ASSIYAASA
NEWS PAPERS
__________________________________________________
MUNAASABADLE ,TIR.37aad ,Kismaayo,Arbaco , 25 Disembar, 2002 ,waxaa
soo saara " Waamo Information Centre" TafatireCali Saciid
Max'ed._________________________________________________
SIRIKWAHotel Eldoret waxaa ku sugan Qorayaalka
Assiyaasa qaar ka mid ah oo idin soo gudbinaya Maqaallada hoos ku
qoran.
TARTANKA DOWLADAHA IYO ISTIRAATIIJIYADOODA DAGAAL EE XAL
U HELIDDA MUSHKILADA SOOMAALIYA .
MUSHKILADA NIILKA (NILE CRISIS ) .
LABADA NIIL 12 / 12 / 2002Waayadii hore waxaa
loo maleyn jiray iney biyaha Niilka ay dhammaantood ka yimaadaan
Harada Fiktooriya , balse waxaa goor dhow lagu ogaaday cilmi baaris
la sameeyey 85% biyaha Niilka ay ka yimaadaan buuraha dhaadheer ee
dalka Itoobiya
( Blue Nile ) , 15% na ay ka yimaadaan harada Fiktooriya (White
Nile ),waxey labada Niil ku kulmaan magaalada Khartuum
caasimadda Suudaan .
Masar sababta ay u dooneyso faro gelin toos iyo mid dadban iney
Soomaaliya ka dhalato dowlad Itoobiya la col ah , oo Masaarida ka
amar qaadata waxa weeye 85% biyaha Niilka oo Itoobiya ka yimaada .
Dalalka ay khuseyso mushkilada Niilka
Dalalka ay khuseyso Mushkilada Niilka waxey kala : Keenya
, Ugaandha, Tanzaaniya,Burundi , Ruwaanda , Koongo , Itoobiya ,
Eretareeya , Suudaan , iyo Masar ; waxaa jiray labo heshiid oo
sababay mushkilada ka dhaxeysa dalalkan aynu soo sheegnay, waxeyna
kala yihiin labdaasi heshiis :
1 - Heshiiskii 1929kii wuxuu heshiiskani dhexmaray Safaaradda
Ingiriiska ee Qaahira iyo Dowladda Masaarida .
2 � Heshiiskii 1959kii wuxuu dhexmaray dalalka Masar & Suudaan ,heshiisyadan
waxey dhigayaan dalalka Harooyinka waaweyn (koongo, Burundi ,
Ruwaanda , Tanzaaniya , Keenya , Ugaandha ) & Itoobiya ineyan u
isticmaali karin biyaha Harada ( White Nile) , iyo Blue Nile � ka
mashaariic horumarineed ayadoo aan dowladda Masar ogolaansho laga
helin .
1949kii markey Ugaandha damacday iney dhisato biyo xireenka lagu
magacaabo Owen, dowladda Ingiriiska waxey u soo dirtay dalka
Ugaandha qoraal ay ugu sheegeyso inuu mashruuca biyo xireenka
dhismihiisa uu dhaqan geli karo markey dowladda Masar ogolaato oo
keliya , maanta waxaa xarunta biyo xireenka dhex degan injineero
Masaari ah oo koontaroola habsami u socodka mashruuca .
Dad intee la�eg ayaa ku tiirsan biyaha Niilka ?
125 milyan oo dad ah ayaa ku tiirsan wabiga Niilka ,
heshiiskii 1929kii wuxuu Masar u saamaxayey iney ka isticmaasho
biyaha Niilka 48 bilyan Kiyuubik Mitiris (bcm ) sanad kasta , halka
Suudaan loo ogolaa isticmaalka 4 bilyan kiyuubik Mitiris (bcm ) .heshiiskan
waxaa ka soo wareegatay xilligii la kala saxiixday 73 sanadood .
Heshiiskii 1959kii wuxuu Masar u ogolaa isticmaalka 55.5bilyan
Kiyuubik Mitiris (bcm), Suudaana 18.5 bilyan Kiyuubik Mitiris (bcm )
sanad kasta , ayadoo dalalka Harooyinka waaweyn & Itoobiya laga
dhigay kuwo aan wax xuquuq ku laheyn isticmaalka kheyraadka (Nile
river ) dalalkooda .
Suudaan dood ayey ka keentay heshiiskii 1929kii , ka dib markey
ka xurowday gumeysigii Ingiriiska 1956kii , doodaa iyo khilaafkii ka
dhashay ayaa loo aaneynayaa iney Masar ka dambeysay afgambigii
Max�ed Jacfar Annumeyri uu kula wareegay taliska dalka Suudaan
1959kii , sanadkaasoo ahaa sanadkii heshiiska isticmaalka biyaha
Niilka uu ka dhacay Qaahira 8dii Nofembar,1959kii ee dhexmaray Masar
& Suudaan , heshiiskan wuxuu dhaqan galay 12kii Disembar 1959kii .
Heshiiskan wuxuu dhigayaa ineyan biyaha Niilka isticmaali karin
qowmiyadaha Harooyinka waaweyn iyo Itoobiya iyagoo aan ogolaansho ka
helin Guddiga farsamada ee Masar iyo Suudaan ay wada jirka u
magacaabeen .
Sababta gumeysiga Ingriiska uu xilligaasi ( 1929kii ) fursadda u
siiyey dalka Masar ma aha mid lala yaabo , waayo Ingiriiska wey kala
weyneyd Masar dalalkii kale ee uu gumeysanayey sababtana waxa weeye
: Kanaala Suweys oo ah istiraatiijiyad dhaqaale oo isku xira dalalka
Khaliija ee hodanka ah , Hindiya & Bariga fog ee ku yaal dalka Masar
ayuu Ingiriiska isticmaali jirey .
Xilli intee la�eg ayey Masar isticmaali jitay wabiga Niilka .
Masaarida waraabka beeraha ayey u isticmaali jireen biyaha wabiga
Niilka xilligii uu Masar u talinayey Fircoonkii la oran jiray
Menes-Namar 3100 ka hor dhalashadii Nabi Ciise (C S ), taasi weeye
sababta keentay iney Masar u diido dalalka koonfur ka xiga iney
biyaha Niilka u isticmaalaan waraabka beeraha ,ayagoo aan ogolaansho
ka helin Qaahira .
Doodaha la xriira isticmaalka Niilka
Xoghayihii hore ee Xisbiga dalka Kiinya ka taliya KANU , isla
markaana ahaa wasiirka Tamarta Mudane Riyaala Odinga isagoo xubnaha
baarlamaanka Kiinya kula hadlaya xarunta Baarlamaanka bishii
Febraayo 2002 , wuxuu ku eedeeyey dowladda Masar iney biyaha Niilka
u dhoofineyso lama degaanka Siinaay si ay halkaasi uga dhisato
mashruuc lagu magacaabo (The North Sinai Agricultural development
Project ) umana ogola Masar dalalka Harooyinka waawey iyo
Itoobiya iney mashaariic horumarineed u isticmaalaan biyaha Niilka .
Shir ka dhacay Nairobi oo biyaha looga hadlayey Maarso 2002 la
taliyaha sharciga UNEP Profesaysar Charles Okidi oo arinta Niilka ka
hadlayey wuxuu yiri : dalalka Bariga Afrika waa ineyan waxba ka soo
qaadin heshiiskii 1929kii ee biyaha Niilka , waayo wuxuu
heshiiskaasi dhacay xilligii gumeysiga Ingiriiska , heshiiskii
1959kiina wuxuu dhexmaray labo dal oo xur ah:
Masar iyo Suudaan iyagoo aan la tashan dalalka kale ee ay
khuseyso arinta biyaha wabiga Niilka .
Mowqifka dalka Tanzaaniya wuu cad yahay waxeyna siisay dalalka ay
khuseyso mushkilada Niilka iney muddo labo sano ku soo af jaraan
wada hadallada lagu xallinayo khilaafka Niilka ,Wasaaradda Beeraha
Tanzaaniya waxey magaalada Nyanza ka sheegtay heshiisyadii 1929 &
1959 ay xannibeen horumarka gobolka
1978kii waxey ka dhex qaraxday dalalka Masar iyo Itoobiya ,
markey dowladda Itoobiya soo bandhigtay qorshaha ay ku dooneyso iney
biyo xireen ka sameysato biyaha wabiga ( blue Nile ) , ee ka
yimaada dhulka buuraleyda ee Itoobiya , waana markuu madaxweynaha
ugu awoodda badan gobolka Maxamed Anwar Saadaat ka digay dagaalka
soo socda oo ay Masar qaadeyso inuu la xiriiro biyaha wabiga Niilka
, wuxuuna yiri 1979kii : ( Haddii ay dhacdo iney Masar mar kale
dagaal gasho , nooca dagaal ee ay galeyso waa dagaalka biyaha ) .
1988kii wasiirka arimaha dibadda ee Masar Butrus Butrus Qaali �
ee xilli dambe noqday Xoghayihii Guud ee Qaramada Midoobay �
tallaabo dheeraad ayuu qaaday isagoo yiri : Dagaalka soo socda
ee ka dhici kara Gobolkayaga waa mid la xiriira biyaha Niilka ee ma
noqon doono mid siyaasadeed .
50kii sano ee la soo dhaafay waxaa jiray 37 dhacdo oo la diiwaan
geliyey oo la xiriira dad isku laayey khilaaf ka dhashay isticmaalka
biyo ee ka dhacay xuduudaha caalamiga, 27kaasi dhacdo mid ka mid ah
waxey dhex martay Israa�iil & Suuriya oo isku kshilaafsanaa
isticmaalka biyaha wabiyada Joordan iyo Yarmuuk .
W/D: Chief Editot of Assiyaasa News Papers
Xuseen Cali Cilmi.
References.
- Daily Nation, Thursday , 28 / 03 / 2002. (Page 11).
- Daily Nation, Saturday , 07/09/2002. (Pages 8 & 27).
- Daily Nation, Friday , 22/03/2002. (Page 4).
AAN IDIN KU DUL NOOLAADO & AAN WADA NOOLAANO .
Inta badan 12kii sano ee dagaallada sokeeye Soomaaliya ay socdeen
waxaa Soomaaliya ku tartamayey kolka laga reebo Waddamada reer
Galbeedka Masar iyo Itoobiya waa maxey sababta ?!!! waa su�aal da�
weyn oo madaxa daalineysa.
Inteynaan ka jawaabin su�aashaasi Hordhac ahaan aynu dib ugu
laabanno qeybo ka tirsan taariikhda Soomaalida :
Xisbigii SYL ee ahaa Xisbigii u soo dagaallamay Xurriyadda
Soomaliya, waxaa Xisbigaasi qorshayaashiisa ka mid ahaa in la
raadsho 3da qeyb ee ka hartay ( NFD ,Ogaadeen ,& Jabuuti ) 5tii
qeybood Gumeystayaasha reer Gabeedka ay u qeybiyeen dhu lweynihii
Soomaaliya 1884 kii shirkii Baarliin . Jabuuti waxey ka xurowday
Gumeysiga Faransiiska 1976 kii, waxey niyad jab ku ridday qorshihii
lagu baadi goobayey Soomaali weyn markey ku dhawaaqday dowlad madax
bannaan .
Sannad ka dib 1977kii dowladdii keligii taliye
Siyaad Barre ,oo cabsi weyn ka qabtay awoodda Millateriga Soomaaliya
ee loo diyaariyey xoreynta dhulalka maqan ayaa wuxuu yareenta
awooddooda uu uga faa�iideystay fulinta qorshahaasi ee lagu baadi
goobayey Soomaali weyn , wuxuuna ammar ku siiyey iney ciidamada
Qaranka ay ka barbar dagaallamaan Jabhaddii Xoreynta Soomaali
Galbeed si Gobolka Ogaadeeniya looga Xoreeyo Xabashida .
Hase yeeshee markii dhulka badankiisa la xoreeyey
ayaa waxaa dagaalka soo galay dhowr dal oo xubno ka ahaa
Isbaheysigii loo yaqiinay Waarso oo uu Midowgii Soofiyeedka
horkacayey,
waxaana ka mid ahaa 2 dal oo Carab ah . Itoobiya
ina ma jebin ee waxaa is wada jir ah inoo jebiyey Waarso & Naato ,
qolada hore xoo ayey inagu maquuniyeen , Naato-se qaab
diblomaasiyadeed ayey inagu jebiyeen iyagoo inoo adeegsaday wejiyo
badan oo ay ka mid tahay IMF oo ay inagu dalbadeen ,keligii taliyaha
isaguna gacan weyn ayuu ku lahaa .
Ciidamadii Soomaaliya waxaa lagu khasbay iney dib
uga soo baxaan dhulkii ay qabsadeen , keligii taliye Max�ed Siyaad
Barre wuxuu amray taliyeyaashiisa qaar ka mid ah iney toogtaan
raggii ugu khibrad badnaa intii dagaalka lagu jirey , saraakiil
badan ayey Jeneraal Max�ed Nuur Galaal & Jenaraal Salxaan ku dileen
safka hore ee dagaalka & magaalada Hargeysa .
Ciidamadii Soomaaliyeed oo ka dabaakhtamaya
Jaalayaashood aan waxba galabsan ee lagu laayey magaalada Hageysa
iyo safka hore dagaalka iyo iyagoo ka careysan ka soo bixiddii
dhulkii la xoreeyey waxey ku dhaqaaqeen 9 April 1987kii Afgembi
markii dambe dhicisoobay .
Saraakiishii ka badbaaday qabqabashadii & laynii
Inqilaabayaasha waxey u kala baxsadeen dalalka Keenya iyo Itoobiya
oo ay ugu dambeentii halkaasi ka aasaaseen jabhaddii ( SSDF ) ugu
horreysay oo dagaal hubeysan kala hortimaadda dowladdii Keligii
Taliye Max�ed Siyaad Barre .waxaa dabadeed sameysmay jabhado kale :
SNM ,SPM ,USC iwm , oo dhammaantood ku saleysan hab qabiil ,waxaana
taa ugu wacnaa dowladdii kaligii taliye Max�ed Siyaad Barre oo
qabiilkii wax dareemaba xasuuqaysay wax garadkooda ilaa ugu dambeyn
ay dhacday dawladdii Soomaaliyeed 26 Jannaayo 1991.
Waxaa ka dambeeyey 12 sano dagaallo sokeeye oo
dalka
aafeeyey , waxey dagaalladaasi dhaxalsiiyeen
ummadda Soomaaliyeed xasuuq dad aan waxba galabsan ,dhac, kufsad ,
baro kicin iwm . waxaa la qabtay ilaa dhowr iyo 10 shir oo
dhammaantood fashalmay , waxaana ugu wacnaa kuwii ka dambeeyey
musiibadii ka dhacday Soomaaliya oo hor boodaya shirarka dib u
heshiisiinta , si ay u helaan wax magac dowladeed leh oo ay ku
difaacdaan dhulalka ay xoogga ku heystaan , taasoo iyaga madax ka
yihiin sida tii Cabdi Qaasim ee Carta lagu soo dhisay Agoosto 2000
kii . Damacaasi xun waxaa ku taageerayey dalalka Carabta Guud ahaan
gaar ahaan Masar iyo Sacuudiga oo ku canaantay sababta uu wafdiga
kooxda Carta ugu diray dalka Kiinya si ay uga qeyb galaan shirka dib
u heshiisinta Soomaalida ee Eldoret Keenya hadda ka socda .
Waxaa xusid mudan iney maamul goboleedyo ay ka
dhismeen gobolladii Waqooyi Bari & Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya
( Puntland iyo Somaliland ) , inkastoo Somaliland
ay sheeganeyso goosasho ayan weli aqoonsi u helin . waxey labadan
maamul ka sameeyeen degaannada ay ka taliyaan nidaam & kala dambeeyn
, adeegyadii dowladdana wey soo celiyeen , taasoo ah tusaale ay ku
dayan karaan gobollada Koonfureen ee Soomaaliya , si ay iyana u
sammeestaan maamullo u saamaxa ugu dambeyn iney Ummadda Soomaaliyeed
isugu timaaddo Xukuumad Federaal ah .
AAN IDIN KU DUL NOOLAADO(Gunnimo)
Dowladda Masar aad ayey uga xumaatay dhismayaasha
maamul goboleedya ka sameysmay Soomaaliya , waayo nidaamka Federaaka
oo Soomaaliya ka hergala wuxuu dhaawacayaa siyaasaddeeda gobolka
Geeska Afrika oo ah in la helo dowlad Soomaaliyeed oo hal meel looga
taliyo ,taasoo ay u adeegsato difaaca biyaha wabiga Niilka ( Blue
Nile ) ee ka yimaada buuraha dalka Itoobiya , iyadoo ka baqeysa iney
Itoobiyaanka ay biyo xireen ka sameestaan biyaha wabigaasi , si ay
uga faa�iideystaan biyaha ka soo dega buuraha dalkooda.
Masaarida waxey inagu beer jilicsaneysaa
Masiixiyiinta Itoobiya la dagaallama oo ka dhacsada dhulkiinna
Soomaali Galeed , ayadoo aan ognahay in Masar iyo dalal kale oo
carab ah ay safaarado ka furteen dalka Israa�iil , iyo iney labada
dhinac uu dhex maray heshiis nabad kuwada noolaansho.Haddaba sidey
inooga dhaadhicin kartaa Masar wax heshiis nabad gelyo ha la gelina
dalka Itoobiya , xittaa haddii dawladda Itoobiya ay UN-ta ku
wareejiso arrinta killinka 5aad , si afti looga qaado dadka
Soomaaliyeed ee degan Killinka 5aad oo ku saabsan Masiirkooda dambe
waxa ay ka damacsan yihiin , Masar raalli kama aha arintaasi waayo
waxey arintani soo afjareysaa Riwaayadda ay Masaarida u dhigto
Ummadda Soomaaliyeed oo ay ku dooneyso dhiigga ubadkayaga
Soomaaliyeed inuu waraab u noqdo Fuulka & Ceyshka uu shacabka Masar
ku nool yahay .Wiilashayada siisan meyno: Qori Xakiim,macallimiinta
AL-Azhar ,iyo saraakiil ciidan oo ay Masar inoo tababarto , diyaarna
uma nihin iney ta! ageerno dulmiga Masar ay ku heyso dalaka
harooyinka Waaweyn & Itoobiya .
Masaarida waxey is illowsiineysaa in labada wabi
ee Soomaaliya mara ee Jubba iyo Shabeelle iney iyana ay ka yimaadaan
dhulka buuraleyda ee Itoobiya , haddii aynu u dheg raaricinno damac
xumida Masaarida oo aynu dagaal aan macnihiisa la garaneyn la galno
Itoobiya , si aynu Masar ugu difaacno Biyaha Niilka , yaa
innaga inoo difaacaya biyaha wabiyadeenna Shabeelle & Jubba haddii
Itoobiyaanka leexsadaan , awdaan ama ay biyo xireen ka sameystaan
?!!!, waxey kaloo Masaarida is illowsiineysaa iney Ummadda
Soomaaliyeed ka ogalaaneyn Masar wixii ay ka diidday gumeystayaashii
reer Galbeedka oo aheyd
Aan idin ku dul noolaado .
Masar iyo dalalka Carabta ee howshan la wada
inagama xigaan diinta Islaamka , wakiilna inooga ma aha , iyaga seef
ayaa lagu islaamiyey annaguse si nabad gelyo ayey Diinta Islaamka
inagu soo gaartay , inteeyan magaalada Madiino gaarin ka hor,
waxeyna aheyd Hijradii 1aad markey qaar Asxaabta Rasuulka (scw) oouu
Jacfar Bin Abii Daalib ka mid ahaa markey u soo qaxeen dhulka aynu
maanta ku nool nahay oo markaa loo yaqiinnay ( Ardul xabasha ) .
Sidaa aawadeed waa ineynu ku faanaa arintaasi , oo aynu dhowrnaa
dhaxalka awoowyadeenna & Mad-habta Shaaficiyada ee ay ina soo
gaarsiiyeen , waa ineynu isku kalsoonaano oo aan nafsaddayada
xushmeyno si aynu u kala garanno codowgayaga iyo saaxiibkayaga , ka
fogaano taageeridda nooc kasta oo dulmi ah , sidoo kale waa ineynu
ka digtoonaano calooshood u shaqeystayaalka Argagixisada ah ee u
adeegaya danaha Carbeed ee gobolka Geeska Afrika .
Wakiillada heyadaha samafalka Sacuudiga ee dalka
Soomaaliya loo soo diro inta badan waa jawaasiis u yimi dalka iney
fuliyaan danaha Sacuudiga ka leeyahay Soomaaliya oo ay ka mid tahay
abuurista iyo taakuleynta kooxaha argagixisada, jawaasiistaasi inta
badan culimo ayey isu ekeysiiyaan garka wey daayaan ,maryahana wey
gaabsadaan sidii Itixaadka oo kale .
Istiraatiijiyada Carabta ee gobolka Geeska Afrika
haddii ay tahay mid ay iyaga oo qura ay dani ugu jirto innagana ina
wax yeelleyneysa waa ineynu ku gacmo seyrnaa taageeriddeeda,
haddiise ay tahay mid aynu kuwada daneysaneyno waa ineynu gacmo
furan ku soo dhoweynaa .
waxaase nasiib darro ku noqday Ummadda
Soomaaliyeed hoggaamiye kooxeedyo damac xun oo u dheg raaricinayey
damca Masaarida laga bilaabo 1997kii markuu shirkii Qaahira
billowday ilaa iyo maanta oo uu u gu dambeeyo hoggaamiye kooxeedka
beesha Ceyr Cabdulqaasim Salaad xassan .
Waxaa arrimahan daba socday kooxo argagixiso oo
shaar diin huwan oo u adeegaya damac xumida Masaarida & sacuudiga oo
isaga qorshihiisu yahay ineyan Soomaaliya ka dhalan dawlad Shidaalka
u soo saarta Soomaalida , kooxahaasi waxey AL-Islaax oo Masar looga
taliyo,iyo AL-Itixaad oo Sacuudiga looga taliyo , waxaa la yaab leh
labadan dal waa Masar iyo Sacuudiga dalalkooda waa ka mamnuuc iney
Ururadan ka howlgalaan dalalkooda , balse waxey u adeegsadaan iney
difaacaan istiraajiyadooda siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba ee gobolka
Geeska Afrika .
Kooxahan argagixisada waxey isu arkaan iney iyaga
mas�uul ay ka yihiin Diinta Islaamka qofkii iyaga ka hor yimaada ka
markuu arko dhaqan xumidooda & cidda ay u shaqeynayaan wey
gaaleysiiyaan si fool xunna wey ula dirian hadduu iyaga ka mid ahaan
jirey iyo haddii kaleba . Waxey ka siman yihiin u adeegista qorshaha
Masaarida iyo ta Sacuudiga ee ka dhanka maslaxadda iyo jiritaanka
UmmaddaSoomaaliyeed ,iyagoo u huwinaya shaar diimeed .
AAN WADA NOOLAANO (Gobannimo).
Ujeeddada Itoobiya ee xal u helidda Mushkilada
Soomaaliya waxey tahay labadan qodob ee hoos ku qoran :
1- Xagga Amniga: Iney Soomaaliya ka dhalato dowlad
mamnuucda in saldhigyo laga siiyo jabhada dowladda Itoobiya ka soo
hor jeeda , iyagana dhankooda ay ballan qadaan ineyansaldhig siinin
jabhad kasta oo ka hor timaadda dowladda Cusub ee Soomaaliya
mustaqbalka dhow & ka dheerba 2- Xagg dhaqaalaha :Iney xeebaha
soomaaliya ka dhoofsadaanGaaska Killinka 5aad ee Itoobiya, taa beddelkeeda
annguna canshuur ayaan ka heleynaa .waa aan wada noolaano.
Haddaba aynu kala doorano Gunnimo & Gobannimo
DOORKA ARGAGAXISADA AL-ISLAAX EE HURINTA COLAADAHA
SOOMAALIYA
Masraxa Siyaasadda ee Shirka Eldoret , Fadeexooyinkii La
Soo Darsay
IGAD Technical Committee & National Resource Committee qaar
ka mid ah .
Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka furmay magaalada
Eldoret ,dalka Keenya 15kii Oktoobar , 2002 wuxuu soo maray heerar
kala duwan ayadoo siyaasadda Soomaaliya ay ku tartamayeen kooxaha
SRRC iyo Carta , markuu shirka in muddo ah socday oo kooxda Carto ay
u muuqatay mid sii shiiqeysa ayaa wakiillada dalaka Carabta shirka u
jooga , gaar ahaan wakiilka Masar,Ururka AL-Islaax & wakiilka
Talyaaniga ay abuureen koox lagu magacaabo Group 8 ama G8 oo ay
horkacayaan labo hoggaamiye kooxeed oo markuu shirka furmayey uu
muuqday kuwo niyad jabsan , waxeyna labadaasi kala yihiin : Cusmaan
Caato oo goor hore yiri : (Ilaa aan ka takhaluso hoggaamiyeyaasha
beelaha USC oo aa noqdo midka qura ee metela beelaha USC oo cadka
USC ay ku yeelaneyso dowladda dhalan doonta aan anigu qaato , ka
deyn maayo qaska iyo labka shirarka dib u heshiisiinta Soomaalida )
.
Hogaamiye kooxeedka 2aad waa Max�ed Qanyare oo isna idaaca BBC-da
ka yiri : ( Jabuuti kooxda Carta ayey wadataa ,Itoobiyana kooxda
SRRC ,Kiinyana waxaan u maleehaa iney underline-ka cayaareeydo
).
1- GROUP 8.
-G8 waxey ka kooban tahay hogaamiye kooxeedyada kala ah :Cusmaan
Caato , Max�ed Qanyare , Mowliid Macaane , Cumar Finish , Barre
Hiiraale ,C / Rasaaq Isaaq Biixi & sheekh Aadan Madoobe .
-Kooxdan shaqadeeda waxey aheyd iney caqabad ku noqoto shirka
ilaa uu ka burburo waana arin ay isku dhaarsadeen haddiiba ay u
soconeyso , iyaga
C / Qaasim xiriir ayaa ka dhaxeeya waxeyna isku ogaayeen sidii u
soo cusbooneysiin lahaa dagaalladii sokeeye oo uu weerar ku qaado
Gaalkacyo, Jowhar , Gedo iyo Jubooyinka , si ay weeraradaasi iyo
caqabadaha G8 ay shirka Eldoret ka wado ay sabab ugu noqondaan
burburka shirka .
2- USC-da MUQDISHO & JAALLE DAAROOT
Dalalka ku howlan burburinta shirka , AL-Islaax , kooxda Carta &
Cusmaan Caato waxey billaabeen wejiyo kale oo ay is leeyihiin
burburinta shirka ayey wax ka tari kartaa , intaa ka Cusmaan Caato
oo ah u qeybsanaha fulinta howshaasi wuxuu billaabay isagoo
adeegsanaya wejiyadiisa faraha badan mid ka mid ah abuurista 2
kooxood oo kala ah :
- Hoggaamiye Kooxeedyada Muqdisho.
- Jaalle Daarood .
Hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho .
Hogaamiye kooxeedyada Muqdisho oo ay kooxda Carto ka mid tahay
sida : Xuseen Max�ed Ceydiid , Muuse Suudi Yalaxow , Max�ed Qanyare
, Cumar Finish ,
Iyo Cusmaan Caato ayaa heshiis nabadeynta Muqdisho ku kala
saxiixday Hotel Sirikwa Eldor,kiinya ,2dii Disembar , 2002 waxeyna
ssheegeen iney dekadda iyo gegida Muqdisho furayaan .
Jaalle Daaroot
Waa koox u dhisan nooca Daarootka
Kacaankii 21kii Oktoobar uu raalliga ka ahaa oo kale , aasaasayaasha
kooxdan waxa weeye : ash-khaas waayey kalsoonidii beelahooda kana
fallaagoobay sida : SNF-ta Galgaduud , Axmed Cumar Jees , Axmed
xaashi , fallaagada Puntland , & Daarootka Carta .
waxey kooxdan isugu jirtaa laba qeybood oo kala ah : kuwo
martiqaad rasmi ah heysta , iyo kuwo aan wax martiqaad heysan sida
kuwa ku dacwoonaya iney yihiin Isim oo wejiyo badan , markey
doonaana sheegta siyaasi sida Kiinkoon oo kale .
Labada koox waa Hoggaamiyeyaasha Muqdisho & Jaalle Daaroot
hadafka u qarsoonaa ee dib laga ogaaday waxa weeye :
-Hogaamiye kooxeedyada Muqdisho : waxeynu aadeynaa Muqdisho
si aynu u soo furno dekadda & garoonka Muqdiaho si aawadeed waxeynu
Mujtamaca caalamka ka codsaneynaa iney nagu saacidaan lacag dhan
US$100,000 oo Doolar iyo diyaarad ina geysa Muqdisho si ay inoogu
suura gasho furidda dekadda iyo gegida diyaaradaha Muqdisho .
- Jaalle Daaroot :
Hana la siiyo lacag iyo diyaarad
ina geysa Kismaayo si ay u heshiisiinno beelaha isku heysta
Jubbada Hoose oo aynu malleeshiyadana hubka uga dhino .Labadan
sidii ilkaha abeeada ayey hoosta kawada xiriiraan waxaana u
qarsoonaa haddey u suuro geli laheyd helidda waxa ay codsadeen oo
ay markaasi tagaan meelihii ay kala dalbadeen iney shir jaraa�id
qabtaan oo ay sheegaan inuu burburay shirkii Eldoret ,balse waxaa
dhacday iney sirtooda baxday , oo laga war helay waxaana
Hoggaamiye Kooxeedyada Muqdisho ka daba qaatay oo Eldoret ka soo
saaray war saxaafadeed qeybo ka tirsan USC / SRRC-da sida : Max�ed
Sheekh Gacmo Dheere , Xassan Cabdulle Qalaad ,Hillowle Imaam Cumar
& wakiilka Max�ed Dheere waxeyna beesha Caalamka u sheegeen in
firidda dekadda iyo garoonka laga sugayo dowladda Eldoret lagu
dhisayo hadduu Alle idmo , hadafka kooxda dalbatay in Muqdisho loo
diro dalbatay uu yahay iney shirka fashiliyaan .
War saxaafadeedkani wuxuu araxda ka jabiyey shirqoolkii lala
damacsanaa shirka Eldoret , Mujtamaca Caalamka oo fahmay
qorshahooda wuxuu xujjo uga dhigay warqad ogolaansho iney ka soo
qaataan Ururada Bulshada & Ururka haweenka .
Waxaa taa weheliya oo u sahlayey in kooxan ay shirqoolladaasi
sameeyaan Guddiga Farsamada IGAD oo mar dhexe yaraatay
daacadnimadoodii oo jahwareer geliyey shirka oo muddio bil ku
dhowaad intey warqad subuxii soo saaraan galabtii mid taa ka soo
horjeeddo soo saarayey, taasoo dhalisay iney yaraato kalsoonidii
Mujtamaca Caalamka u hayey guddiga Farsamada IGAD, waxeyna
jahwareer gelisay degaannadii , hoteelladii la dejiyey wufuudda
Soomaalida iyo nolol maalmeedkooda caadiga ahaa.
Si kastaba arinta ha noqotee waxey mujtamaca Caalamku sheegeen
iney ka go�an tahay in Soomaaliya loo dhiso dawlad , waxaan ilo
xog ogaal ka helnay in Soomaaliya loo diyaayey ciidamo shisheeye
oo loo diyaariyey iney Soomaaliya qabtaan si ay hubka uga dhigaan
malleeshiyooyinka hubeysan . arimahani waxey dhaliyeen in kooxda
Carta iyo Xulafadeeda habeen Isniin 16 /12/2002 ka codsadeen
Maamulka Punt land & SRRC-da iney isku dhex wadaan wejiga 2aad iyo
wejiga 3aad , si Mujtamaca Caalamka uu ugu furo lacagihi shirka oo
hore loo xannibay, Puntland iyo SRRC wey aqbaleen talada ay
kooxahaasi soo jeediyeen oo aheyd Baarlamaan ka kooban 450 xubnood
oo loo qeysado 4.5
- DOORKA URUKA AL-ISLAAX EE HURINTA DAGAALLADA SOKEEYE EE
SOOMAALIYA .
- Ururka AL- Islaax waxaa lagu aasaasay magaala madaxda
dalka boqortooyada Sacuudiga bartamihii toddobaatameeyadii ,
waxaana aasaasay koox reer Aw- Qudub oo reer Itoobiya oo uu madax
u yahay Sheekh Axmed Maxamed Nuur (Gar yare ) oo hadda deggan
dalka Kanada , waxey kooxdani ka firxatay Urur weynihii la oran
jiray :
- AL-AHAL , waana urur diimeedkii ugu horeeyey qaab qabiil
ku sameesmay ,in kastoo xubnihiisa ay qabaa�il kala duwan ku
jiraan , haddana hoggaanka ururka loo ma ogola inuu noqdo qof aan
reer Aw-Qudub aheyn . Hoggaanka sare AL-Islaax iyagoo kaashanaya
Jeneraal C/raxmaan Cabdi Xuseen , oo ahaa taliyihii ugu dambeeyey
ee booliiska Soomaaliya ,waxey ka aasaaseen Killinka 5aad
siddeetameeyadii jabhad ka soo horjeedda Jabhaddii Soomaali
Galbeed waxeyna ku magacaabeen Sii Galbeed , taasoo
sababtay dagaallo sokeeyo oo dhexmara beelihii Soomaaliyeed ee
wada degenaa halkaasi .
- Markey billowdeen Dagaalladii Sokeeye ee Soomaaliya waxey
sameeyeen gole lagu magacaabo Golaha dib u Heshiisiinta
Soomaalida oo ay dalalka Carabta lacag kaga gurtaan ,xarunta
Golahani ma noqon mid hanuunun oo dadka ka waanisa iney ka
waantoobaad Dagaallada Sokeeye balse waxey noqotay xanur lagu
qabto muxaadarooyin lagu dhiiri gelinayo dagaallada sokeeye iney
sii socdaan , shuyuukhda xaruntani sida Ibraahim Dasuuqi ,Axmed
qudhubi ,Cali Baashi waxey ku guubaabin jireen odoyaasha iyo
malleeshiyooyinka Muqdisho iney weeraraan ,baro kiciyaan beelaha
soomaaliyeed ee deggan Koonfur Galbeed Soomaaliya ,waxey kaloo sin
jireen malleeshiyooyinkaasi lacago taakulo ah si ay u sii wadaan
dagaallada sokeeye .
- Waxey aasaaseen jabhad lagu magacaabo Aakhiro Moog ,
tuullada Xaramka ee u dhaxeeysa degmooyinka Jilib iyo Baraawe
waxey jabhadda Aakhiro Moog ka sameeyneysay in muddo arrimo
aad u fool xun waxaana ka mid ah dadka socota ee u kala safraya
Muqdisho iyo Kismaayo markey soo gaaraan isbaarada Aakhira Moog
waxey malleeshiyada jabhaddan ku khasabtaa dadkaasi socotada ah
iney labo labo isugu jeensadaan lab iyo dheddig si ay halkaasi uga
dhacdo fara xumeyn ama gaabsi khasab , uma kala aabo yeelaan
haddii ay isku soo hagaagaan labo is dhashay ama wada dhalatay ,
waa isugu mid dadkaasi cid kasta ay soomaali ka yihiin .
- Dagaalladii Killinka 5aad.
- Sannadkan 2002 billowgiisa iyo bartamihiisa Jabhadda
Aakhiro Moog waxey dagaallo dhul ballaarsi ka sameesay
deegaannada Killnka 5aad & Jubbada Hoose .
-
- Killinka 5aad
-
- Jabhadda Aakhiro Moog waxey ka codsatay dadka deggan Killinka
5aad qeybo ka mid ah iney siiyaan dhul iyaga u gaar ah oo ay
doorashada ka soo galaan , waxaa loogu jawaabay waxa idin ka maqan
maxey tahay oo aad dooneysaan ceelasheenna ayaad ka cabtaan ,xoolihiinnana
aad ka waraabsataan , nabad gelyo ayaad heysataan ,waa maxey
dhulka gaarka ee aad raadineysaan ? ma qolaa dhulkeeda idin kaga
guureysa ?
-
- Ugu dambey waxey Aakhiro Moog heshiisyo lid ku ah
ammaanka iyo jiritaanka dadka Killinka 5aad la galeen koox qarsoon
oo ku tiri haddii soo arkootaan dhul idin anfaca garab ayaan idin
ku siineynaa in la idin aqoonsado dhulkaasi , dabadeed iyaga iyo
xoolahoodaba wey soo guureen waxeyna degaan ka dhigteen degaanka
beesha Cali Wanaag iyagoo wax ogolaansho aan kaheysan beesha
meesha degta, waxey arintani dhalisay khilaaf ka dhashay daaqa iyo
ceelasha xoolaha ka cabbaan oo ahaa mid markii hore ku filnaa
beeshii meesha hore u dageneed , laakiin aan u qeybsamin iyaga iyo
beelo kale .Beeshii meesha hore u dageneed ayaa tiri meeshan ina
ma wada qaaddee ee meeshii aad ka soo guurteen dib ugu laabta ee
dhulka hanga nabaad guurinana .
-
- Ayadoo la is mari waayey ayey farriin qarsoodi u dirsadeen
xaruntooda Muqdisho , muddo dabadeed waxaa soo gaaray hub, rasaas
iyo saad u saaamax iney ku dagaallamaan si ugu xalaalowdo
sheegashada degaanka cusub , dagaalladii halkaa ka dhacay dad aad
u fara badan ayaa labada dhinac ku hoobtay .
-
- 4 Gaari oo Muqdisho ururka AL-Islaax ka soo diray- oo siday
raashiin isugu jiray : timir , bariis , sokor , saliid iyo baasto
karsan oo iyada iyo suugadeeda ay labo weel ku kala xiran yihiin
laguna soo sameeyey dalka Bulgaariya una socday Jabhadda
Aakhiro Moog � ayaa malleeshiyadii galbineysay soo dhaafiyeen
xadka Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa gacanta ku dhigay lana
wareegay Jabhadda ONLF ee uu hoggaamiyo Admiraal Max�ed
Cusmaan .Raashiinkaasi marka laga reebo baastada inta kale dalka
Kuweyt ayaa soo saaray , waxaana dhammaan rashiinkaasi AL-Islaax u
soo diray hay�adaha kala : Jamciyat AL-Islaax AL-Kheyriya &
African Muslim Agency oo labadaba ka diiwaan gashan dalka
Kuweyt .
- Saadkaasi ee u socday Jabhadda Aakhiro Moog ee Killinka
5aad ee gacanta lagu dhigay waxey arintani ka shiftay
ciddii ay heshiiska qarsoodiga la galeen taasoo soo dedejisay jab
weyn oo ku dhacay Aakhiro Moog waayo saadkii iyo rasaastii
ayaa gabaabsi ka noqday, waddadii ay wax u soo mari jireenna wey
xirantay ,waxaa kaloo jabkooda door weynka qaatay xoolahoodii inta
dal tabyoodeen dib ugu cararay halkii ay markoodii hore ka soo
guureen .
- Dagaallada Jubbada Hoose
- Jabhadda Aakhiro Moog ayaa dagaallo is daba joogku soo
qaadday degaan Waldeyn oo ah tuullo ku taal xadka Soomaaliya ay la
leedahay dalka kiinya waxaa dagaalkani ku weheliyey
malleeshiyooyin kale oo iyaga garab siinayey . hadafka dhabta ah
ee dagaalkani wuxuu ahaa iney halkaasi xoog ku degaan si dabadeed
ay kiinya ugu soo gudbiyaan badeecadaha dekadda Kismaayo uga soo
dega Max�ed Deelaaf, waxaa arintani ku heshiiyey madaxda AL-Islaax
& C/qaasim waxaana fulinteeda ka mas�uul ahaa madaxda
malleeshiyada Aakhiro Moog iyo Koofil oo wakiilka Max�ed
Deelaaf ee dekedda Kimaayo . Waxaa taakulada dagaalkan wada jir u
bixinayey:Hey�adaha Jamciyat AL-Islaax AL-Kheyriya ,African Muslim
Agency , Hoggaamiye Kooxeed beesha Ceyr C/Qaasim Salaad Xassan ,
iyo Max�ed Deelaaf waxaana taa caddeynaya mar la jebshay
Aakhiro Moog ayaa waxaa Waldeen laga helay rashiin ay halkaa
uga carareen oo isugu jiray : Timir, sonkor , bariis iwm oo laga
keenay dalka Kuweyt.
-
Nin ka mid ah malleeshiyada Aakhiro Moog oo
la qabtay isagoo dhaawac ah intii ay socdeen dagaalladii Waldeen ,
markii la weydiiyey sababtii ku kalliftay inuu ka qeyb qaato
weerrarada lagu soo qaaday Waldeyn � isagoo ah nin abti loo yahay
isla markaana ahaa Imaamka Masjidka Dhoobley- wuxuu ku jawaabay
Shiikheyga Ibraahim dasuuqi ayaa ii iftooday in
dagaalkani yahay Jihaad,markey malleeshiyadii gacanta ku
heysay ay warkaasi maqleen ayey caro aawadeed dhaawicisii is
raaciyeen .
Dagaallo is riix riix oo qoloba markeyd laga saaro
Wadeyn ,ugu dambeyn waxey Waldeyn ku wareegtay gacanta malleeshiyada
Waamo, intii Aakhiro Moog ay gacanta ku hayeen Waldeyn waxey
jabhadda gubtay guryihii degaanka si dadkaay u baro kacaan uguna
adkaato iney dib ugu soo laabtaan , intii ay socotay gubashada
guryaha Waldeyn sawirro ayey ka qaadeen waxeyn siwirradaasi u soo
gudbiyeen wakiilka AL-Islaax dalka Kiinya u fadhiya Daahir Sheekh
Axmed Abuubakar waxeyna ku heshiiyeen in sawirada degaan Waldeyn
oo gubaneysa loo gudbiyo Hey�adda UNHCR lana caaciyo qoraal
loogu sheegayo UNHCR-ta in deegaan la gubay uu yahay Hoosungu
malleeshiyo Absamena ay falkaasi ka dambeysay si xubnaha AL-Islaax
ee Kenya ku nool ay dib u dejin uga helaan dalalka Reer Galbeedka ,
isla marka ay sawirrada iyo qoraalka lagu lifaaqay ay geeyeen
xarunta UNHCR iyagoo laga dhigay dadkii guryahooda la gubay lana
baro kiciyey , waxaa ka war helay Somali Human Rights Organ!
ization oo qoraal ay arintaasi ku beenineyso u gudbisay UNHCR ,
waxaa halkaasi ku beenowday arintii ay AL-Islaax wateen oo
aheyd iney hal dhagax ay labo shimbir ku dilaan oo ah iney dad meel
deggan intey weerar ku qaadan oo guryahoodana gubaan ,isla markaa ay
iyagii wax gubay ay Caalamka ugu baryo tagaan .
Dagaaladii Aakhiro Moog & SNM /South
Agagaarka degmada Jamaame waxaa dhowr jeer ku
dagaallamay Jabhadda Aakhiro Moog iyo beesha Biyo Maal ,dagaalladaasi
ooay dad badan ku hoobteen ayaa wuxuu reebay utun si is ugaarsi iyo
shirqoollo in muddo socday;Tusaale :Isbaarada Aakhiro Mooge
ee Tuullada Xaramka waxey u adeegsadeen meel ay ku ugaarsadaan dadka
soctada ee u dhashay beesha Biyomaal ee u kala safraya Muqdisho ,
iyo Jubbada Hoose ,iyagoo gawaarida kala dega , dadka ay shirqoolka
ceynkaasi ay ku dileen waxaa kamid ah Sheekh Cabdi Raxmaan Sheekh
Barre oo bil Ramadaan sannadkii 2000 ay gaari kala degeen isagoo u
soo socday degmada Jamaame halkaa ayey ku dileen
.
Doorka Al-Islaax ay ku lahaayeen aasaaska kooxda Carta
Shirka Carta eesida la sheegayaa damacsanaaa in
dowlad Soomaaliyeed halkaa lagu soo dhiso kooxda Argagixisada ee
AL-Islaax waxey ku bixiyeen doorashadii C/Qaasim 2milyan
oo doollar , iyagoo aaminsanaa sidii Xassan Turaabiga Suudaan
iney dhisi karaan dowlad ay daaha gadaashii ka maamuli karaan oo
Zaciimu Ruuxi u yahay guddoomiyaha AL-Islaax ,waxey ka
heleen dhowr mudane baarlamman oo ay ka mid yihiin
: Ibraahim Dasuuqi iyo Cali Baashi
Dagaalladii dhexmaray kooxda Carta iyo Hoggaamiye kooxeedyada
Muqdisho qaarkood
Dhowr dagaal ayey kooxda Carto ku qaadday
hoggaamiye koxeedyada Muqdisho ee kooxda Carta ka soo hojeeday ,oo
aan looga baran iney isu gurmadaan waxaana hoggaamiye kooxeedyadaasi
ka mid ah Xuseen Ceydiid iyo Muuse Suudi Yalaxow iyo max�ed Qanyare
Afrax ,dhammantood weerraradiikooxda carta ay ku qaadday kooxaha
aynu soo sheegnay wuxuu Ururka AL-Islaax taakulo dhaqaalo la garab
taagnaa kooxda Carta si ay uga takhalusto kooxihii ka soo horjeeday
.
Doorka AL-Islaax ay ku lahaayeen burburkii Punt land .
Ururka AL-Islaax isagoo garab taagnaa kooxda Carta
& dalalkii ku lug lahaa shirqoolkii lagu burburinayey
maamul-goboleedka Punt Land waxey bixiyeen lacag dhan US$200,000 oo
Doolarka Mareykanka .
Sababta ku kalliftay iney ka qeyb qaataan burburka
Punt Land waxa weeye ;waxeyan raalli ka aheen nidaamka Federalka oo
Somaalida 99% ay raali ka tahay , Caalamkuna u arko qaabka
Soomaaliya Nabad & kala dambeyn loogu soo celin karo , sababtoo ah
nidaamka federaalka danaha AL-Islaax ee Soomaaliya ayuu ka hor
imanayaa , maxaa yeelay hoggaanka sare AL-Islaax uma aysan dhalan
dalka Jamhuuryadda Dimoqraadiga Soomaaliya oo dalkooda waa Killina
5aad Itoobiya , nidaamka Federalka waxaa shardi ah inuudad iyo degan
soo doortaa ay jiraan ,qofkii aan intaa isku heli kari oo kooyto
colaad ayuu u qaadayaa ciddii aaminsanna wuu la dagaallamayaa .
Qaababka AL-Islaax ay dadka diinta uga
fidneeyaan
Sheekh Axmed Qudubi wuxuu meelo fagaaro ah ku aflagaadeeyey
Xijaabka dumarka oo ay shareecada Islaamka waajib ka dhitay ,sidaasoo
kale Ibraahim Dasuuqi wuxuu aflagaadeyey Nabi Maxamed (scw) isagoo
yiri anigu waan ka xishoon lahaa haddaan ahay Nabi Maxamed (scw)
inaan guursado gabar 9 jir ah ,isagoo uga jeedo Nabiga (scw) uu
guursaday Caasha binti Abubakar iyadoo 9 jir ah , wuxuu kaloo fara
geliyey caddaaladda Eebbe ee ku saabsan habka Eebbe Qur�aankiisa
inoogu sheegay ee ku saabsan dhaxalka iyo diyada dumarka waxa ay xaq
u leeyihiin kolka lala barbar dhigo ragga ayadoo Ibraahim Dasuuqi uu
ku tilmaamay Eebbe inuu quursaday dumarka oo uusan xaqooda siinin
Arrimahaasi oo idil kama ayan hor istaagin in ku daritaankii ay hey�adda
International Crisis Group ay ku dartayIbraahim Dasuuqi
Liiska argagixisada caalamiga .
Eebbe wuxuu yiri :
( Ma Eebbe ,Aayaadkiisa iyo Rasuulkiisa ayaad ku jeesjeeseysan
,is dhab ah ayaad u gaalowdeen markaad rumeyseenka dib??.) A ttoba (
)
Sayid Maxamed Cabdulle xassan ooka hadlaya qolo kuwan la mid ah
ayaa yiri :
( Nimaan sharaxa diineed sheynaba ka suureyneyn *
Haddii aad u sheegtana shaqfadloo aan garaneyn*
Adiguna aad shiikh tahay ,isaguna sharmuud yahay *
Oo kula shikaayoon illeen waashiddo iyo hoog )
- Mujalladda AL-Mujtamac ee toddobaadlaha ah ee
ay leeyihiin Ikhwaan AL-Muslimiinta Caalamka - oo ah shabakadda uu
Ururka AL-Islaax ka tirsan yahay � waxey buunbuunisaa qaddiyadda
Falastiin sida guryo la burburiyey, dad la laayey , caw la baro
kiciyey ,agoon iwm soomaaliya dhibaatada ka jirtaa guud ahaan ,
gaar ahaan gobollada Koofurgalbeed Soomaaliya wey qariyaan sida :
xasuuqa , dhaca ,kufsiga ,baro kicinta iyo waxyaalaha Muqdisho ka
dhaca oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed lagu fasahaadinayo sida :
lacaga been abuur Ummadda Soomaaliyeed dhaqaalaheeda lagula
dagallamayo ,guryahaxaaraamta lagu heysto ,mukhaadaraadka lagu
beero beeraha dadkii la baro kiciyey ,kufsadka wiilasha yaryar ,
waxey taa badalkeeda inoo sheegaan in dalka Ingiriiska
iskuulaadkiisa ay isticmaalka daroogada ku badatay , waxey
Soomaaliya ka qoraan waxu dan ah dhul boobayaasha sida Itoobiya
ayaa Soomaaliya soo weerartay iyadoo taa loola jeedo dadka koonfur
galbeed deggan ee doonaya iney de! gaankooda ka kiciyaan codowga
qabsaday magaca ka muslimka ah falkiisuna falgaaleed yahay sida C/Qaasim
iyo kuwii ka horreeyey .
-
- Cali Jaamac Haabiil wuxuu yiri :
- Muslinimo ninkaan kugu dhaqeyn Mu�minimo khaas ah
- Gaal maxasta kuu dhowra aad magansataa dhaama
- Madi cararta maqasheeda koris milicsan baa dhaanta
Muqaalka dhabta ah ee shirka Eldoret & doorka mideysan
eewakiillada carabta & Argagixisada Caalamigaee ku wajahan marin
habaabinta shirka .
-
- Waxaa ku sugan magaalada Eldoret Hoggaanka sare ee Ururka
Argagixisad ee AL-Islaax qaar ka mid ah oo ku yimi magacyo kala
duwan sida : Ibrahim Dasuuqi & Cali Baashi oo ku yimi iney
mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Carta ,Guddoomiye ku
xigeenkaHoggaanka AL-Islaax C/Raxmaan Baadiyow & Axmed Qudubi oo
iyana ku jooga magaca ururada bulshada ,waxaa kaloo yimi u
qeybsanayaasha dhaqaalaha sida : Maxamed Axmed Nuur ( Gar yare )
oo maskaxdii ka dambeysay aasaaska ururka AL-Islaax oo sida lacag
uu ka keenay dalalka Waqooyi Ameerika & Maxamed yuusuf oo macallin
ka Jaamicadda Kuweyt waana ninka loo soo marsiiyo dhaqaalaha ugu
badan ooay Islaax ka hesho dalalka Khaliijka waayo wuxuu saaxiib
la yahay xubnaha baarlamaanka Kuweyt ee ka tirsan Ikhwaanka dlka
Kuweyt , kuwaasoo u fududeeya aragtida Ammiirka Kuweyt oo u
sheegeen in war bixinnada arrimaha Soomaaliya isaga oo qura inuu
Amiirka dhageyto .Markey 6daasi xubnood ay ay isugu yimaadeen
Hotel Sirikwa oo ah hallka uu shi! rka ka socdo waxey billeen iney
kulamo kala duwan habeen iyo maalinba la galaan wakiillada Carabta
ee shirka jooga ,Cusmaan Caato & Max�ed Qanyare .
- Lacagta AL-Islaax ay keeneen waxaa loo adeegsaday :
- 1- Aasaasidda Group 8 ama G8
- 2-in lagu kala furfuro Isbaheysiga SRRC ,oo durbadiiba ay ku
guuleysteen iney Muuse Suudi iyo xuseen Ceydiid ka saaraan .
- Max�ed Qanyare Afrax oo ay hotel srikwa kula kulmeen 2/12/2002
waxey u adeegsadeen inuu Muuse Suudi - oo ahaa caddowga ugu weyn
kooda ee Muqdisho saldhig ku leh - ku soo qanciyo inuu SRRC ka
baxo taa baddalkeeda uu qaato US$ 300,000 arintaasoo ugu dambeyn
keentay inuu Muuse ku qanco ,waxey u ballanqaadeen iney
taageerayaan hadduuisu soo taago tartanka madaxweynenimada ooay
yiraadeen waad u qalantaa waa sidey hadalka u dhigeen
Do you Yahoo!?
Yahoo! Mail Plus - Powerful. Affordable.
Sign up now |