoo horeyna uga qayb galay shirkii kan ka horeeyey
oo horaantii sanadkii 1998-dii ka furmay magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya.
Beesha Murusade ayaa maanta k! a shiraysa go’aanka ay ka qaadanayaan Ugaaska iyo
talaabada ay ka qaadi lahaayeen shir ka dhacaya deegaanka Xararyaale.
(QARAN PRSSS)
[ News] |