- Title: [SW News](Gothenburg) Baaq ka soo baxay beesha Wacbuudhan
- Posted by/on:[AMJ][Sunday, January 7, 2001]
Wadanka : Sweden
Magaalada : Gothenborg
Tariikh : 31 december 2000
Sacadda : 17:00----22:00
UJEEDDO: BAYAAN
Taarikhda markay ahayd 31.12.2000 waxaa kulan iskugu yimid magaalada
Gothenburg culamaaùdinka, aqoonyahanadda, dhalinyarada,
haweenka iyo odayaasha beesha Wacbuudhan Abgaal.
Kulankaas waxaa kale oo kasoo qayb galay Caaqil Muse Axmad Yusuf
oo deggan dalka Germany, waxuuna ka hadlay muhiimada ay leedahay
midnimada iyo nabada. Waxaa kale oo munaasabadaas duruus diini ah oo
ku saabsan walaaltinimada ka soo jeediyay Sheikh Cabdiraxmaan
Sheikh Muxyidiin Celi. Waxaa kale oo shirka lagu
guddoonsaday in la sameeyo "Home page" si loo khordiyo
xiriirka ka dhexeeya bulshada ku abtirsata beesha Muddullood ku nool
wadanka gudahiisa iyo dibeddaba.
Waxaan dhamaan ka warqabnaa xaaladda
oo dalka Somaliyeed ku suganyahay, gaar ahaan degaanka mudullood.
Waxaan soo jeedinaynaa bayaanka soo socdo:
In la dhawro midnimada Beesha Wacbudhan, sida oo kale tan Mudullood
iyo tan somaliwayn.
Waxaa kale oo lays tusay in uu ahaa
mid khalad ah oo aan loo baahnayn in uu dhaco weerarkii lagu qaaday
degmada Balcad iyo agagaarkeeda. Waxaa haboon in beel walba ay ka
taliso degaankeeda, dadka Degmada balcadna ay ka tashadaan
aayahooda. Waxaa dhammaan ugu baaqaynaa dadka deegaanka iyo
odayaasha maanta ku sugan degaaankaas in markasta la
baadigoobo nabadda oo ah mid lagama maarmaan. Waxaa aan
faraynaa dhammaan in xalka lagu raadiyo wada hadal iyo dhawritaanka
xuquuqda aadamiga. Iyadoo la dhawraayo kala duwanaanshaha ra`yiga
iyo qiimaayntaba. Iyada oo aan beel isku dayin in ay beel kale ku
qasabto sida ay iyada wax u ragto ama u qiimayso.
waxaan kale oo ugu baaqaaynaaa in kor loo soo qaado kaalinta dumarka
degaanka ay kuleeyahiin nabadaynta beelahooda iyo ka qayb qadashada
go` aanda muhiimka u ah beeshooda.
Ugu dambayn waxaan ugu baaqaynaa odayaasha dhaqanka, culamaaùdiinka,
hogaamiyayaasha Siyaasadda, aqoonyahannada, haweenka iyo
dhallinyarada Mudullood ee ku nool wadanka in ay u sameeyaan is-maamul
goboleed degaannada ay deganyihiin qawmiyadda MUDDULLOOD.
Nabad
Midnimo
Sinnaan
[
News] |