Warsidaha Puntland

Tirsi 76

Garoowe – Khamiis 11 Janaayo 2001

 

T U S M A D A

 

BOGGA 4AAD


 

NABADOONNADA GOBOLKA NUGAAL AYAA MADAXWEYNAHA UGU JAWAABAY.

ISNIIN 01/01/2001 -- 06/Shawaal 1421 PUNA-Garoowe

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa galabta, Madaxtooy-ada kula kulmay 29 (Labaatan iyo sagaal) ka mid ah Nabaddoonnada Gobolka Nugaal…. Cadadkii hore ee WARSIDAHA waxaannu akhristeyaasha ugu soo gudbinay warbixintii Madaxweynuhu kulankaas ku siiyay Nabadoonnada.. waxaannu hadda halkan ugu soo gudbinaynnaa Jawaabihii Nabaddoonnadu ugu Jawaabeen Madaxweynaha, waaana kuwan:-

  1. NABADOON FAARAX GUUREEYE:- Salaan kal iyo laab ah… iyo xushmadda ay naga mudan yihiin Madaxweynaha iyo Madaxda kale ee shirka joogta…. Intaa ka dib… wanaag oo dhan waxaa saldhig u ah Alle oo laga cabsado, lana addeeco…Alle wuxuu ina faray wada jir iyo wada-tashi…. Waa inaynnu tixgelinnaa…wada dhalashadeenna waa inaynnu tixgelinnaa… muwaafo iyo wada jir ayaan inoogu ducaynayaa!!! Wada jirka nabadda ayaa sal u ah…. Haddii nabad la waayo if iyo aakhiro labadaba la waa…. Ciddii rabshad wadda quwad ha la tuso… tobankii sano ee ina dhaafay nabadda waynnu u soo dadaalnnay….hadda oo aynnu leennahay Maamul, waa inaynu intii ka sii fiicnaannnaa… cadow-kasta aan u toogo-haynno… Caawa ma dhameysankarno ee aan dib u kulanno…. Oo aan yeelanno qaab aynnu u wada tashanno…. Madaxdu waajib ayay noogu leedahay maqal iyo addeecid….
  2. NABADDOON:- DAAHIR MAX’ED GARAASE:- 29 bilood oo maamulka Puntland dhisnaa galabta ka hor nalooma yeerin!!!! Wada-tashigu arrin galabta keliya ku eg miyaa???!!! Ma-se waa arrin sii socon-doona???!!! Madaxweyne, anigu shakhsi ahaan waxaan jeclaa Carta inaad tagtid oo danaheenna adigu halkaas ka jahaysid!!! Intaasi waa canaan!!! Waxaan soo jedinayaa in hadda wixii ka danbeeya, meeshii la aadayo laga wada tashado!!! Hawlaha muhimka ah ee dalka Guurtida dalka ha lagala tashado!!! 60-ka wiil talada dalka kuma filla… arrinta Garoonka meesha sartu ka qurmayso ha la baaro!!! Hadalku Caro igama ah…. Waxa aynnu haysanno, wax dhaama haddii aynnu helaynno, aynnu uga guurno!!!
  3. Ugu dambeyntii, waxaan hadalkayga ku khatimayaa su’aashii aan ku bilaabay oo ah:- wada-tashigu arrin manta ku eg miyaa??? Ma-se si joogto ah ayaa loo soo celiyay???!!!.

  4. NABADDOON XIRSI FIRATO:- Cadow kasta aan iska daafacno!!! Arrinta Garoonka Garoowe, waxaa halleeyay guddigii loo xilsaaray!!!
  5. NABADDOON C/Laahi JAAMAC (CAREEF) nin aan kaa warqabini, ha kaa taliyo waa habaar…. Arrintu kuma soconkarto daqiiqado ayaannu idiin-qabannay oo aad ku hadleeysaan!!! Warka Madaxweynuhu waa i deeqay!!! Maanta Dawlad ayaynu haysannaa…. Waannu ku mintidaynnaa!!! Difaaca Puntland diyaar ayaannu u nahay!!! Howsha Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe, waxaa xumeeyay guddigii loo qabtay…. Madaxweyne ka fiirso ninka jagada qaranka aad u dhiibaysid… alifka ninka qaadi kara keliya ha la siiyo… Carta ma aannu aadin… oo ma rabno… waxa halleysani Garoonka Garoowe keliya ma aha… ee howsha hareeraha ma iska taagnaa!!!
  6. Hunguri wax uma diidno ee hannaan ayaan wax ku diidnaa!!!! Heegan ayaannu u nahay dhismaha Puntland…. Waxaannu rabnaa inaynnu yeelanno wada shaqayn habaysan…

  7. NABADDOON SALAAD CAAGGANE:- markii la dhiso Dawlad Goboleedyo, oo loo gudbo dawlad dhexe ayaynu ka qaybgalaynnaa… waxwalba lagama wada-tashan karo, oo shaqada iyo xilku waa inoo kala qaybsan yihiin….
  8. NABADOON MAXAMED FAARAX Bulay:- nabadoonnadu waxa iyaga ka maqan uma Ciilqabikaraan, ee waxay u ciilqabi karaan waxa shacbiga ka maqan….
  9. Innagu wax ayaynnu dhisannay…. Cartana cid kale ayaa soo dhisatay… haddii Soomaali ay wax-u-taraan waynu arki…. Ha yeeshee innaga wax ayaa inoo dhisan… innaga uun ayaa Soomaali weyn jecel…. Ma laha waa tallaal inagu tallaalan…. Oo waa la inagaga faa’iidaysanayaa oo waxaa la leeayahay inagama maarmaan….. wada-shaqayn ayaan ku talinayaa….

  10. NABADOON CISMAAN MAX’UD Aw-Cismaan:- Maamulka Puntland nabaddii wuu xasiliyay…. Waana arrinta, arrimohoo dhan ugu muhimsanayd…. Gobolada iyo Degmooyinka waxaa loo dhiibay dad aan u qalmin, taas ayaa dhalisay qaylo badan oo ka imanaysa xagga shacbiga…. Odayada talada waa laga qadiyay…. Waxay ahayd in lagala tashado ciddii loo dhiibayo xil….
  11. Nadaamka qabiil- wax-ku qaybsiga aan ka gudubno… dhulkeenna xaaluf weyn ayaa ku socda…. Beeraha iyo Xoolo daaqeenka ha la kala nadaamiyo…. oo Hay’adaha ku shaqo-leh ha laga howlgeliyo…. Arrimaha dhulka ha la saxo….

  12. NABADOON YUUSUF NUUR GEEDI:- wuu duceeyey.

Intaas ka dib Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa shirkii ku gabagabeeyey qodobbadan:-

 

PUNTLAND QOF KASTO OO SOOMAALI AH AYAA DEGI KARA KANA SHAQAYSAN KARA.

Idaacad ay leedahay Jaaliyadda Soomaaliyeed (Puntland) oo degan magaalada Malborn ee dalka Austaralia, ayaa wareysi la yeelatay, Subax nimadii axada, ee 07/01/2001, Agaasi-maha Guud ee Wasaaradda Iskaashiga caalamiga iyo Qorshaynta Dr. Maxamud Caynab Wareysigaas oo si tuus ah Inter-Net-ka Aduunka looga dhagaysanayey wuxuu u dhacay sidatan:-

Su’aal:- Mudane Agaasime, Wareysigaan aan kula yeelanay waxaa laga dhagaysanayaa Aduunka oo idil… Raali ma ka tahay?

Jawaab:- Aad ayaan ugu faraxsanahay in Inter-Net-ka aduunka laga maqlo ama laga dhagaysto, aragtida siyaasad-eed ee Dawlad Goboleedka Puntland waan soo dhawe-ynaynaa….

Su’aal:- Xaalada Nabadgelyo ee Puntland siday tahay?

Jawaab:- Gobolada Puntland waa Gobolada qura ee ka badbaaday Dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya, marka laga reebo magaalada Gaalkacayo oo ay soo weerartay U.S.C.

Maamulka Puntland wuxuu sii xoojiyey oo nidaamiyey, xasiloonidii iyo nabadgelyadii horey uga jirtay deegaanka….

Halkaa waxaad ka garan kartaa nabadda iyo nidaamka wacan oo Goboladu ku sugan yihiin.

Su’aal:- Waxaa na soo gaaray in deegaanka in deegaanka Bali-Busle qul qulatooyin ka jiraan maxaad ka leedahay?

Jawaab:- Niman dal balaarsi wada oo huwan shaarka kooxda Carta ayaa isku dayey in ay xoog ku dagaank deegaan dal ayan lahayn…. Dadkii deegaanka lahaa ayaa duruus lama ilaawaan siiyey, dhib kalena kama jirto.

Su’aal:- Soomaalida aan u dhalan Puntland, sidee ula dhaqantaa maamulka Dawlad Goboleedka Puntland?

Jawaab:- Axdiga ku meel gaarka ee Dawlad Goboleedka Puntland ayaa xaq u siinaya qof kasta oo soomaali ah in uu degi karo, kana shaqaysan karo Puntland, waxaa ku sugan Tuula kasta oo ka mid ah Puntland Soomaali tiro badan oo ka shaqaysata takoor la’aan.

Su’aal:- Xaalada Dhaqaale ee Dalka ka waran?

Jawaab:- In kasta oo xoolihii loo dhoofin jiray Carabta, oo la joojiyey ay dhaaca weyn oo dhaqaale ay noo geesteen, hadana Eebbe mahad ha ka gaarto, waa danahay marka loo eego Gobolada kale ee dalka.

Su’aal:- Intee qof isugu tagtay doorashada Madaxweyninimada Puntland?

Jawaab:- Dhowr nin ayaa warbaahinta ka sheegay in ay isu taagayaan Doorashada madaxweyne nimada Puntland, hase yeeshee, wax rasmi ah ma jiraan laa iyo inta dastuurka la ebiyaayo.

Su’aal:- Dawlada ku meel gaarka ah, wax wada hadal ah ma idin dhax mareen?

Jawaab:- Puntland, waxay ku hoolan tahay kana shaqeyna-ysa, sidii loo dhisi lahaa Dawlad Soomaaliyeed oo Federaal ah, loo dhan yahay maadaama Kooxda Carta, ogtahay mid aan loo dhamayn ayna dalka dhib uga oogeen dagaaladii sokeeye, (Balcad, Tiyeglow iyo Kismaayo), wax wada hadal ah, nama dhaxmarin diyaarna uma nihin in aan la yeelano, inta ay sheeganayaan Dawlad Sooma-aliyeed, oo ay dalkana ka aloosayaan colaada.

Su’aal:- Ummadda Soomaa-liyeed ee qurbaha ku nool max-aad oran lahayd?

Jawaab:- Toban sano oo dawlad la’aan iyo burbur iyo dhibaato ayaanu soo marnay, u hawl ala sidii dalkiina iyo dadkiina dhibaatada haysata looga saari lahaa.

PUNTLAND OO SANNAD DHAMMAADAY KA SOO BAXDAY….MID KALENA ALBAABKIISA GARAACDAY…..

Puntland waxay ka soo baxday sannadkii 2000 ee dhowaan dhammaaday…. Dawlad Goboleedka Puntland, sannadkii 2000 waa maxay dhacdooyinka ay ku xusuusan kartaa????!!!

XAGGA SIYAASADDA:-

  1. Dawlad Goboleedka Puntland waxay labo-jirsatay bishii August ee sannadkaas!!!
  2. Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa dhowr jeer shaqo ugu safray dalal inaga xiga dhinaca qorraxdu u dhacdo, ayna ka mid yihiin Ethiopia iyo Djibouti!!! Labo ayuu caafimaad ugu baxay Kenya iyo midowga Boqortooyada Britain…..
  3. Dhowr jeer ayuu kormeer ku tegey Gobollada Bari, Nugaal iyo Mudug…

    Wuxuu isbeddel ku sameeyay Golaha Wasiirrada….

    Madaxweyne ku xigeenka ayaa safaro ku aaday dalalka qorraxdu ka soo baxdo…. Iyo Djibouti….

  4. Waxaa Foodda is-daray, welina hirdamaya Dawlad Goboleedka Puntland iyo Shirkii Carta iyo wixii ka soo baxay!!!!
  5. Dalalka Reer Galbeedka ayaa qabay aragti joogto ah oo jiritaanka Dawlad Goboleedka Puntland u arkayay horumar ka jira dalka Soomaaliya, loona baahanyahay in la xannaanneeyo lana kobciyo.
  6. Dalal carabta ka mid ah ayaa sannadkaas dabaadigiisii qaaday tallaabooyin Dawlad Goboleedka Puntland aanay u bogin.
  7. Horumar laguma arag, xiriirka Puntland iyo Soomaaliland.

  8. waxa mararna xoogoobayay mararna debcayay xiriirka Dawlad Goboleedka Puntland iyo Madaxkooxeedyada ka jira Soomaaliya….
  9. Golaha Wakiilada ayaa yeeshay labo kal-fadhi shuruuc cusubna dejiyay….

XAGGA DHAQAALAHA.

  1. Waxaa joogsaday dibad-u-dhoofintii Xoolaha nool…. Waxaase socday dhoofinta xabkaha, kalluunka iyo…….iyo…..
  2. Waxaa Deegaamada Puntland ka da’day dayr wanaagsan…. Geeluna si weyn ayuu u dhalay……
  3. Dhoofka Xoolaha Nool ee joogsaday iyo Dollarkii ka soo noqonjiray oo meesha ka baxay darteed (Sida dhaqaale-yahannadu sheegeen) qiimaha suuqa ayaa kor u kacay oo waxaa qaali noqday waxyaabo badan oo maciishadda dadka la xiriira….
  4. Waxaa deegaannada Puntland soo galay Lacag cusub oo Dawladdu samaysatay……
  5. waxa xukuumadda Puntland weli la legdamaysaa inay si buuxda u hirgeliso cashuuraha Sool, Sanaag, iyo Buuhoodle, inkasta oo ay arrimahaas ka qaadday tallaabooyin horumar ah.
  6. kaabayaasha dhaqaalaha, ayaa qadder horumar ah gaaray, sida Hay’adaha NESHA iyo PSAWEN (Biyaha, Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga oo loo dejiyay xeerar cusub oo waxqabadkooda xoojinaya..
  7. Golaha Wakiilada ayaa ansixiyay miisaanniyaddii Dawlad Goboleedka Puntland ee sannadka 2001-da….
  8. Bangiga Adduunka iyo Hay’adda I.M.F ayaa casumay wefdi uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda ee Puntland, warbixintii wefdigana Hay’adaasi way ammaaneen….

    XAGGA BULSHADA.

  1. Dawlad Goboleedka Puntland ayaa marti gelisay Cayaarihii Gobolada Soomaaliya, waxayna ku dhammaadeen Guul iyo bili….
  2. Guddiga olompicada soomaaliyeed ayaa bilad dahab ah guddoonsiiyay madaxweynaha Puntland …
  3. Wasiir ayaa loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Bulshada, kaalintaas oo muddo bannaanayd…. Arrintaas oo kordhisay wax-qabadka Hay’adaha wax-barashada iyo caafimaadka …
  4. waxaa Golaha Wakiiladu shuruuc u dejisay Hay’ado dhowr ah oo saxaafaddu ka mid tahay….. oo xuquuqda mu’alifku ka mid tahay…
  5. Issimmada Puntland ayaa yeeshay shirkoodii 1aad…..
  6.  

  7. Billaddii ugu horreysay (Tii 1aad ee Dawlad Goboleedka Puntland bixiso ayaa Golaha Wakiillada Puntland uu siiyay Islan Maxamed Islaan Muuse…..

Cadadka dambe ee WARSIDAHA kala soco:- Puntland laga filayaa sannadka 2001???

 

ISLAN MAXAMED OO SI WEYN LOO SII SAGOOTIYAY

Islaam Maxamed Islaam Muuse ayaa maalintii Axada ee 07/01/001 ka ambabaxay Magaalada Garowe, halkaas oo ay ku sii sagootiyeen dad aad u farabadan iyo Gaawaari aad u farabadan Islaamka oo uu waheliyo wiilkiisa oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & amniga, C/Qaadir Islaam Maxamed.

Markii la marayay Tuulada 22naad ee Magaalada Garowe u jirta 22KM kana xigta dhinaca qorax ka soo baxa ayaa Baabuurtii laga soo degtay waxayna isugu soo urureen dadkii sagoo tinayay Islaamka banaanka weyn ee Tuulada meeshaas oo ay taagnaayeen Islaam Maxamed iyo Suldaan Siciid.

Waxaana markii ugu horaysay hadalkii furay Suldaan Siciid oo sheegay in Islaamka safarkiisu la xiriiro xaalad Caafimaad loona baahan yahay inaanu u ducayno in Ilaahay soo nabad Celiyo, wuxuuna hadalkii ku wareejiyay Islaam Maxamed, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay faataxada inoo mara ka dibna wuu duceeyay, wuxuuna intaas raaciyay, waxaan Ilaahay ka rajeenaynaa in idinkoo barwaaqo ku jira Ilaahay nagu kiin soo celiyo, waxaana isku ognahay haddaad tihiin wax garadka ku dhaqan Gobolka Nugaal in nabada laga wada shaqeeyo, safar wanaagsan Nabad galyo.

DABAYLAHA IYO BEELAHA

Labada Beelood ee C/rixiin Ibraahim iyo Nuur Axmed ayaa taariikhdii 31/12/2000, fagaaraha shirarka ee Gobolka Nugaal ku kala saxiixday heshiis ay ku dhammeeyeen wax-kala tirsi…. Labada dhinac muddo soo kala dhexyiillay…. Kana koobnaa dhiig iyo dhacba…..

Labada beelood waxay kale oo kala saxiixdeen heshiis guud oo ay hadda ka dib kuwada dhaqmayaan…..

Heshiiskaas dhinaca beesha C/rixiin Ibraahim waxaa u saxiixay:

Nabaddoon Sahal Xirsi Arax

" " Cabdi jaamac Bur yar

Siciid Jaamac Maxamed

Islaan Muuse Shire Maxamuud

Daahir Maxamed Muuse

C/laahi Yuusuf Hilaac

Axmed Xaaji Aadan

Maxamed Jaamac Ciid

Siciid Cartan Naaleeye.

Abshir Aw-Cali Ciise

Muuse Xirsi Faahiye.

C/laahi Aw-Jaamac Xasan

Maxamed Yuusuf Nuur

Daahir Maxamed Cartan

Jaamac Xaaji Aadan

Maxamud Siciid Ducaalle

Jaamac Maxamed Cusmaan

Dhinaca Beesha Nuur Axmed-na

Waxaa u saxiixay:-

Nabaddoon Aadan Koore Garaase

Cabdi Cali Koore

Cumar X. Shaacuur

Maxamed Boobe Aadan

Cabdi Muuse Ciise

Axmed Boobe Aadan

Maxamuud Axmed Adan

Axmed Jaamac Mire

Maxamed Ciid Qaal

Aadan Ciise Toohe

Yuusuf Cali Faarax

C/laahi Xaashi Nuur

Heshiiskaas labada beelood dhexmaray waxaa goob-joog ka noqday:-

  1. Suldaan Siciid Maxamed Garaase.
  2. Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad (oo wakiil ka ahaa Garaad Saleebaan Garaad Maxamed)
  3. Xildhibaan Mahdi Maxamed Muuse.
  4. Yuusuf Macalin Ibraahim (Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga)
  5. C/laahi Xasan Faarax (Guddoomiyaha Gobolka Nugaal)

Heshiiska labada beelood, waa heshiis nabadeed qiimo leh.

KOOBKII NABADDA EE BISHA RAMADAAN WAXAA LA BOODAY KOOXDA N.P.C.

PUNA-Garoowe, 04/01/2001.

Waxaa qolka shirarka ee xarunta Gobolka Nugaal lagu qabtay xaflad ballaaran oo lagu gundoonsiinayey Koobihii Bisha Ramadaan ee Nabadda, kooxdii ku Guuleysatay Xafladdaas oo si wanaagsin loo soo agaasimay waxaa ka soo qaybgalay xildhibaan Cabdullaahi Xaaji (Cawiif) Xildhibaan Khaliif Aw-Cali Guddoomiyaha Bisha Cas Puntland Ismaaciil Cali Carabay Madaxa qaybta (Civic Education) ee UNESCO-PEER Garoowe caydaruus X. Xirsi, Guddoomiyaha waxbarashada Gobolka Nugaal, Cali Max’ed C/raxmaan (Cali-Hayaan) Guddoomiyahe ku xigeenka 2aad ee Gobolka Nugaal Cabdi Suleemaan cali Guddoomiyaha Dawladaha Hoose ee Gobolka Nugaal Cismaan Cawad Cali, Guddoomiyaha ku xigeenka Olambikada Puntland Daahir Jaamac Cagay Guddoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Nugaal Axmed C/laahi (Axmed Rati), Madaxa waaxda nabadgeliyada ee Arrimaha Gudaha ee Gobolka Nugaal Xirsi Jaamac Warsame (Xirsi Canaad) mas’uuliyiin sar sare oo ka kala socotay UNESCO, iyo laamaha Dawladda iyo Ciyaartooydii ka qaybgashay tartanka koobka nabadda ee Bisha Ramadaan, xafladaas oo lagu furay aayado Quraanka kariimka ah, uuna akhriyay Xildhibaan Khaliif Aw-Cali, waxaa ugu horeyntii warbixin dheer ka soo jeediyey Guddoomiyaha Ciyaaraha ee Gobolka Nugaal Axmed C/laahi (Axmed Rati).

Guddoomiyuhu wuxuu ka warbixiyay cayaaraha Gobolka Nugaal heerarkii ay soo mareen iyo dhibaatada haysata oo ay la talaabsan yihiin Garoomada oo u baahan dayactir, iyo dadka ku jira oo laga saaro, wuxuu kaloo ka warbixiyey qaabkii iyo abaabulkii koobka nabadda, wuxuu sheegay in la bilaabay 08/12/2000 uuna socday 28/12/2000, waxaa isna hadal ka soo jeediyey Guddoomiye ku xigeenka Olombikada Puntland Daahir Jaamac, wuxuu xusay Guddoomiye ku xigeenku sida ciyaaraha Puntland kor loogu qaadi lahaa, wuxuuna ammaan u soo jeediyey tababaraha ciyaaraha fudud Axmed Gaas, wuxuuna yiri yaaraha fudud ee oradada wuxuu gaarsiiyey heer caalami ah oo maanta lagu faani karo.

Sidoo kale waxaa isna hadal gaaban ka soo jeediyey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Gobolka Nugaal Cabdi Saleebaan, wuxuu sheegay inay u taagan yihiin sidii ay u hormarin lahaayeen ciyaaraha Gobolka Nugaal wuxuuna ammaan u soo jeediyey Hay’adda UNESCO-PEER oo uu yiri, gacan ayey ka geysataa cayaaraha Gobolka, Koobahaan hadda aynu bixinayno iyada ayaa ku deeqday oo bixisay.

Guddoomiyaha Bisha Cas Ismaaciil Cali, ayaa isna ka mid ahaa Madaxdii ka hadashay xafladaas wuxuuna sheegay ahmiyada ciyaaruhu u leeyihiin Bulshada wuxuuna yiri Bisha Cas ayada ayey ahayd tii ugu horeysay ee samaysay Koox ciyaareed 1996, markaas oo wadanka marxalad aad u xun marayay, sababtuna waxay ahayd dhalin yarada sidii loogu soo jeedin lahaa Ciyaaraha oo looga soo duwi lahaa wax yaalihii xunxumaa ee waqtigaas wadanka ka socday haatanna aanu diyaar u nahay sidii loo hormarin lahaa ciyaaraha.

Madaxa qaybta (Civic Education Programe) oo isna ka hadlay madasha ayaa sheegay in uu diyaar u yahay sidii loo hormarin lahaa ciyaaraha, wuxuuna xusay in ciyaaruhu ajandahooda ka mid yahay, diyaarna u yihiin wax ka qabadkooda, waxaa koobkii nabada lagu wareejiyey xildhibaan C/laahi Xaaji Cawiif, waxaana ku wareejisay Maryan Cali oo iyadu ka socotay Madaxda UNESCO-PEER si uu isna u gudoonsiiyo Kooxda N.P.C wuxuuna ku gudoonsiiyey koobkii kooxda N.P.C oo iyada kaalinta 1aad gashay, kaalinta 2aadna NESHA, kaalinta 3aadna SOMTEL.

Ciyaartaas oo ay ku loolamayeen 6 kooxood, waxaa halkaas iyana maalyooyin lagu guddoonsiiyey raggii ugu ciyaar iyo akhlaaq wanaagsanaa intuu socday tartankaasi.

 

WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA EE MARAYKANKU SIDEE AYUU U ARKAA PUNTLAND???!!!

(Qaybtii 2aad)

Isagoo ah Jananka Madow ee hadda jagadaas loo doortay, Koolin Bowl, oo ah janankii hoggaaminayay dagaalkii 1991-dii Dawladaha badani ku weerareen Dalka Iraaq, waxaynu arrinta ku bilownay su’aasha ah:-

Horta Jananku waa nin noocee u fekera???!!! Waxaynnu wax kala soo dhexbaxaynnay xusuusqorkiisii, uu daabacay oo buugga ka dhigay saaxiibkiis Josef Brisko… aan buuggii sii daalacanno:-

13. Fasalka 20-aad:- <<Dhibaatooyin badan ayaa adduunweynaha ka jiray… ha yeeshee, Telefishinka ayaa si weyn ugu jahaystay Soomaaliya oo habeenwalba qalbiga nagu dillaaciyay massawirrada dadka macaluusha u fiddigaya ee uu soo saarayay>> Bogga 612.

14. Fasalka 21-aad <<Sannadguuradii dhalashadayda ee 56aad, waxaan ugu xafladeeyay Muqdisho… waxaan halkaas u tegey inaan culayska Amerika saran u wareejiyo Qarammada midoobay, sidii hore loogu tala-galay….

Annagu haddaannu nahay Reer Amerika Xilkayagii waannu gudannay, markii aannu baabi’in-nay Jid-gooyadii loo dhigtay Shacbiga oo laga curyaamiyay wax-soo-saarkii uu beeranjiray isla markaasna la iska hortaagay cuntadii Hay’adaha sama-falku u qaybin lahaaye-en…. Markii aannu

xilkayagii gudannay ka dib, waxaannu howsha uga baxayn-naa Qarammada Midoobay si ay u xafidaan heer aannu gaars-iinay…. Ha-yeeshee xog-hayihii Guud Butrus Butrus Qaali ayaa ku adkaystay inuu Soomaaliya liqsiinayo maggaabo ah dimooqaraaddiyadda Qarniga 20aad… isagoo yiri dhibaatadoo dhan waxaa sababay meesha oo lagu xukumijiray habkii qarnigii 14aad… Qarammada Midoobay waxay oggolaatay fekerkii ahaa in howsha Soomaaliya laga raro gaajo-tir oo loo gudbiyo (Dhismo-Ummadeed)... eraygaas ah (Ummad ayaynnu meesha ka soo dhisaynnaa) goor aan maqlo waxaa iigu horreysay markii annagoo ciidan ah naloo dirayay Fietnaam… Taariikhdu waxay halkaas igu soo bartay inaan ummad dhismeheeda dibadda laga soo dhoofinkarin ee uu ka dhalan karo keliya gudaha, kuna abuurmi-karo keliya gacmaha shacbiga meesha deggan oo iska leh… Soomaaliya ma aha koobbi Afrikaan ah oo dawlad Carbeed…. Soomaaliya ma laha Hay’adihii sharciga… mana laha xukuumad dhexe oo la abbaaro… awoodda keliya ee meesha ka jirtaa waa awoodda qabiilooyinka…. Iyo hoggaamiyey-aashooda… eray-ga ah:- ummad ayaynnu soo dhisaynnaa wuu ku laab-qaadikaraa…. Laakiin anigu muraayadda qalbiga ayuu iga herdiyay…. Wuxuuna sabab u noqday inaannu Soomaaliya ku dhiiqanno oo aannu si hufan uga bixi-kariweyno…..

Waxaan hubaa in Soomaalidu iyadu ugu danbaynta, muranke-eda kaga heshiin doonto qaababka iyada gaarka u ah oo aan dibadda looga soo safrin-doonin….>> Bogga 631-632.

la soco tirsiyada danbe ee WARSIDAHA

REER PUNTLAND MAAHMAHAHA MIYAY KALA LEEYIHIIN????

 

Toddobadan maahmaahood, shanta Gobol ee Puntland iyo deegaanweynaha Buuho-odle, lix maahmaahood kala sii, adigoo mid walba siinaya maahmaahda ay kula tahay in ay ka soo jeeddo….

Hal maahmaah ahna ka dhexaysii!!!!

  1. Ina Adeerkaa oo aad ii hiili ka bariday, waa Alle kaa qaad.
  2. Dantaada maqaar Eyna waa loogu fariistaa!!!
  3. Dadku si ay waxaaga kuugu nabadgeliyaan waxooda ha kaaga beqeen!!!
  4. Degdegsiinyo khalad ha kuu keeno, intii hubsiino khasaare kuu keeni lahayd!!!
  5. Safarka lana soco, sirtaadana ka qarso….
  6. Deriskaaga kaa fogna maalintii hal mar iska eeg, Deriskaaga kuu dhowna maalintii shan jeer iska eeg!!!!
  7. Maalkaagu waa wixii gacantaada kuugu jira!!!!

AFKEENNU WAA ISU AMMAANE.

Diidane:- Waaryaa Dhuxdhuxle, Afkeennu waa isu ammaane, maxaa Ramadaan-kii innana la inoo af-xiray???? Innaguna shayaaddiin miyaynnu nahay???!!!.

Dhuxdhuxle:- Sidaas ayaa soonkeenna u wanaagsanayd!!! Haddaba xantii ummaddeenna waynnu u afurnaye, inoo bilow!!!

Diidane:- Maxaa miro ah oo ka soo baxay howlihii guddiyadii sar-sare ee Gobollada Puntland iyo Deegaanweynaha Buuhoodle u kala baxay???!!! Afkeennu waa isu ammaane!!!

Dhuxdhuxle:- Waxaan maqlay afkeennu waa isu ammaane, dhowaan ayaa guddiwaliba wixii uu mirro hayo keenidoonaa mundulka Madaxtooyada ee Garoowe!!! mid abxado soo buuxiya!!! mid tebbedo ku keena!!! Iyo mid buqul yar shirka soo qotomiyaba!!!

Diidane:- Ma maqashay??? Guddigii Sare ee Buuhodle isaga oo muddadii arooska aan dhammeysan ayuu Garoowe ka ordaye???!!! Waxaa la yiri meeshii ayaa kareysa e ???!!!

Dhuxdhuxle:- Guddigii sare ee Buuhoodle oo dhan miyaa wada aroosay???!!! Waa yaabe!!!

Diidane:- Haa !!! Guddigii sare ee Buuhoodle ayaa wada aroosay ayaa la yiri!!! Heerka yaabka miyaadan weli ka gudbin???

Dhuxdhuxle:- Ma aragtay nimankii Reer Bosaaso waxa fahmo Illaahay ka soo faruuray!!! Ma laha Joornnaalada hadda Bosaso ka soo baxaa toban ka badan!!! Maskax ayaa si cajaa’ib ah uga soo burqaneysa…. Joornnaalladooda waxaa mooddaaba inay roobabkii dayrta ku soo bexeen!!! Bal eeg deegaammadan kale ee shibta ah!!! Mudug!! Buuhoodle!! Sool!! Sanaag!! Maxaa agnaanka ka wada dhigay!!! Juuqba ma laha e!!!

Diidane:- Joornnaallada aad leedahay Bosaaso ayaa soo saarta, mid JAMHUURIYA gaari karta kuma jirto!!!

Dhuxdhuxle:- Ma waxaad ka waddaa WARSIDUHUNA Maandeeq muu la tartamo??? Afkeenu waa isu ammaane!!! Markii maamulka Somaliland ahaa 2 sano jirka ma xusuusantahay wixii ka soo bixi jiray ee Joornnaallada lagu sheegi-jiray???!!! Maamulka Soomaaliland MAANDEEQ wuxuu soo saaray markuu 8 (sideed) sano jiray!!! Puntland markay 8 sano jirsato, joornnaalladaas yar yar ee hadda Bosaso ka soo boodboodaya, qaar ayaa noqonddoona sida manta ay yihiin:-

WASHINGTON POST iyo TIMES-TA LONDON!!! Siday ila tahay!!!

Diidane:- Alla ninku faanweynaa!!! Salaama calaykum!!! Afkeennu waa isu ammaanu!!!

OGAYSIIS

WARSIDAHA OO U BAAHAN QOF YAQAAN SAWIR GACMEEDKA

 

WARSIDAHA Puntland wux-uu u baahan yahay qof yaqaan Sawir gacmeedka Joornaalada lagu soo saaro (Karika Tuur)……

Ciddii farsamadaas taqaan oo inay WARSIDAHA kala xaajo-oto Rabtaa, Xarunta Warfa-afinta ee Garoowe ha kula soo xiriirto WARSIDAHA Puntla-nd saacadaha shaqada dawladda….

WARGELIN CANSHUUR

Wasaaradda Maaliyadda qaybta Canshuuraha Barriga ee Gobolka Nugaal Garoowe

Ku: Dhammaan Kaalimada iyo meheradaha Shidaalka ee G/Nugaal.

Ku: Dhammaan Taararka ama raadiyayaasha Isticmaalka gaar ahaaneed ee G/Nugaal

Ku: Dhammaan Goobaha lagu sameeyo qalabka guryaha alba-bada iwm ee G/Nugaal.

Tixraac sharci Lam 9 ee 14/9/99, kuna saabsan hirgalinta canshuur-aha dhexe (Canshuuraha Barriga) ee D/G/Puntland.

Hadaba iyada oo lafulinayo laguna dhaqmayo sharuucda u degsan canshuuraha D/G/Punt-land, ayaa waxaa lagu wargalin-ayaa goobaha ganacsi ee kor ku xusan ee Magaalada Garoowe in laga bilaabo 1/1/2001, laga qaadi doono canshuurtii ku waajibta, canshuurtaas oo ah canshuurta Gadista (Sales Tax).

Haddaba waxaa lala socodsii-nayaa mulkiilayaasha goobahaas oo horay loo soo tirikoobay in ay la soo xiriiraan xafiiska Wasaaradda Maaliyadda qaybtiisa canshuuraha barriga ee Garoowe kuwa Buurtinlena ha la xiriireen shaqaalaha W/Maaliyadda ee Degmada Burtinle.

Ka hor wakhtiga ay canshuurtu dhaqan galayso si loola socod siiyo qaabkacanshuur bixinta iyo arrimo kale oo khusaya.

 

WARGELIN WACAN

Maamulaha Canshuuraha Barriga ee Gobolka Nugaal

Dr. C/risaaq Cali Siciid.