December 30, 2000
Ku:
Dhamaan Jaaliyada reer Puntland
Re:
Isbitaalka
Umaddu waa Halbowlaha Caafimaadka Bulshada
Dhamaantiin
waxaan halkan idiinka soo gudbinaynaa salaan. Waxaan kaloo idin
leenahay Iid Wanaagsan meelkasta oo aad joogtaan.
Sida
waayadanba warku idinku soo gaarayey Gobolka Mudug iyo Puntland
inteeda kaleba waxaa olole loogu jiray sidii waxbarashada iyo
caafimaadka dadka reer Puntland loo horumarin lahaa, iyadoo wax laga
qabanayo iskoolaadka iyo isbitaalada bulshada. Sidaad u ogtihiinba
magaalada Galkacyo waxaa ku yaal hal Isbitaal, hal Dugsi sare iyo
laba dugsi hoose/dhexe kuwaasoo ah hanti dadweyne (public
institutions).
Waxaa
kaloo jira dhawr dugsi hoose/dhexe, hal isbitaal (Dhegacadde) iyo
dhawr clinic oo ah kuwa gaarka loo leeyahay (Private). Sidaa darteed
qoraalkan oo aan ugu magac darnay Qaylodhaan ku wajahan Isbitaalka
Guud ee Gaalkacyo waxaan ku soo koobaynaa baahiyaha ka jira
isbitaalka iyo xaaladda guud ee uu ku sugan yahay.
Gaalkayo
General Hospital oo ah isbitaalka guud ee gobolka Mudug waa
isbitaalka keli ah ee ku yaal gobolka Mudug waxaana la dhisay muddo
hadda laga joogo 50 sano, intii ka danbaysayna wuxuu u adeegayey
bulshada ku dhaqan gobolka siiba reer Gaalkacyo. Inkastoo isbitaalku
uu tobankii sane ee ugu danbeeyey uu shaqeynayey, hadana loogama
aaba yeelin ama loogama turin burburkii iyo dhibaatooyinkii uu
dagaalkii sokeeye geystay. Intii ay dagaalada ba’ani ka socdeen
magaalada Gaalkacyo, waxaa jiray dhakhaatiir iyo shaqaale kale oo
caafimaad oo iyagu naftooda u huray badbaadinta dadkooda, iyagoo
habeen iyo maalin u taagnaa sidii ay u daaweyn lahaayeen dadkii ku
soo dhaawacmay dagaaladii sokeeye iyo dadka kale ee ay xanuunada
kale ay hayeen. Isbitaalku waa isbitaalka kaliya ee wax loogu qabto
hooyooyinka iyo
caruurta dhibaateysan, waana isbitaalka keliya ee wax lagu qalo
marka Gobolka oo dhan la eego.
Hadaba,
nasiib xumo isbitaalka taariikhdaa leh waxaa la soo gudboonaatey in
qalab iyo daawo la’aan ay ka dhacday oo dadkii dhibaataysnaa wax
lagu badbaadiyo la waayey. Inkastoo lagu tilmaamo isbitaalka Guud ee
Gobolka Mudug hadana uma qalmo xataa mid tuulo, qalab iyo daawo
la’aan daraadeed. Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha kale ee caafimadku
waxay in mudo ah ku dadaalayeeen in ay baahida caafimaad ee bulshada
ay daboolaan iyagoon wax qalab ah haysan. Qalab iyo daawo la’aan
daraadeed, waxaa dhacday in dad badan ay naftoodii waayeen
kadib markii dhakhaatiirtu ay waxba ka qaban waayeen
dhibaatadii ama xanuunkii markaas la soo gudbaanaday. Guud ahaan,
isbitaalka Gobolka Mudug waxaa maalinkasta la keenaa dhowr qof oo
baabuur la gaddoontay ama xabad ku soo dhacday oo u baahan gargaar
degdeg ah. Nasiib xumo, isbitaalku ma laha raaji (x-ray) lagu ogaado
lafaha jaban ama meesha xabadu ku jirto, qalab suuxin in ayna lahayn,
iwm.
Anagoo
ah dhakhaatiirta iyo Guddiga Horumarinta Caafimaadka iyo
Waxbarashada Bulshada Gobolka Mudug waxaan dhowr jeer qeylo dhaan u
soo dirsanay walaalahayga ku nool wadanka dibadiisa oo aan
weydiisannay in qalabka isbitaalka sida ay u kala muhiimsan yihiin
nalagu kaalmeeyo. Inkastoo balanqaadyo ay jireen, hadana waxaa
nasiib xumo ah in codsigii dhakhaatiirta iyo kii bulshada reer
Gaalkacyo la iska dhaga tiray oo wax u soo jawaaba la waayey ilaa
iyo hadda. Anagoo og in walaalahayaga dalka dibadiisa ku nool ay ka
fuliyeen magaalada Galkacyo iyo Puntland intiisa kale mashaariic
badan oo waxku ool ah, ayaan hadana waxaan dhaliil u soo jeedinaynaa
jaaliayada reer Puntland oo iyagu marwalba danta guud ka hor mariya
midda gaarka. Taas waxaan ula jeednaa, iyadoo baahidii isbitaalkii
umadda ee ugu weynaa ee gobolka Mudug ay baahidiisii taagan tahay,
ay jaaliyadda u dhalatay gobolka Puntland gaar ahaan kuwa u dhashay
Gobolka Mudug ay isku raaceen ama go’aan ku gaareen(sida ku cad
faxka loo soo diray GHC&W) in baahi-tirka isbitaalka Gobolka
Mudug laga hor mariyo, BAAHI-TIRKA Isbitaal gaar loo leeyahay
(Private Hospital).
Sidaad
la socotaan waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya isbitaalka guud
(Public hospital) iyo mid shakhsi leeyahay (Private hospital or
clinic). Isbitaalka guud waa mid ay wadaagaan dhamaan bulshada
Soomaaliyeed, yar iyo weyn, rag & dumar, mid wax haysta &
Mid aan wax haysan. Waa Isbitaal wax loogu qabto qof kasta oo u
baahda siiba dadka masaakiinta ah. Laakiin
haddii isbitaalku yahay mid khaas ah waa mid loogu adeego
dadka iyagu wax haysta ama awooda u leh in ay iska bixiyaan qiima
sare. Hadii aan tusaale u soo qaadano, isbitaalka guud
waxaa bukaanka lagu eegaa lacag u dhiganta $0.30, meesha kan
khaas ah bukaankii lagu eego lacag u dhiganta $2 –3.00. Waxaa jira
dad badan oo masaakiin ah oo iyagu ka soo baqooley meelo aad u
fog-fog, oo aan awood u lahayn in ay bixiyaan lacagtaas yar, dadkaas
iyaga ah isbitaalka guud waxaa lagu daweeyaa lacag la’aan, meesha
kan khaaska ah qof walba lacag siyaado ah laga qaado.
Hadaba,
idinkoo dhinacyo badan ka eegaya farqiga u dhaxeeya isbitaalka Guud
iyo midka gaar ahaaneed, ayaa waxaan mar labaad idiinka codsaneynaa
in aad dib uga fiirsataan go’aankiina ah in wax loo qabto ama
lacag loo aruuriyo isbitaal GAAR loo leeyahay, idinkoo tixgelinaya
baahida isbitaalka guud ee Gobolka Mudug ee ku yaal magaalada
Galkacyo.
Runtii
waa wax laga naxo in isbitaalkii guud ee Gobolka Mudug uu noqdo mid
aan wax qalab iyo daawo aysan oolin, kuna dhow in la iska xiro,
dadkii laga sugayey in ay wax ka qabtaana ay go’aan ku gaareen in
aan arintaas isbitaalka waxba laga qaban, iyada oo ay u daneynayaan
dad gaar ah oo iyagu iska leh isbitaal khaas ah oo ku yaala
magaalada Gaalkacyo.taasoo dhiirigalineysa in wixii ka haray
isbitaalkii dadweynaha loo furfuro isbitaalo gaar ah oo aan dadka
danyarta ah u-aabeyeelayn waxayna runtu tahay in qofkii isbitaal
shaqsi leeyahay kaalmeeyaa inuu sahlay inuu meesha ka baxo kii loo
sinnaa. Haddaba, haddaan nahay dhakhaatiirta iyo GHC&W Gobolka
Mudug, waxaan jaaliayada dibada u sheegaynaa inay waxqabadkooda u
jiheeyaan hantida guud ee bulshada u dhaxaysa.
Waxaan
mar labaad idin xusuusinaynaa in aad si bani’aadamnimadu ku jirto
aad u tixgelisaan codsiga iyo qeylo dhaanta isbitaalka guud ee
Galkacyo iyo bulsha weynta ku dhaqan Gobolka Mudug siiba kuwa
magaalada Gaalkacyo .
Ugu
danbeystii waxaan idiin rajeynaynaa Iid wanaagsan iyo in ilaahay
ajar iyo xasanaad idinka siiyo mashaariicda qiimaha leh ee aad ka
fuliseen gobolkada Puntland, waxaanan rajeynaynaa in aad
dadaalkiinna sii waddaan.
Waad
Mahadsantihiin.
Ø
Takhaatiirta
Dr.
Mohamed Jamac Salaad
Dr.
Axmed Xuseen Qureh (Yare)
Dr.
Bashiir Ali Biixi
Dr.
Abdulaahi Hirsi Jeesaro
Dr.
Abdirizak Mohamud Jamac
Dr.
Maymuun Farax Samatar
Dr.
Abdinasir M. Abubakar
Dr.
Bashiir Abdulahi Hoolif
Ø
Guddiga
Horumarinta Caafimaadka iyo Waxbarashada Gobolka Mudug
Bashiir
Sheekh Hasan
C/raxmaan
Xuseen Islaan
Axmed
Jaamc Cabdulle [Biriye]
Max’ed
Axmed Xuudi
Burhan
Maxamed Gurey
Max’ed
Jaamac Ganey
Cali
Jaamac Biixi
Warsame
Max’ed Ciye
Abshir
Max’ed Xusseen [Xarfe]
Axmed
Cali Dheere [Hoolif]