19 May 2007 04:20

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News](SAHAN) Wixii Jananku Xabad Ku Waayay Nina Af Kuma Heli Doono 
  • Posted by/on:[AMJ][Friday, February 8, 2001]

5-02-2001
Sahan Information Center
Bosaaso
 
 
"WIXII JANARAAL CAYDIID XABAD KU WAAYAY
 NINA AF KUMA HELI DOONO"
 


Shir muhiim ah oo shalay barqanimadii lagaga wada hadlayay xarunta maamulka gobolka bari siminaar gaabanoo ay xubin ka socoday BBC-da laanteeda tababaradda iyo nin tababare ah oo Soomaali ah oo wehliyay ayaa gudoomiyaha iyo ku xigeenka Gobolka Bari Cali Ciise iyo Ibraahin Carte oo Xaaji Bakiin loo yaqaanaa ku eedeeyeen in BBC-du noqotay afhayeenka Beel ka Mid ah beelaha ku loolamaya siyaasadda Soomaaliya ayna lumisay kaalintii dhexdhexaadnimo ee laga filayay. Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa oo arintan uga waramay wargeyska sahan ayaa sheegay in aan tababarka BBC-du u muuqdo mid ay doonayaan in ay ku wacyigashadaan dad u adeega danahooda, wuxuuna gudoomiyuhu intaas ku daray in ay ururka midowga yurub aydiisan doonaan in la siiyo qaybtii ay ku lahaayeen lacagta nidawga Yurub ugu talo galay in lagu horumariyo saxaafadda soomaaliya oo ah lacag ka badan hal milyan oo doolar. Halka dhanka kalana kulankii Axadda ay Haweenayda BBC-du soo dirsatay ka sheegtay in aysan iyadu wax awood ah ku lahayn waxka badalka mashruucan oo sida muuqata maalgalintiisu 90% ay ku baxayso Muqdisho iyo safaradeeda. Masuuliyiinta Gobolka Bari ayaa waxa ay ku adkaysteen in aysan aqbali doonin haddii aan mashruucan looga qorshayn qayb u dhiganta inta ay ka heleen qaybaha kale ee Soomaaliya, iyadoo arinta ugu muhiimsan ee ahmiyadda mashruucan looga gol lahaa dhanka siyaasadda EU-du ahaa in kor loo qaado tayada saxaafadda Soomaaliya lana abuuro urur ka  dhexeeya saxaafadda Soomaaliya oo leh qalab iyo xarun ku xiriirisa caalamka saxaafadda ee kale ayaa waxa haatan qorshaha BBC-ku ku soo ururay in la
alabeeyo laba xarumood oo ku kala yaal Muqdisho iyo hargeysa, kuwaasoo la geyn doono laba madbacadood ee casri ah iyo ugu yaraan middiiba 6 kumbiyuutar sida ay xaqiijinayaan warar xog ogaal ah. Mushruucan oo BBC-du qandaraas ku qaadatay in ay ku soo gabagabayn doonto muddo sideed bilood ah ayaa waxa haatan ka haray muddo ka yar sideed bilood oo qura iyadoo ay Muqdisho ka hirgaliyeen ugu yaraan afar tababar oo qaarkood yihiin in ka badan saddex todobaad halka Buntilaan illaa iyo hadda lagu qabtay oo kaliya tababar dufantiryo ah oo lix casho ah. Dooda la xiriirta tababarkan ayaa ah mid
masuuliyadeedu isku tuurtuur ku jirto, haweenay u qaabilsanayd dhanka midawga Yurub arimaha saxaafadda ayaa u sheegtay sahan bartamihii sanadkii hore in aysan midawga Yurub wax masuuliyad ah ku lahayn sida Mashruucan loo maamulayo waxayna qeexday in EU xilka mashruucan ku wareejisay BBC-da sida ay u maamushana dib laga eegi doono, sidoo kale wakiilka midawga yurub ee Buntilaan ayaa ku celceliya in amar lagu soo siiyo in uusan fara gashan hawlaha mashruuca ee BBC-du wado, halka dhanka kalana waaxda tababarka ee BBC-du ay masuuliyadda ku riixdo laanta afka Soomaaliga, oo laga qaato talada ugu danbaysa ee arimaha midawga yurub ee la xiriira Soomaaliya, gaar ahaan dhanka wararka iyo wareer galinta. Haweenayda Jarmalka ah ee laanta Tababarada BBC-da ee qaybta Soomaaligu usoo xilsaaratay Arimaha Soomaaliya ayaa waxa ay Sabtidii u timid magaalada Bosaaso in ay Buntilaan ka fuliso laba qorshe oo midka muhiimka ahi  qarsoodi yahay, kan kalana yahay tababar nuxurkiisu yahay waxa ay  Soomaalidu u taqaan "Dawacoy af ku dufanleey" Danta kale ee dahsoon ee muhiimka ah ee la tuhunsan yahay in ay qorshahan ku qarsoon tahay ayaa ah in la helo, shaqsiyaad si gaar ah loogu adeegto oo u hiiliya qadiyadda   caydiid ka dhintay, isagana biilkiisa loo qoro., warar kale oo runta u dhawna waxa ay sheegayaan in qaar ka mid ah masuuliyiinta Buntlaan loo soo dhiibay xoogaa sooryo ah si ay u meel mariyaan mashruucan oo haddii uu Buntilaan ka fashilo BBC-du ku waayayso kalsooni fara badan oo ay wadamada deeqda bixiya kaga heli lahayd mashaariic kale oo kuwan oo kale ah oo la ay ka faa'iidayso Boqolaal kun oo Doolar.  Waayadan danbe inta badan ee dalka aad ayaa loo dhaliilsan yahay habka caadifadda qabiil ka dhex muuqato ee ay BBC-du uga faalooto ama uga waranto arrimaha Soomaaliya. mid ka mid ah dhageystayaasha BBC-da oo
galab galbaha ka mid ah ka carooday laba war oo ku saabsanaa Buntilaan iyo Kismaayo ayaa yiri "Wixii janaraal caydiid xabad ku waayay Nina af kuma heli doono" kulankii Goobolka Bari ee Axadda 4tii bishan ayaa haweenaydu kaga dooday in la kala qaado war baahinta BBC-da iyo tababarkan ay wado waxayna intaas raacisay in aan tababarkani wax lug ah ku lahayn hawlaha laanta af Soomaaligu baahiso. Hase ahaatee sida ku cad waraysi ay haweenaydani siisay wargeys ka soo baxa muqdisho oo ka faalooda arimaha qoyska oo waraysi lala yeeshay waxa ay u sheegtay in shaqada hadda ay hayso uu Yuusuf garaad ugu yeeray iyada oo UNDP u shaqaysa, waxa kale oo ay isla waraysigaas oo uu la yeeshay nin dhalinyaro ah oo aad u firfircoon oo la yiraahdo Ingiriis haatana u warama shabakadda internetka ee Hiiraan ay aad ugu amaantay Yuusuf Garaad in uu yahay nin suxufiyiinta kale baro dheer. Waxa kale oo intaas dheer in idaacaddu noqotay meel lagu colaadiyo ciddii runta sheegta ama tiraahda cadaalad ayaa loo baahan yahay. Qormooyin danbe ayaa kaga hadli doonaa xogga badan oo la xiriira hannaanka shaqo ee BB-da haddii aan wa iska badalin, waxayse tahay mida ugu danbeysa ee aan jeclahay in aan iraahdo sadexda dhinac ee ay arintani khusayso ayaa ah; ugu horayn Ummadda Soomaaliyeed ayaan oranayaa Idaacadda BBC-da ma laha Soomaalidu, mana laha cid Soomaalida jecel, ee waxaa leh dalka Ingiriiska oo ugu talo galay in uu ku ilaashado danihiisa waxtarka u leh dadkiisa, in dano qabiil oo heerar hoose ah ay inta markaas ka shaqaysaa ku kala fushadaana waxa ay keenaysaa in ay kala fogeyso dhinacyada Soomaalidu cuqdadaha u
kala qabto, iyadoo dhinac farxad ka helayo war eex loogu sameeyay oo dhinac kalana ka gubanayo, taasoo laga yaabo in ay tahay danta hab gumaysiga cusub. Midawga Yurub waxa la gudboon in aysan lacagtooda ku bixinin wax cadaawad aan dhamaan mustaqbalka dhex dhiga Soomaalida iyo dadka cadcad oo reer Yurubku ugu horeeyaan. Ugu danbayntiina waxa aan reer Buntilaan leeyahay waxaa idinla gudboon in aad qaadataan xigmadda ah "xaabo aan ninka soo guray aqaan ninka sida waxba igama galin si aan cudur iyo nacayb fog na idiin kala dhex dhigin idinka iyo walaalihiina kale ee Soomaaliyeed.

[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:08 AM. Webmaster HomePage