- Title: [SW News] ( Maxamed-deeq Cabdulqaadir
- Sahan, Bosaaso) Mudaaharaad ka dhacay
Boosaaso
- Posted by/on:[AAJ[[4 Feb 2001]
Mudaaharaad ka dhacay
Boosaaso
Maxamed-deeq Cabdulqaadir
Sahan, Bosaaso
sahan@brtel.net
Published: Feb 3, 2001
Safiyo Cabdi
Axmed oo ka mid ahayn boqolaal qof oo isugu soo uruuray abaara 10:00 barqanimo saacadda
Bosaaso (Feb 2, 2001) ayaa dhimatay kadib markii xabado ay kor u ridayeed Boolisku ay
xabad ka soo noqotay darbi u dhaw taliska ciidanka Boliiska ee Buntilaan ay ku dhacday.
Ciidanka booliska oo halkaas loo keenay si ay uga hor tagaan mudaharaadayaal markii danbe
isu badalay weeraryahano oo soo beegsaday xarunta taliska booliska Boosaaso.
Mudaharaadkan oo
subaxnimadii si nabadgelyo ah uga bilowdday bartamaha magaalada ayaa saacadba saacadba ka
danbaysa sii xoogeysanayay, dadka ku soo biiraya daawashada ama ka qayb galka
mudaharaadkuna uu soo badanayay, halka dhan kalana ciidanka Boolisku ay hareero socdeen
wadada ay marayeen dadweynaha faraha badan ee halkaas isugu soo baxay.
11 ka mid ah
dadkii mudaharaadkan abaabulay ayay xabsiga dhigeen ciidanka Boolisku qaar kalana waxa uu
sheegay taliyaha ciidanka Booliska C/laahi Siciid in la baadi goobayo, mar uu maanta ka
hadlayay kulan degdeg ah oo xubno ka tirsan golaha wasiiradda iyo masuuliyiinta sarsare ee
Booliska iyo qaar ka mid ah qaraabada ragga xirxiran ay ku yeesheen taliska Bolliiska,
iyadoo dadka la xirxiray ay u badan yihiin ka qayb galayaashii shirkii Carte iyo dad horay
uga shaqayn jiray maamulka Buntilaan oo xilalkii laga qaaday.
Ma jiraan wax
dhaawac ah oo rayid ah oo isbitaalka la dhigay, waxaase jira dad aan yarayn oo ay xagatimo
iyo turunturooyin kala duwan soo gaareen markii ay is buurteen, waxaa kaloo jira ugu yaran
11 ka mid ah ciidanka Booliska oo dhaawacyo kala duwan qaba, kuwaas oo uu ku jiro ninka
loo magacaabay kusimaha cusub ee qaybta, waxaase ugu daran dhanka dhaawaca nin xabadka
dhagax kaga dhacay oo ku simuhu u sheegay sahan in askarigaasi dhiig mantagay.
Hogaanka guud ee
hawlgalinta ciidanka oo aan waydiinay sababta dhimashada keentay ayaa yiri "dad been
laga soo dhaadhiciyay iyo dad habawsan ayaa na jiiray waxayna isku dayeen in ay hubka
ciidanka Boobaan, taasaana keentay in ciidanku is difaaco, waxaana amaro isdaba joog ah
ciidanka ku siinaa in aysan shacabka xabad ku ridin"
Odayaasha aan
horay usoo xusnay ayaa wasiiradda iyo taliska ka codsaday in wiilasha damaanad loogu sii
daayo, hase ahaatee waxa ay wasiiradda iyo taliyaha Boliisku ku adkaysteen in aan marna la
sii daynayn illaa ay caddaanayso in aysan danbi lahayn, Tifaftiraha Sahan oo shirkaas goob
joog ka ahaa ayaa sheegay in uusan marna ogolaan doonin in dad la soo ijartay ay
bakhtiiyaan nalka kaliya ee ka nool nalalkii Soomaaliya dawladnimadeedii iska lahayd, waxa
kale oo uu taliyuhu sheegay in nimanka xirani horseed ka ahaayeen bililiqo dad masaakiin
ah oo ka dhacday magaalada intii mudaharaadku socday oo gaari kartay haddii aan laga hor
tagin waa sida uu hadalka u dhigaye heerkii Xamar iyo Gaalkacyo ka dhacday 1991kii.
Wasiirka
Maaliyadda oo ka hadlay munaasibaddaas ayaa isna ku dheeraaday qiimaha amnigu ugu fadhiyo
Buntilaan, wuxuu tusaale u soo qaatay dagaalada xamar ka taagan iyo dagaalkii Kismaanyo ka
dhacay oo uu si murugo leh u muujiyay in ay kiciyeen kooxo yar oo danley ah oo aan dadka u
naxayn kadib markii ay belo dhacdana lahayn awood ay wax kaga qabtaan.
Taliyihii qaybta
Gobolka Bari Cabdi Farey ayaa isagana shaqadii laga fariisiyay iyadoo loo aanaynayo in uu
gudan waayay xilkii ka saarnaa sugidda iyo ka hortagga nabadgelyo xumidda sida uu u
sheegay sahan sarkaal ka tirsan Booliska oo codsaday in aan la magacaabin, waxaana xilkaas
si ku meelgaar ah loogu wareejiyay taliyihii saldhigga Dekadda Bosaaso Cismaan Salaad.
Tifaftiraha ayaa
loo diiday in uu eedaysanayaasha wax ka waydiiyo eeda loo qabtay, kuwaasoo dhamaantood ku
xiran Xarunta taliska guud marka laga reebo nin si gaar ah danbi loogu haysto dhaawac uu
geystay.
Cidanka Booliska
ayaa heegan la galiyay waxaana loo qaybiyay ugu yaraan 200 oo qori oo cusub oo ka mid ah
hub aan tiradiise sugnayn oo dhawaan dalka dibadiisa ay ka soo iibiyeen Ganacsato reer
Buntilaan ah, oo qandaraas ka qaadatay dawladda.
Ujeedada
mudaharaadkan loo abaabulay ayaa dhawr aragtiyood oo kala duwan isugu jiray sida ay u
xaqiijiyeen wariye ka tirsan Wargeyska Sahan Axmed Maxamed.
Qabanqaabada
inta badan mudaharaadkan lagu soo abaabulay ayaa waxa ay ahayd mid la xiriirtay sicir
barar xoog leh oo oo beryahan saameeyay guud ahaan dalka Soomaaliya. Kaasoo dhanka
Buntilaan lagu kala duwan yahay aragtiyaha laga kala qabo, dadka indheer garadka ah
intiisa badan ayaa rumaysan in sicirir bararkani ka yimid lacag aad u tiro badan oo
ganacsatada taabacsan Kooxda Carta ugu soo fataheen Dalka.
Dhanka kalena
waxaa jira warar sheegay in mudaharaadkani ahaa qorshe ka yimid dhanka Mudisho oo la
doonayo in lagaga hirgaliyo arimihii ka dhacay Gedo, Bakool, Kismaayo iyo Balcad, oo
dhamaantood Kooxda Carta ku qaaday weeraro ay ku jabeen marka laga reebo Kismaayo oo ay
wali gacanta ku hayaan.
Arin kale oo
dheeraad ah oo ka soo baxaysa Mudaharaadkan ayaa ah in khilaaf ka dhex abuurmay
abaabulayaasha laf ahaantooda oo kala qarsaday lacag sideed kun oo doolar ah oo laga soo
diray Muqdisho, halka qaar kalana ay ka dhirfeen sababta calanka Jabuuti mudaharaadka
maciishada loo soo dhex galiyay.
Sahan
Information Center
Bosaaso Somaliya
[ News] |