Warsidaha Puntland

Tirsi 75

Garoowe – Khamiis 4 Janaayo 2001

 

Tusmada

 


MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO TACSI U DIRAY EHELADII MURXUUM UGAAS YAASIIN UGAAS C/RAXMAAN

 Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa Geeridii Ugaas Yaasiin Ugaas C/raxmaan ka tacsiyeeyay eheladii Marxuunka iyo Dhammaan dadka Reer Puntland, waxayna tacsidu u qornayd sidatan:- 

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka wakiil ah dhammaan Dawladda, Shacabka iyo Issimada Puntland, wuxuu aad uga naxay geeridii lama filaanka ahayd ee ku timid Ugaas Yaasiin C/raxmaan oo ku geeriyooday Magaalada Bosaaso Taariikhdu markay ahayd 31/12/2000, 9:00kii aroornimo. 

Wuxuu Madaxweynuhu Tacsi u dirayaa qoyskii iyo Eheladii Ugaas Yaasiin Ugaas C/raxmaan iyo dhammaan Issimada iyo Dadweynaha Puntland. 

Allaha u naxariistee, Ugaas Yaasiin Ugaas C/raxmaan, wuxuu ahaa halgamaa muddo dheer u soo dagaalamay xorriyaddii ummadda Soomaaliyeed, kana ahaa xildhibaan Baarlamaanka muddo 13 sano ah dawladihii ugu horeeyey ee Soomaalia. 

Wuxuu Ugaas Yaasiin Ugaas C/raxmaan ahaa isimada ugu magaca dheer, uguna ikhyaarsan isimada Dawlad Goboleedka Puntland. 

Waxaan marxuumka Ila-ahay uga baryeynaa in uu u naxariisto, samir iyo imaanna ka siiyo qoyski, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuu-mku.

 

Aamiin Aamiin

 

SARAAKIIL SHAQADA D.G.PUNTLAND QAARNA LAGA JOOJIYAY QAARNA LOO MAGACAABAY.

 Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa taariikhaha hoos ku qoran soo saaray xeerarka ku kala hor-qoran, xeerarkaas oo saraakiil shaqada Dawlad Goboleedka Puntland qaarna lagaga joojiyay, qaar kalena lagu magacaabay:- 

1.         Xeer Madaxwetbe lam. 164 ee taariikh 07/12/2000, jagada kaaliyaha Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dadweynaha Madaxtooyada Dawlad Goboleedka Puntland ayaa loogu magacaabay Maxamed Cawil Qambi, jaadaas oo Xasan Nuur C/salaan laga joojiyay xeer Madaxweyne Lam 397.

2.         Sidoo kale xer Madaxweyne Lam. 167 ee taariikhda 21/12/2000 ayaa jagada kaaliyaha xiriirka Dadweynaha Madaxtooyada Dawlad Goboleedka Puntland loogu Magacaabay C/raxmaan Xuseen Islaan....

3.         Xeer Madaweyne Lam. 397, waxaa Saraakiisha hoos ku oqran lagaga fariisiyay Jagooyinka ku hor qoran oo ay hore u hayeen:- 

1.       Axmed Cabdi Dhaga qool                Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada.

2.       Jaamac Caydiid (Soo dhaqsade)        Guddoomiyaha K/Xigeenka Guddiga Qandaraasyada.

3.       Xasan Nuur C/salaan                        Kaaliyaha Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dadweynaha. 

 

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland

Mudane C/laahi Yuusuf Axmed

 

MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO CAFIS U FIDIYAY MAXAABIIS.

 

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland ayaa soo saaray Xeerka hoos ku qoran:- 

MADAXWEYNAHA DAWLADDA PUNTLAND, 

MARKUU ARKAY Axdiga Dawladda, 

MARKUU ARKAY Warqadda ku-simaha Wasiirka W. Caddaaladda & Arrimaha Diinta, ee summadeedu tahay WACD/1-234/2000, 

MARKUU ARKAY  Warqaddii Taliyaha Xabsiga Gobolka Bari, ee summadeedu tahay XGB/G/1/082-/2000,

 MARKUU TIXGELIYEY  Xaaladda Maxaabiistan,  

SI LOOGU BEEGO Bisha barakaysan ee Ramadaanka, 

WUXUU CAFIS U FIDIYEY: 

1.         Cali Colaad Guure.

2.         C/xakiin Colaad Guure.

3.         Xasan Raabi Faarax

4.         Axmed Yuusuf Axmed

5.         Maxamed Nuur Jaamac

6.         Maxamed Maxamud Daad.

7.         Maxamed Maxamud Xasan

8.         Cabdi-xafiid Xasan

9.         Garaas Maxamed Qaasim

10.        Ibraahim Cali Xaaji

11.        C/qaadur Cismaan Maxamed

12.        Sakariye Saalim Xaaji

13.        Cali Cabdi Maxamed

14.        Axmed Cabdi Maxamed

15.        C/qani C/raxmaan

16.        Faysal Jaabir Muuse 

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland

C/laahi Yuusuf Axmed 

MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO SHAACA KA QAADAY BEEN-ABUUR LAGU MARIN-HABAABINAYAY  DGP

ISNIIN 01/01/2001  06/SHAWA-AL 1421 PUNA GAROOWE. 

Madaxweynaha Dawlad Gobole-edka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa galabta xarunta Madaxtooyada ee Garoowe, kula shiray 29 (Labaatan iyo sagaal) ka mid ah Nabadadoonnada Gobolka Nugaal… 

Waxaa kale oo shirkaas ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Ku xigeenka labaad ee Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Agaasimaha Waaxda xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada. 

Madaweynuhu nabadoonada wuxuu siiyey Warbixin guud ee Duruufaha Puntland iyo Soomaaliya ee Waqtigaan…..

Wuxuu uga xog waramay qulquladaha Qabiil  ee ka socda maalmahaan meelo ka mid ah Gobolka Mudug (Degmada Jiriiban)….. Madaxweynuhu wuxuu Odayada u sheegay in Markii uu caafimaadka ugu maqnaa Magaalada London loo soo diray qaylo dhaan la yiri dalkii dhibaato culus ayaa ka dhacday… taasina ay keentay in uu soo deg dego… markii uu yimidna la siiyey warbixin sheegaysa:-

1.       In Madaxda Dawlad Goboleedka Puntland qaarkood isku dayeen in Madaxweynaha oo maqan lagu sameeyo inqilaab…

2.       In la qorsheeyey in Puntland lagu laayo culimo iyo Odayaal Reer Puntland ah, si Gobollada Puntland fidno uga dilaacdo…

3.       In laga shaqeeyay in Beelaha Puntland qaarkood laysku dilo si wada jirka Beelaha Puntland loo bur buriyo….

4.       In Kooxda Carta loo yeero oo Madaxnimo looga hirgeliyo deegaanada Puntland…. 

Arrintaas oo Madaxda Puntland qaarkood ku jireen…. Madaxweynuhu  wuxuu yiri:-  arrintaas waxaannu u xilsaarnay Guddi ku filan oo khibrad weyn oo dhinac walba ah leh madaxna uu u yahay Janaraal Cismaan Fatiig…. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Guddigaasi, baaris qota dheer ka dib ay ku soo warbixiyeen sidan:-

1.       Saddexda qodob ee hore waa been-abuur.

2.       Qodobka 4aad, waxbaa ka jira…. Wixii ka jirana waxaa ku kacay dad shacabka ka mid ah…. Mana aha wax Dawlad Goboleedka Puntland ku keenay culays weyn ama khatar…. cid ka mid ah madaxda Dawlad Goboleedka Puntland oo ka qaybgashayna ma jirin…..

Madaxweynuhu wuxuu yiri:- sidaa darteed, annagoo raacaynna talo bixintii guddigaas, waxaannu shaqada Dawladda ka saarnay intii been abuurkaasi ka qaybgashay ee wax ka abaabushay iyagoo haya shaqada Dawlad Goboleedka Puntland, isla markaasna xurmayn waayay mas’uuliyadii ay u hayeen shacabka Reer Puntland. 

Waxaanu dooranay in aan arintaas cidna loo xirin…. Nin siyaasad u xirnaan-jiray ku deg-degi mayo in uu siyaasad wax-u-xirxiro, ayuu raaciyay Madaxweynaha…. Intaas ka dib, Madaxweynuhu wuxuu shirkii Nabadoonada uga xog-waramay guud ahaan arrimaha Soomaalida oo uu yiri way calowsanyihiin…. Sababaha soo socda dartood:-

1.       Carta la iskuma raacin oo waxa Carta ay dhashay waa uun Koox cusub, Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu qabay, kuna shaqeeyay, anigana uu toos iigu sheegay in ciddii dagaalkii sokeeye ku adkaatay ay iyadu iska leedahay Madaxnnimada Somaliya oo muran la’aan ah… 

2.        Kooxda Carta, innana dawlad Qaran uma aqoonsanin, iyana Puntland Dawlad Goboleed uma aqoonsana.

Dawlad Goboleedka Puntland waa u diyaar, wayna ka shaqaynaysaa oo ku dadaalaysaa in la helo dib-u-heshiisiin Soomaaliyeed iyo qaran soomaaliyeed oo u dhisma si xaq ah…. Oo aan dibad laga dhisine, soomaalidu dhisato…. Qaranka cusub ee soomaaliya dhisanaysaa waa inuu noqdaa federal hoos ka soo dhismay ee aan kor laga keenin…

5. Garowe waxay ahaaneysaa Caasimadda Puntland, Caasimadda Soomaaliyana xaq ayay u leedahay inay noqoto…. Inay noqotana waannu ku doodaynnaa ee Muqdisho khasab ma aha….

6. Soomaaliya lama kala goyn karo… oo wax kala qaybsami kara ma aha…

7. Nabadeynta Soomaaliya waa inaan dibadda laga maamulin….

8. Marka soomaaliya la nabadeynayo, waa inaan cidina cid kale deegaan xoog kaga haysan…..

ugu dambayntii Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay dhibaatada ku saabsan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe…. Wuxuuna amray in Guddigii arrintaas horay loogu xilsaaray ay xilkeeda sida waajibka ah u gudato…. Intaas ka dib hadalkii wuxuu u wareegay nabaddoonada, waxaana ka hadlay

1.       Nabaddoon  Faarax Guureeye

2.                  Daahir max’ed Garaase

3.               “ Xirsi Firito

4.                 “ C/laahi jaamac Careef

5.              “ Salaad Caaggane

6.              “ Max’ed Faarax Bulay

7.              “ Cismaan Max’ud Aw-Cismaan

8.        Nabadoon Yuusuf Nuur Geedi.

Shirkaas oo si fiican oo caafimaad qabta ku dhammaaday, hadalladii nabadoonada oo buuxa ka akhriso cadadka soo socda ee Warsidaha (Arbacada danbe haddii Alla idmo)

Madaxweyne ku xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland oo ummadda ka tacsiyaynaya marxuum Ugaas Yaasiin Ugaas C/raxmaan. 

Madaxweyne ku xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu yiri:-

 

Waxaan tacsi qalbiga ah u dirayaa Eheladii marxuun Ugaas Yaasiin Ugaas C/raxmaan iyo dhammaan shacbiga Reer Puntland…. Marxuumka oo ahaa shakhsiyad la wada yiqiin wanaaggiisa iyo qiimo-sarrayntiisa, waxaan Ilaah uga baryayaa Janno iyo naxariis, ehelkiisa iyo ummaddana samir iyo iimaan. Aamiin Aaamiin

 

GOLAHA WAKIILADA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO INAGA  WADA TACSIYEYNAYA MARXUUM UGAAS YAASIIN UGAAS C/RAXMAAN. 

Mudane Xildhibaan Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) isagoo ku hadlaya Magiciisa iyo magaca Golaha Wakiilada Dawlad Goboleedka Puntland oo dhan, wuxuu Tacsi u dirayaa Eheladii iyo dhammaan Shacbiga Reer Puntland isagoo ka tacsiyeynaya Geeridii Murxuum Ugaas Yaasiin Ugaas C/raxmaan, oo leh:- Murxuumkana Ilaahay ha siiyo Janno iyo naxariis, Eheladii iyo Reer Puntland-na samir iyo iimaan

Aamiin Aamiin…

ISSIMADA REER SANAAG OO TACSI KA DIRAYA MARXUUM UGAAS YAASIIN UGAAS C/RAXMAAN

 

1.       Suldaan Siciid Suldaan C/salaan

2.                 Cali-Mahdi Suldan Max’ud.

3.       Garad Saleebaan Garad Max’ed

4.       Suldaan C/laahi Cartan Faarax.

5.       Islan Xuseen Xaaji C/salaan.

6.       Suldan C/laahi Cali Ciid.

 

Dhammaantood waxay geeridii Ugaas Yaasiin Ugaas C/raxmaan tacsi uga dirayaan eheladiisii iyo dhammaan ummaddeen… iyagoo marxuumka u rajeynaya naxariis iyo janno, eheladiisii iyo ummaddana samir iyo iimaan…

 

 

DHAMMAAN ISSIMMADA SOOL IYO BUUHOODLE OO TACSI KA DIRAYA MARXUUM UGAAS YAASIIN…. 

Garaad C/qani Garaad Jaamac, Garaad Saleebaan Garaad Max’ed, Garaad Ismaaciil Ducaale, Garaad C/laahi Garaad Soofe, Suldaan Siciid Cismaan Cali, Garaad Abshir Saalax, Ugaas C/laahi Ciise Nuur, Boqor C/laahi Axmed Cali, Garaad Cali Buraale Xasan iyo Suldaan Cali Xaaji Ismaaciil…… 

Dhammaantood waxay tacsi uga dirayaan Eheladii iyo Shacbiga Reer Puntland iyo shacbiga Soomaaliyeed-ba Geeridii marxuum Ugaas Yaasiin Ugaas C/raxmaan… waxay marxuumka Ilaahay uga baryayaan Jano iyo raxmo, eheladii iyo shacbigii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan.

 

Aamiin - Aamiin..

 

ISLAN MAXAMED IYO SIMMO KALE OO SHACBIGA PUNTLAND KA TACSIYAYNAYA MARXUUM UGAAS YAASIIN 

Waxaa Eheladii iyo shacbigeenna oo dhan ka tacsiyaynayaa geeridii Marxuum Ugaas Yaasiin Ugaas C/raxmaan Issimmada hoos ku qoran:- 

1.       Islaan Maxamed Islaan Muuse.

2.       Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.

3.       Ugaas Cumar Geelle Max’ed

4.       Suldaan C/laahi X. Nuur

5.       Suldaan C/qaadir Cumar.

6.       Maxamed Suldaan Xasan Cali 

Marxuumka waxay Ilahay uga rajeynayaan janno iyo raxmo, Eheladii iyo ummaddana samir iyo iimaan.. 

Aamiin iyo Aamiin

 

SULDAN SICIID MAXAMED GARAASE IYO MUDAN KALE OO TACSI DIRAYA 

Suldan Siciid Max’ed Garaase, Siciid Aw-Nuur Cali, Xirsi Ma’ed Jaamac Xaaji Mahad Bulxan, Daahir Max’ed Garaase, Khaalid Yuusuf Faarax, Yuusuf Jaamac (Cambe), Maxamud C/laahi X. Xuseen, C/risaaq Ciise X.Xuseen (Khatumi), Cali Max’ed C/maan (Cali hayaan), Juujaale, Caydiid Cismaan, Max’ed Khyre, Cali Faarax Dheere, Siciid Diiriye, Yuusuf Cilmi Mataan, Axmed Deni Cabbaas Faarax, Xaaji Cali-Nuur Axmed waxay dhammaan dadkaasi iyaga oo ka tiiraanyeysan geeridii ku timid Ugaas Yaasiin Ugaas C/raxmaan u tacsiyadeynayaan dhammmaan Eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Ugaasku. Waxayna marxuumka Ilaahay uga baryayaan inu

Jannadii ka waraabiyo

Dhammaanteenna Samir

Iyo Iimaan

Aamiin  -  Aamiin.

 


AMMARRO KU SAABSAN GAROONKA GAROOWE IYO DHULKA OO KA SOO BAXAY GUDDONKA GOBOLKA NUGAAL.

 Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa soo saaray labadaan wareegto oo hoos ku qoran:- 

Wareegtada koowaad oo summaddeedu ahayd PL/GN/419/2001-kuna Jan. taariikheysnayd 01/01/2001 toosna ugu socotay Duqa Magaalada Garoowe, Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Garoowe, Taliyaha Saldhigga Degmada Garoowe, Ogeysiisna ku ahayd Maxkamadda Darajada Koowaad ee Garoowe, Warsidaha Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Madaxtooyada Dawlad Goboleedka Puntland uuna ku saxiixnaa Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane C/laahi Xasan Faarax ayaa u qornayd sidatan:

Markuu arkay. 

Axdiga Dawlad Goboleedka Puntland. 

Sharicga dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Dadweynaha iyo Dhismaha Maamulada Gobolada iyo Degmooyinka. Soo jeedinta dhulka ee Caasimadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka. 

Dhulka Caasimada oo boob lagu hayo.

Go’aankii guddiga fulinta Gobolka ee ku saabsanaa xayiraad ku soo rogidda iyo joojinta dhul bixinta agagaarka dhismayaasha Dawladda iyo Garoonka Diyaaradaha.. 

?      Baahida loo qabo bilicsamida Caasimadda iyo ilaalinta naqshadaha (Town Plan). 

Wuxuu Xeeriyey:-

1.    Laga bilaabo 2/1/2001 Mas’uuliyada Garoonka Diyaaradaha waxaa wakiil uga ah Dawladda dhexe Maamulka Garoonka G/Nugaal iyo Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka. 

2.    Qofkii lagu arko o dhiga qalab dhisme sida dhagax, dhoobo ama jeexdin waxaa lagu ciqaabayaa hantida oo laga qaado iyo ganaax dhan Sh.So 500,000/= (Shan boqol oo kun Shin So) ama saddex bilood oo xarig ah. 

3.    Baabuurkii dhiga Qalab dhisme sida dhagax dhoobo iwm waxaa lagu ciqaabayaa ganaax dhan Sh.So 1000,000 (Hal malyan Sh.So) ama Lix bilood oo xarig ah. 

4.    Dhulka Garoonka u calaamadsan wixii qalab yaala haddeysan dadkii lahaa ku qaadan muddo 3 maalmood ah oo laga bilaabo 2/1/2001 ilaa 5/1/2001, waxaa hantidaa la wareegi doona Dawladda. 

5.    Dawladda Hoose ee Degmada Garoowe waxaa laga doonayaa inay gaarsiiso dadweynaha Awaamiirta oo ay naadiyaan. 

6.    Fulinta amarradaan waxaa u xilsaaran Ciidamada Qalabka sida, Dawladda Hoose iyo Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka. 

FG.  Cidka kasta oo sharci u haysata dhulka Garoonka waa lagala Noqday.

 Wada shaqayn wacan. 

Mida kale oo sumadeedu ahayd PL/GN/421/2001 kuna taariikhsnayd Jan. 01/01/2001 toosna ugu socotay Duqa Magaalada Garoowe, Taliyaha Qaybta Booliiska G/Nugaal, Taliyaha Saldhiga Degmada Garoowe, Ogeysiisna ay ku lahaayeen Warsidaha Puntland Maxkamadda Darajada Koowaad ee Degmada Garoowe, Amniga, Madaxtooyada Dawlad Goboleedka Puntland ayaa u qornayd sidan:-

 

UJEEDDO WARGELIN 

Waxaa Idinku Wargelinay-naa inaad ku dhaqantaan Awaamiirta laydin siiyay una fulisaan sida ay yihiin qodobadaan hoos ku qoran:- 

1.   Wax dhul ah oo aad bixin kartaan ma jirto laga bilaabo bisha jannaayo 2-deeda 2001 ilaa 2/3/2001, Waxaana laga shaqaynayaa labadaa bilood canshuuraha kale oo D/Hoose oo dhan, oo ku waajiba dadweynaha nooc kasta oo ay yihiin. 

2.   Waxaa laydin farayaa in uu naqshad ka soo sameeyo Joomitarka Degmada Garoowe Gobolkana u soo gudbisaan. 

3. Gurayaha D/Hoose waa inaad ka keentaan warbixin tifatrian, muddo 7 Beri gudohood ah, sida cidda deggan, meesha uu ku yaal (Deegaan iyo Ganacsiba), ma kireysan yahay mise ma kireysna, inta uu ku kireysan yahay iyo heshiiskii lala galay dadka guryaha Deggan oo qoraal ah.

WAREYSI LALA YEESHAY

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA NUGAAL (Qaybtii 2aad) 


W/PL:- Arrinta Nabadgelyada waxaad sheegtay inaad wax ka qabatay waxaana la sheegayaa tuugo farabadan oo xabsiga laga siidaayay oo magaalada faro kulul ku haya, marka taa maxaa ka jira? 

Baasaweyne:-  Arrintaas ninka tuugga ah waa la soo xiraa waxaa la geeyaa xabsiga, Boliiska ayaa soo qabta, baaritaan ayaa lagu sameeyaa xabsi waa la baaraa ayna sameeyaan Boliiska, Maxkamadda ayaa la geeyaa kii dambiile ahna haddee dambigiisa ayaa lagu qaadaa, kii aan dambi lahayna haddee sharciga ma ogola in la iska hayo, marka cidda aan la damiinan ama waa in uu Ruumaan ahaadaa oo xabsiga ku jiraa ama waa in uu xukun ku dhacaa, marka Booliiska soo qabto repoorkiisa u gudbiyo Maxkamadda ayaa la saaraa, awoodda siidaynta inta Maxkamadda ayaa iska leh.

 

W/PL:- Waxaad kale oo Carabaabtay in habac ku jiro Dawladaha Hoose ee Gobolka, marka maxaad is oran kartaa waa keentay, sidaas  waa looga gudbi karaa?

 

Baasaweyne:- Tayo xumida ayaa keentay, tayo xumida shaqaalaha Dawladaha Hoose ayaa keentay, dad aan shaqadii u firfircoonayn ama…. Ciidamadaa la shaqeeye Dawladaha Hoose, waxaa si toos ah ah ula shaqeeya Taliska Ciidanka Booliiska dhib badana kala kulma, inta uu ka qabto Boliiska Degmada, shaqadiisu caadiga ahaa dhulalkaana u badan, waayo dhulka dadkiibaa iimaankii si ka noqday habeenkii bay jeex jeexayaan dhul boob wax la yiraahdo, dadkii ma sugayaan sharciga, sharcigii ma dhowrayaan xattaa ayraboorkii, habeenkii waa la jeexdaa calaamadaa la dhigtaa subaxdiina Booliiska iyo Dawladda Hoose ayaa baabiya Marka waa jug-jug meeshada jog dhibaatadaasi waa jirtaa tayo xumi iyo jileec Dawladda Hoose ayaa jira, hawlaha guud oo Ayraboorada shaqaalaha iyaga waxaad moodaa inay ogayn xilkii Ayraboorka ka saaraan.

 

W/PL:- Waxaad iyadana carabaabtay markii aad shirkii Carta ka hadlaysay inaad wax ka qabateen, waxaa la sheegaa in hadda Gobolka dhexdiisa lagu qabtay weliba magaalada Garoowe arrintaa iyada maxaa ka jira sideese wax uga ogtihiin?

 

Baasaweyne:- Ma jirin wax shir ah oo lagu qabtay oo ofishal ah, dhowr nin oo guri isku xiray oo joornaal wax ku qoray Borobaleem ma aha wax dhibaato ah ma aha shirna haddee lama oran karo taa, waa jirtay waan maqlay iyagana talaabadii ku haboonayd baanu ka qaadnay waayo, waxaanu u sheegnay in aan shir la ogolayn mid qarsoodi ah iyo mid muuqda, kooxihii wixii aan garanweynay digniin baan siinay inay ka waantoobaan ilaa hadeerna wax caynkaas ah ma jiraan. 

W/PL:- Waxaa jirtay 16kii bishii la soo dhaafay ee November in Madaxweyne ku xigeenku Guddiyo magacaabay dabadeedna Gobolka Nugaal Guddigu uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Baa loo magacaabay marka Guddigaas sidee baad u wada shaqaysaan. 

Baasaweyne:- Guddigaas waxaa loo magacaabay xaalada ka jirta Gobolka ama Gobolladeena oo dhan, shanta Gobol iyo Deegaanka Buuhoodle intaasba Guddiyo baa loo magacaabay kala duwan Guddigaas Wasiirka Xanaanada Xoolaha Maxamed Xaaji Aadan uu ka madaxda yahay baa loo magacaabay wada shaqayntayaduna si fiican baanu u wada shaqaynaa si toos ah ayaan u wada shaqaynaa, wax walba waan isla qabanaa sidii shaqada noogu fiicnaan lahayd baanu u wada shaqaynaa. 

W/PL:- Arrintaasi mark uu ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha waxay u ekeyd mid ka biyo diidsan yahay, dabcan oo u muuqata in Maamuladu Goboladu ayan la shaqayn Karin guddiyadaasi la Magacaabay marka arrintaasi sidee tahay? 

Baasaweyne:- Walaahi ninba figrad buu leeyahay,  Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa taas Guddiyadaas la magacaabay waa  uu xanuunsanaa, hadda laftigeed aad buu u xanuunsan yahay wuxuuna dhakhtar u aaday Bosaaso Allaha Caafiyo.

W/PL:- Mudadaas koobnayd oo aad Guddoomiye ka ahayd Gobolka ma jiraan wax dhibaatooyin ah oo aad la kulantay. 

Baasaweyne:- Qof  ahaan dhibaato-oyin lama kulmin: oo aniga dalkaygii iyo dadkaygii baa joogaa, laakiin waa jirtaa dhibaatooyin  shaqada kaaga hor imaanaysa, oo ku saabsan xagga dhaqaalaha, Gobolka saad u ogsoon tihiin malaha Gaadiid iyo shidaal Hawlaha lagu fuliyo marka sidii la rabay in aad wax u qabatid waxaa laga yaabaa in stakol kaa hor yimaado ama aad weydid shidaal ama aad weydid wixii aad wax ku kordhin lahayd, dhibaatadaa, Gaadiid la’aanta iyo shidaal la’aanta ma’ahee wax kale oo dhibaato ah oo naga hor yimaada ma jirto, dabcan taasi waa hor imaanaysaa, horey waa nogu hortimi, haddana waa naga hor imaanaysaa, Ilaa la daboolo oo Dawladdu daboosho waana sugaynaa inaan helno Gaadiid iyo shidaal sanadka cusub Janaayo wixii loo gaaro insha Allah. 

W/PL:- Adigoo ka faa’iidaysanaya fursadaan maxaad shacabka Reer Puntland ama Gobolka Nugaal aad u jeedin lahayd? 

Baasaweyne:- Waxaan u jeedinayaa shacabka Reer Puntland oo walaalaha ah oo isir wadaagga ah waxaan u jeedinaynaa inay nabada xasiliyaan oo ku dadaalaan meelna uga soo wada jeedsadaan oo aan la oran xukuumad iyo shacab ee laysku duubnaado oo nabada iyo wanaaga iyo wax wada qabsiga iyo cadawga dibada iyo gudaha meel looga soo wada jeedsado oo loo feejignaado dantana la garto, waxaan kaloo u soo jeedinayaa guul iyo caafimaad iyo khayr dantoodana in Ilahaay garansiiyo baan u soo jeedinayaa ummadda Reer Puntland iyo Soomaaliyeed.

 

WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA EE MARAYKANKU SIDEE AYUU  U ARKAA PUNTULAAND??? !!!

 

Sida la inoo sheegay, Madaxweynaha hadda la doortay ee dalka maraykan ku, wuxuu Wasiirka Arrimihiisa dibadda u doortay Jananka madow ee la yiraahdo Koolin Bowl…. 

Isagoo ah janankii hoggaam-inayay dagaalkii adduunkoo dhammi Ciraq ku hujuuntay sannadkii 1991…. Sidee ayuu u arkaa arrimaha Soomaaliya guud ahaan iyo kuwa Puntland gaar ahaan???  

Waxaynnu ku bilaabaynnaa horta siduu u fekeraa janankaasi??? Markii uu ka soo jeestay dagaalkii Ciraaq, saaxiibkiis oo la yiraahdo Josef Brisco ayaa inoo soo faafiyay oo ka dhigay buug, waraaqihii Janankaasi lafihiisa kaga xog-warramay (Biography)…. Buuggaas oo magaciisu yahay:- Xusuus-Qorkii Koolin Bowl…. Bal aan erayo ka soo qaadanno:- 

1.                                                                                                                                          Fasalka 9aad, Bogga:- 277:-

<<Aragti saafi ah oo aad leedahay, kaligeed wax kuma fulinkartid…. Aragtidaas waxaa dhab la taaban karo u beddeli kara, rag ad-adag keliya…. Adiga iyo iyagu raq badan wara…. Ka dibna iskaga dhaqaaq, wadaaddada iyo kuwa samafalka ka shaqeeyaa lafaha ha ururiyeene u daa>>

2.      <<Waxaynnu ku noolnnahay nolol hoosta ka maran oo aynnu aad ugu cidllooneynno… cadowyo dhab ah si sahlan ayaynnu ku helikarnaa…. Laakiin way adagtahay inaynnu helnno saaxiibbo run ah>>

3.      Fasalka 14aad:-

<<Anigu maamulka aan jeclahay waxaa weeye:- arrimaha oo lagu fuliyo naxaariis la’aan kor qabow>> bogga 452

4.       <<Anigu ragga ila shaqeeya marwalba waxaan ka rabaa:- caqli soofeysan, daacadnnimo buuxda, dhega nuglaan ebyan, dareen sarreeya, arrimaha dhicidoona oo la sii arko, qofnnimo isu-miisaaman iyo howlfulin lagu mintido>> Bogga 452.

5.         <<Madaxweynahayagu (Reagan) wuxuu ahaa nin caqligiisu kala daadsanyahay oo maskaxdiisu kala quban tahay>> Bogga 462

6.  <<uur-ku-jirta qofku, caafimaadka ugu sarreeya waxay ka heshaa faras guudkii>> waxaa yiri Madaxweyne Reegan Bogga 496.

7.    <<Hoggaamiyeyaasha waaweyne, kibir ma laha, dooddana ma nacaan, wayna shaki-badan yihiin, xalka ay keenaanna waa mid dadweynuhu fahmi-karo>> Bogga 501.

8.                                                                                                                                           Fasalka 17aad:-

<< Inta aad leedahay cadow heer sare ah ayaa adigana arrimahaagu kor u soconkaraan>> Bogga 505

9.                                                                                                                                           Fasalka 18aad:-

<<Millateriga Amerika oo hoggaanka loo dhuftay, inkaaraha dunida waa ka mid>> Bogga 589

10.  <<Panama ayaannu ku qaadannay tababbar nuxurkiisu yahay:- Adigoo baallaweyn sii hadaaf, arrintana dhakhso u soo afjar>> Bogga 615.

11.    << Carabtu dhan ayay ka ahaayeen walaalkooda habowsan, laakiin diyaar uma ahayn inay Israa’il saf la soo galaan>> Bogga 616

12.      Ciraaq-dii aan ku luqluqday waxay ahayd xoogga 4aad ee dunida>> Bogga 622.

13.      waxaanu Ciraaq u maggaabinnay, inaanu indhaha Iran wax tusno>> Bogga 668

Lasaco Tirsiyada dambe

BAHDA WARSIDAHA OO TACSI DIRAYSA.

 

Dhammaan Bahda Warsidaha Puntland waxay akh-ristayaa-sha, dhammaan shacabka Reer Puntland iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ka tacsiyaynaysaa Geeridii Uga-as Yaasiin Ugaas C/rax-maan…..Marxuumka Allaha u naxariisto, Eheladiisii, Qaraa-badiisii iyo dhamm-aan shacbiga Puntlandna samir iyo iimaan ha ka siiyo..

 

Aamiin Aamiin.

 

 

WARSIDAHA PUNTLAND 

WAXAA HORJOOGE U AH:-

1.      Axmed Sheekh Jaamac. 

WAXAA QORA:-

2.      Tifaftire:- Cabdi Bashiir Xaaji Maxamuud.

3.      kaaliye Tifaftire:- Yaasiin Aadan Rooble

4.      Qoraa:- Faarax Yuusuf Nuur (K.K)

5.      Computer Operator:- Maxamuud C/laahi X. Xuseen (Alex). 

Arbaco kasta ayuu ka soo baxaa Madbacada N.P.C-Garoowe. 

 

Tel. 252-944-2600 - Puntland-Somalia

 

FALLEYNTA WARARKII DIBADDA EE BISHII DISAMBAR 2000.


1) Suudaan -  Masaajidkii ayaa Qaylo ka yeertay
 

BBC- 12-12-2000  16 Ramadan 1421. 

Iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa nin Muslinnimo sheeganayaa intii uu weeraray Masaajid lau tukanayo oo ku yaalla Magaalada Ummu-durmaan ee Dalka Suudaan ayuu wuxuu qudha ka jaray oo dilay 20 (Labaatan) isla markaasna wuxuu dhawaacay 30 (Soddon) kale oo ah dadkii Salaadda ku jiray….. 

Wakaaladaha Wararka ee Adduunku waxay sheegeen in ninkaasi ka tirsan yahay Garabka Al-Takfiir wal-Hijra….

 FAALLADA WARSIDAHA:- 

Innaba hadda Soomaaliya waxaynnu ku aragnaa rag diiday mad-habta shaaficiyada oo u leexday mad-habta xanbbaliyada. Waxaynu aragnaa qaar aan cunin waxa iyagu gowracaan mooyee wax kale….. 

Haddaba wadiiqo aad la leexatay waa kula fogaan kartaa…. 

2. Kuwait Gudaha ayay ka qarxaysaa:- 

14/12/2000  17 Ramadaan 1421  

Joornaalka Al-Sharqul-Awsad  

Joornaalka Al-Sharqul-Awsad oo todobaad laha ah ee ka soo baxa dalka sucuudiga ayaa qoray in dalka Kuwait gudihiisa laga helay Maqaasiinno muslimiinta mintidka ahi ku qarsadeen hub fara-badan…

Faalada Warsidaha:- 

Xukuumaddii Kuwait hadda ayay marna eegeysa maqaasinnada hubku ka buuxo ee gudaha…. Marna eegeysaa dhinaca ciraaq… waase nabsiyoo iyaba waxaa lagu xantaa inay shuftooyinka qaarkood gacan siiso. 

3. London. 

10/12/2000  14 Ramadaan 1421  

Mudnaanta Siyaasadda waxaa leh ilaalinta Degaanka. 

Xisbiga Shaqaalaha ee dalka Britain, oo dareemay in dadweynuhu  ka sii jeedsanayo, ayaa soo saaray barnaamij Cusub oo ka turjimaya siyaassaddiisa… wuxuuna qodobka ugu muhiimsan ka dhigay ilaalinta deegaanka (Enviroment Protection)…. si uu dadka mar kale u soo jiito….  

FAALADA WARSIDAHA:- 

Kala maan fogaa dadkaas iyo Soolka ragga jooga qaarkii !!! 

4) LONDON. 

04/12/2000  12 Ramadaan 1421 joornaalka the Times. 

Cuqaashii Adduunka oo shiraysa.

Joornaalka the Times ee maalin walba ka soo baxa London, ayaa wuxuu qoray inay shir dhowaan issugu yimaaddeen dad ay awooweyaal u yihiin haamaanadii dagaalkii 2aad ee Adduunka, Roosevelt, Churchil iyo Stalin…. 

Sheekooyinkooda, waxaa u muhimsanaa sida Joornaalku sheegay, inay eegaan inta adduunku ka dhaqaaqay meeshii awoowayaashood kaga tageen iyo xilkasnnimada dadka manta adduunka xukuma…. 

FAALADA WRSIDAHA:- 

Idinba nala arka kooxda Deerow Isaaq ee haddeer qarafaysiga gorofta u qaadatay…. 

4.    MIYAADAN GABAYGII KHALIIF HORE U DHEGEY-SAN.: 

08/12/2000  12 Ramadaan 1421 Wakaaladaha Wararka. 

Hogaamiyaha Reer Falastiin Mudane, Yaassir Carafaat, oo ka soo degayay Garoonka dayuuradaha ee Qaza, ayaa Butukh boobe ah garabka surtay, Bistoladna waraaqa ka laalaadiyay markii la yiri:- 

Jidgooyo Yuhuudda ah ayaa Suurtagal ah…. 

FAALADA WARSIDAHA:- 

Carafaadow miyaadan hore u dhegeysan gabaygii Khaliif ee ahaa:- 

Ma inaan colaad maamulaa dani I moodsiisay… 

5.    DADKA FALASTIIN HUBKA WAXAY KA HELAAN YUHUUDDA 17/12/2000  21 RAMADAAN 1421. 

Joornaalka ka soo baxa London ee magaciisu la yiraahdo Gardian ayaa manta qoray in dadka reer Falastiin ee Shacbiga ahi hubka ay kula dagaalamayaan Yuhuuda ay ka helaan Saraakiisha iyo Askarta Dawladda Israa’iil.

 FAALADA WARSIDAHA:- 

Annagaa soo joognay dawlad saraakiisheeda ciidammadu hubka ku wareejiyaan cadowga…. Waa tubtayadii…