- [SW News] (Abdi Barre- SRRC) War
Saxaafadeed Afhayeenka SRRC ee Waqooyiga America
: Posted on [09 Dec 2001]
War Saxaafadeed
Afhayeenka SRRC ee Waqooyiga America
Waa
sidoodiiye; Kooxda Carta iyagoo awalba gur guurasho iyo hagaas la
fadhidayay laba Hoteel oo Xamar ku yaal. Meheradna ka dhigtay qayilaad
ay ku qayilaan xoogaaga magaca umadda Soomaaliyeed ay ku soo luf
luftaan, inta iiimaanka la'na ay caadaysteen inay ku tartamaan, baa
waxay qorshaysanayaan inay u
guuraan Magaalada Xeebta ee Kismaanyo.
Waxaan
ognahay Damiir laawaha aan ka
ag tagin hadba macashii uu isleeyahy way u hor bislaanaysa; Xasan
Abshir inuu xabadka u garaacay, kuna gor gortamay inuu u soo
xarayn doono kooxda Carta haddii
la huwiyo yabooha la wayn; waa jagada Ra'iisul wasaara ku sheegga
e', ee uu C/Qasim ku amar ku
taagleeyo.
Kooxda
Carta ee wareersan, Siyaasadna
ka dhigatay inay kolba meel u farandulayso si ay buuq hor leh u abuuraan iyagoo isleh ku sii cimri dheeraysta baa
u tabaabushaysanaysa inay bara
kiciso Degaanada Jubada Hoose dadkii daganaa.
Waxaa
cad halaq mareenimadii u
caadada ahayd C/Qasim iyo Xasan Abshir oo ay Umadda Soomaaliyeed
wali suntoodii la ga gabayso inay mar horleh isu
bahaysteen waxoodii xilka lahaa. Waasa la tahay inay u noqonayso
e', Wafdi
ay hoggaaminayaan labadan halaq Mareen, oo salka halaaggii ka
dhacay Soomaaliya wax ka unkay, baa lagu wadaa inay u kici timi
doonaan Jubada Hoose si ay usoo sahmiyaan Dekadda, airportika iyo Guud
ahaan Magaalada Kismanyo, ka dibna ay Kismaanyo noqoto xarunta ku meel
gaarka ah ee Carta. Ujeedada ka dambaysana ay tahay in si gabasha
la'aan ah loo bara kiciyo dadkii deegaanadaas daganaa.
Digniin:
Kooxda
Carta ee Rimay gacmeedka Ismaaciil Omar Geelle ku soo dhisay, mar
horana dumisay heshiiskii afka baarkiisa ahaa ee Baydhabo ka dhigayay
Xarun ku meel gaar ah. Waxaan uga digaynaa inay ka waantoobaan fara
galinta iyo garabaynta ay ka wadaan Jubooyinka.
Xaq:
SRRC
waxaa xaq ku ah inayn ka indha qarsan faragalintaas kana jawaabi
doonto, waloow aan habowga Carta ee khiyaaliga ku nool aanaan ka
daalayn inaan u tilmaanno inay hilmaamaan jagooyinka aan raadka lahayn
oo ay is huwiyaan oo ay door bidaan miis nabadeed in xal lagu gaaro.
Diyaar
garoow:
Hogaanka
Sare ee
SRRC wuxuu ugu baaqayaa dhammaan shacbwaynaha Soomaaliyeed inay
u diyaar garoobaan difaaca xuquuqdooda, darisnimadooda, ehelnimadooda
iyo walaaltinimadooda, oo ayn marna ogolaan dabka ay hurinayso
dambiisha yabooha ee Kooxda Carta kaga soo dawarsato Dunida carabta,
UN-ta iyo EEC-da, oo haddeer sii xaalufaysa.
Caddayn:
Sidaan
in badan ku celcelinay xubinada qof uu ka mid yahay beel uma aragno
inay la macna tahay inuu wakiil ka yahay beeshaas, matali karana. Sida
aanaan ugu arag C/Qasim inuu
wakiil ka yahay beel Soomaaliyeed oo uu matalyo baanaan Xasan
Abshirna ugu arag inuu matalayo beelaha Kismaanyo. Labadan Halaq mareen, oo si wayn lug ugu lahaa iska horkeenistii
umadda Soomaaliyeed iyadoo la adeegsanayo magacyo qabiil, baa waa
caadadoodiiye raba magacya qabiil ayagoo adeegsanaya inay sheegtaan
inay wakiillo u yihiin beelo.
Wa
billahi tawfiiq
AbdiBarre
Afhayeenka
SRRC ee Waqooyiga Ameerika
jabriil62@hotmail.com
|