19 May 2007 04:19

SOMALIA WATCH

 
Column
  • Title: [SW Column](Saadiq Eenow/4-aad) Halgankii Y. C. ee Fartii Cismaaniyada 
  • Posted by/on:[AMJ][Sunday, April 15, 2001]

 

SW will dedicate the month of April as Somali History Month. As such, we will periodically delve into our extensive archive and bring to you, our esteemed netters, undiluted historical works.  Please help us to compile such historical data before the likes of Siyad Barre, colonial powers and authors of colonial product and mindset keep such historical procedures under wraps to the extent of concealing their existence.

Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.


QAYBTII 4-AAD
  

" ............. . Musiibooyinkii inagu dhacay sabab uma eeyan noqon inaannu ka qaxno dhulkan aan waxsoosaarka laheyn, dhulkan uu ku yaryahay kheyraadka dabiiciga ah. Hantideenaas xaddidan waxaa qaabiley oo halkii bannaaneeyd buuxiyey awoowayaasha aanu kuŽabtirsanno, kuwaas oo waxyaabahaanu ka dhaxalney ey kamid yihiin dhaqan iyo ruux aad u sarreeya oo aanan marnaba laqiimeyn karin : Hal gacanna wexey inagu bareen diinta islaamka gacanta kalena wexey inagu bareen ku luuqeynta suugaanta soomaaliyeed. Waxaa intaasi dheer in awoowayaashaya

ey horumariyeen farsamada xoolo-dhaqashada, taas oo dhaqan gelinteeda eeyan aheyn mid sahlan. Arrintaasina wexey kuu muujineysaa sida xikmadda leh oo ey uga faaŽiideysteen xoogaaga yar ee hantida ah oo ey heysteen. Waa farsamadoodii waxa aan maanta ku noollahay, iskaashigii dhexmari jirey ee deeqsinimada lahaa oo ey ummadaha adduunka kaga duwanaayeen. Arrimahaasi waxaanu u dejineynaa aasaas cusub innaga oo tixraaceyna madaxbannaanideenna iyo dimoqraadiyadda dastuurkayaga si aannu barwaaqosooran ugaarsiinno facaha soomaaliyeedee mustaqbalka, mid ruuxi ah iyo mid maaddi ahba. ............ ".

Cabdirashiid Cali Shermarke,

Khudbad uu ka jeediyay barlamaankii Soomaaliya

bishii Jenaayo, 1961-kii

 

Aragtidaas (Super Nationalist) ah ayuu doortey raŽiisul wasaarihii ugu horreeyey ee soomaaliyeed in uu siyaasaddii dalka ku jaheeyo. Waxaa aragtida ceynkaas ah la qabey dhamaan siyaasiyiintii Daarood (gaar ahaan Majeerteen), iyaga oo sida la maleynayo ka duulayey dhulka maqan oo intiisa badan ahaa dhul Daarood. Xeyle Salaase aad ayuu arrinkaas uga argagaxsanaa, waxaase marwalba qaboojinayey siyaasiyiinta dalalka reer galbeedka oo u muujinayey in ey si buuxda u garab taagan yihiin dowladda boqortooyada ah. Sidaa darteed baa dowladdii soomaaliyeed wexey u janjeersatey xaggii dowladdii Midowg Soovyeeti. Markii ey siyaasaddii dalka yeelatey weji muuqda oo la akhriyi karo, waxaa arrinkaas ka dhashey xiisado culculus oo si xooggan daah u saarey loollankii xuruufta. Qeybtii hore ee sanadihii 1960-aadkii, xiisadihii jirey waxaa ugu waaweynaa afgembigii ey isku deyeen dhallinyaro saraakiil ahaa ee reer waqooyi ah iyaga oo doonayey in ey Soomaaliya ka dhigaan labo gobol, xubnihii ! ! barlamaanka ee waqiiyga matalayey oo dhammaantood is casiley, heshiisyadii ey dowladdu la dhigatey dalkii Midowga Soofyeeti, duulaankii ey Itoobiya ku soo qaaddey Soomaaliya, gobolka N.F.D. ee noqdey gobol kamid ah Keenya, dagaalladii N.F.D., qaxootigii badnaa ee ka yimid Ogaadeenya iyo N.F.D., Maxamuud Xarbi oo xafiis laga siiyey Xamar, Maxamad Ibraahim Cigaal iyo Cabdullaahi Ciise oo si wada jir ah u dhistey hal xisbi oo la yiraahdo S.N.C. (Somali National Congress) kaasoo aanan laheyn wax barnaamij ah oo horey ugu degsanaa.

Doorashadii dalka ka dhacdey sanadkii 1964-kii kaddib, madaxweynihii dalka Aadan Cabdulle Cismaan wuxuu raŽiisulwasaare u doortey Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. Cabdirisaaq wuxuu ahaa nin ey dadweynuhu hadalladiisa jeclaayeen oo aftahan ah oo ey u sahlaneyd hadal helista. Cabdirisaaq tabartiisa oo idil wuxuu isugu geeyey si uu u hagaajiyo howlaha loogu adeegayo dadweynaha (civil service). Si aad ah buu wuxuu uga hadli jirey falfal-xumida uu laalushku kamid yahay oo ka dhaca xafiisyada dowladda gudahooda iyo shaqada laga sagsaagayo. Cabdirisaaq muddadii uu masuulka dowladeed ahaa wuxuu siŽaad ah isugu taxallujiyey in la helo xuruuf soomaaliyeed oo qoran. Laakiin isaga iyo Cabdirashiid midkoodna kuma dhiirran in ey Yaasiin Cismaan gacan ku siiyaan risaaladii uu sidey ee xuruuftii Cismaaniyada, iyagoo labaduba ey yiqiineen xuruuftaas oo illaa iyo halgankii bilowgii halgankii Leegada ey sheekadeeda la socdeen. Taasina la yaab malahan oo xilligaas waxaa shaac baxadey hadal lagu muujinayey in laba nin oo ilma adeer ah ey isaga dambeeyeen hoggaankii dowladdii ugu horreysey ee Soomaaliya ka dhalata (marna Rashiid marna Risaaq, inta kale ma rootiyaa). Bulshada soomaaliyeedna waa bulsho qofku uusan laheyn qiimo shakhsiyadeed (persional value), balse qof kasta qiimihiisu waa aragtida reerkiisa laga qabo. Haddaba waa muuqataa, Cabdirashiid iyo Cabdirisaaq doorashdii uu Aadan Cabdulle doortey in ey ku khasbanaadeen in ey si xeelad leh ey wax ku wadaan.

22/ 5- 1969-kii, wargeyska Somali news wuxuu soo qorey hadal uu ka soo xiganayey Cabdirisaaq X. Xuseen oo ah :

" Waa in aannu noqonnaa kuwo nafac leh (Pragmatic). Waa in aannu ka fekernaa ninka maalin walba luqad qoran isticmaalaya. Ninkaasi xuruufta uma arko wax uun qurxoon sida daahyada aqallada oo kale ama billadaha leysa siiyo ". 

Cabdirisaaq yoolkiisu wuxuu ahaa af-soomaali qoran in lahelo. Sidii Cabdirashiid buu arrintii u xilsaarey wasiirkiisii waxbarashada Keenadiid Axmad Yuusuf (Ajuuraan-Hawiye). Keenadiid, kaddib markii uu la tashadey raŽiisul wasaarihii ayuu casumey rag khubara ah oo ka socda heyŽadda caalamiga ah ee waxbarashada UNESCO. Waxaa la qorsheeyey in raggaasi ey inta diraasad sameeyaan kaddibna ey noqdaan guddi bud-dhigayaal xuruufta af-soomaaliga lagu qori doono.

Bishii maarso 1964-kii waxaa gegida dayuuradaha ee Xamar ka soo degey khubaradii ka socotey UNESCO Waxaa khubaradaas kamid ahaa B. W. Andrzejewski, S. Strelcyn iyo J. Tubiana. Kooxdii laŽoran jirey Xaajiyaal oo u doodi jirey xuruufta carabiga wexey bilaabeen in ey mudaaharaadyo xogg leh oo ey ku diiddan yihiin howlaha guddigan cusub ey Xamar ka dhigaan. Xaajiyaal dhamaantood waa la xirey. Raggaas la xirey waxaa u weynaa Xaaji Diiriye oo ahaa ninkii aasaasey kooxda Xaajiyaal.

Imaatinkii ragga UNESCO ka socda wuxuu dib u soo nooleeyey xiisaddii jirtey ee xuruufta. Ragga u doodayey carabiga iyo kuwa u doodayey cismaaniyada labaduba waxaa u muuqatey natiijada ka soo baxeysa imaatinka guddigan looga yeertey

UNESCO. Waxaa bilowdey doodo heer qaran ah. Doodahaasi wexey ahaayeen kuwo aad u kulul, wexeyna gaareen meel eeyan weligood gaarin. Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal (wuxuu xiriir saaxiibtinimo la lahaa Andrzejewski oo guddiga lasocda) isaga oo matalayey koox dhallinyaro ah buu waraaq u direy guddigii UNESCO ka socdey, wuxuuna u sii mariyey wasiirkii waxbarashada. Muuse waraaqdiisaas wuxuu ku caddeeyey in fartii uu Shire Jaamac qorey oo laatiinka aheyd ey tahay midda uguna camalisan (practical) uguna haboon (objective). Muuse wuxuu ahaa macallin sitey dhaqan reer miyi, caqli badan, gabyaa, hal-kujoogsina leh. Sidaa darteed baa wafdigii UNESCO waxaa ku adkaadey in laqiimeeyaan inta uu Muuse X. Ismaaciil uu daacadda ka yahay hiillada uu siinayo xarfaha laatiinka ah. Waxaa Muuse sidaas u tilmaamey David D. Laitin (politics, language and thought - pp. 109).

Sanadkii 1954-kii Muuse wuxuu qorey maqaal uu ugu magac darey Jihadii Islaamka (Islamic Quarterly), wuxuu qoraalkiisaas ku ayidey raggii u doodayey xuruufta carabiga. Mar kale, sanadkii 1955-kii, fadhigii dhaqanka ee labada gobol ee koonfur iyo waqooyi ey Xamar ku yeesheen, Muuse wuxuu aad isu garabtaagey farta Cismaaniyada. Sanadkii 1961-kii Muuse isaga oo kamid ah masuuliintii guddigii ey dowladdu u magacawdey in ey soo diyaariyaan xuruuf afka soomaaliga lagu qoro, wuxuu muujiyey in uu taageersanyahay farta laatiinka. Muuse waa nin eeyan dooddu wax u dhimin. Muddadii xornimada la heystey inbadan buu Muuse dibadda u dhoofey. Waddamada uu safarka ku tegey waxaa kamid ahaa dalka Shiinaha iyo waddankii laŽoranjirey Midowga Soofyeeti si uu wax uga ogaado qaabka ey u egyihiin luqadahoodaha dalalkaas. Si argti dheeri ah buu wargeysyada ugu soo qori jirey waxyaabaha uu soo kororsado. Laakiin qoraaladiisaas hal cillad bey lahaayeen, wexeyna aheyd iyada oo ey ku badneed aaraada isk! ! a horŽimaaneysa.

Xiriirkii u horreeyey ee uu Muuse la yeeshey guddigii ka socdey UNESCO wuxuu ahaa in uu isbaro si uu ugu sheego aqoonta iyo khibradda uu u leeyahay howshan. Waxaa kale oo uu u gudbiyey guddigii aragtiyaal (broadcasting) ku saabsan luqadaha, madbacadeentooda, far ku-qoristooda, iyo uŽadeegsigooda dhanka tellegaraafyada. Waxaa suurtogal ah in Muuse xilligaas waxbadan uusan ka aqoonin aragtiyaalka uu ka warramey, laakiin arrinka jirey oo Muuse dhiirrigelinayey in uu sidaas wax u soo qoro baa wuxuu ahaa, soomaalida oo uu ka badiyey waxa uu ka hadlayey. Kaddib Muuse wuxuu ka warramey in uu quraanku muhiim yahay in lagu barto afka carabiga. Wuxuu aad u eedeeyey dowladdii laŽoranjirey (Jamhuuriyadda Carabta Midowdey) oo ah dowladda Masar. Wuxuu si gaar ah u tilmaamey wargeyska Al-Ahraam iyo kuwo kale in ey ka dambeeyaan in xuruuf ta af-carabiga lagu qoro af-soomaaliga. Muuse wuxuu caddeeyey in Masaaridu ey kaalmo ah la taliyayaal farsamooyinka (technical assistence) siiyaan soomaa! ! lida, uuna yahay dal saaxiib nalaŽah. Muuse wuxuu ku tilmaamey dhaqanka dowladda Masar in uu yahay mid iska leh qaabka gumeysiga cusub (new colonialism) oo kale. Wuxuuna uga digey in masaaridu iyaga oo loo arko walaal curad ah misana ey qaabkaas ula dhaqmaan dowladihii soo korayey. Ugu dambeyntii wuxuu eedeeyey nimanka Masar u fadhiya J. Q. K., wuxuuna tilmaamey in ey ku shaqeeyaan siyaasadda noocan aanu soo sheegney ah oo ey dowladoodu qabto. Wraaqdiisii inta ka hartey wuxuu Muuse uga doodey xuruufta carabiga iyo kuwa Cismaaniyada halka ey ka liitaan.

23/3-1966-kii (Corriere della Somalia) waxaa ku soo baxay maqaal muujinaya aragtida ey dowladdu ka qabto howshan. Waxaa qoraalkaas kamid ahaa " Aragtida ey dowladda soomaaliyeed qabto wuxuu yahay in talooyinka ey dowladda Masar ka dhiibanayaan howshan ey tahay mid aanan sal iyo aasaas laheyn, waana mid faham aana sax aheyn ka bixineysa dhibaatada jirta ".

Jawigii siyaasadeed wuxuu noqdey mid cakiran. Maxamad Xaaji Axmad Cali oo ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada ayaa wuxuu soosaarey waraaq xafiiskiisa ka soo baxdey 22/3-1966.kii, taas oo uu aragtidiisa kaga hadlayey. Agaasimuhu wuxuu waraaqdiisaas ku caddeeyey in halgankii daraawiishta uu ka bilowdey fartii laatiinka aheyd oo loo isticmaaley af -soomaali, taas oo dhacdey xilligii kala guurkii labadii qarni (19-aad iyo 20-aad), arrinkaasina wuxuu ka dhacay magaalada Berbera. Haddaba , haddii ey dowladda maanta jirta ey isku deydo in ey xayeeysiis u sameyso xuruufta laatiinka ah, taasi waxaa ka dhalan kara dagaal kii daraawiishta lamid ah. Arrintaas uu wasiir ku xigeenku qorey wexey ka dambeysey argtida uu qabey oo aheyd in uu u doodo afka carabiga, taasina wexey ku saleysantahay diin iyo dhaqan. Agaasimuhu wuxuu qorey : " Aanu dhammaanteen si cad u oggolaano in xuruufta laatiinka ahi oo af-soomaali lagu qoro ey tahay mid bedeleysa dhaqankayaga, waxaana suurtagal ! ! ah in mustaqbalka ey diintayada bedesho iyo mustaqbalka taariikheed ee Soomaaliya ". Cabsida ugu weyn ee uu agaasimuhu muujiyey wexey aheyd in haddii af-soomaaliga lagu qoro xuruuf laatiin ah ey markaas dhici karto in quraankiina laatiin lagu qoro. Maxamad Xaaji Axmad, markii loo simo dowladda iyo Muuse X. I. Galaal wuxuu u dhowaa Muuse oo uu saaxiib laŽahaa, wuxuuna oran jirey : " Muuse waa saaxiib aannu isku kalsoonnahay ". Waxaase dhacdey in maalin Muuse oo meel gole ah ka hadlayey in uu ku yiri : " khaladka uu Muuse gelayo (difaaca laatiinka) waxaa u aasaas u ah aqoonta uu quraanka u leeyahay iyo isaga oo aanan afka carabiga aqoonin ". Waxaa xilligaas iyadana si aad ah loo hadalhayey farta Cismaaniyada oo calan sidayaasheedu aanan ka dood iyo howl yareyn midka ey ragga carabigu wadeen. Waxaa dhici jirtey in mararka qaar ey doodaha iyo iska horŽimaadku uu dhex marayey labada kooxood ee u doodaya carabiga iyo Cismaaniyada.

23/3-1966-kii Dr. Maxamad Jaamac Maxamad (Afballaar) baa maqaal ku soo qorey (Corriere della Somalia). Maqaalka Afballaar wuxuu si aad ah u fogeeyey xuruufta carabiga ah wuxuuna ku tilmaamey mid ey wataan rag xamaasadeysan (fanatics) oo wadaaddo ah. Wuxuu sheegey :

" In haddii leys-barbardhigo Cismaaniyada iyo laatiinka, markii lagaŽeego farsamada ku dhawaaqista, waxaa qaranka soomaalida uu ku midoobi karaa farta Cismaaniyada ".

Markii ereyada kulul Muuse lagu yiri, dhowr maalmood dabadeed, dowladdii soomaliyeed wexey soosaartey wareegto ka hadleysa mowduucyadii horey leysugu heystey ee ku saabsanaa af-soomaaliga qoristiisa, wexeyna tilmaamayeen warar leysla dhexmarayey oo sheegayey in ey jiraan canaasir ka dambeeya mudaaharaadyo la damacsan yahay in Xamar laga dhigo, kuwaas oo lagu doonaya in la khalkhal geliyo nabadgelyada iyo nadaamka haddii afka laqorayo uu noqdo mid diinta ka soo horjeeda. Qoraalka ey dowladdu soo saartey wuxuu xusey qodobka 1-aad ee dastuurka dalka u yaal in uu yahay " Diinta dowladdu waa Islaam" , waxaa kaloo uu xusey qodobka 50-aad oo isna sheegaya " mabaadiida sharciyada dowladda, waxaa aasaas u ah caqiidada islaamka ", sidaas darteed bey dadweynaha soomaaliyeed u difaacayaan dastuurkooda Dowladdu wexey adkeysey in dadka la soo doortey ey yihiin kuwa dastuurka difaacaya, oo eeyan kuwa wax booriya aheyn kuwii dastuurka difaaci lahaa, dastuurkana wax ilaalo ah uusan uga baa! ! hneyn raggaas. Dowladdu si xoog leh bey uga digtey in masaajiddada oo guri cibaado ah eeyan isu bedelin meel siyaasadda dalka lagaga doodo. Ragga xilligaas mudaaharaadyada abaabulayey wexey ahaayeen rag wadaaddo ah, halka ey isku boorin jireenna waa masaajiddada. Waxaa in la xuso mudan in wadaaddada intooda badan farta ey diidanaayeen ey aheyd farta laatiinka oo ey gaalnimo u arkeen. Inkasta oo ey u doodayeen xarfaha carabiga misana kama eeyan didsaneyn xarfaha Cismaaniyada. Sababtauna wexey aheyd ninka qorey (Cismaan Yuusuf) oo qudhiisu ahaa nin wadaad ah.

Guddigii UNESCO ka socdey qaabka ey wax u wadeen wexey ku saleeyeen, sida uu sheegey Muuse Galaal oo la wareystey, sidatan : " Xuruufta la dooranayo sideeduba waa in lagu doortaa iyaga oo laga eegayo xagga sahlanaanta, adkaanta, tayada fartu leedahay iyo xag dhaqaaleba ". Natiijadii guddiga wexey soo baxdey iyada oo ey dowladdii isbeddeshey. Inkasta oo uusan guddigu farna magacaabin, misana waxaa u muuqatey oo ey xuseen xannibaadyo badan haddii la qaato xuruufta soomaalidu sameeyeen sida Cismaaniyada ama carabiga.Guddigu wexey xuseen in aanan wax dhibaato ah lagala kulmeyn (xag farsamo iyo xag aasaas dhigidba) haddii xarfaha laatiinka ah la doorto. Maxamad Ibraahim Cigaal oo raŽiisulwasaare dalka kaŽahaa xilligaas, waa ka gaabsadey arrinta ku saabsaneyd qorista afka soomaaliga, siduu horeyba uga gaabsadey sanadihii ka horreeyey intuusan masuulka dowladeed noqon.

Markii uu dhacay guddoonkii guddiga, natiijadiina la baahiyey, Xirsi Magan Ciise wuxuu u safrey dalka mareekanka si uu tacliintiisii sare u soo dhameysto. Xirsi oo ahaa ragga sida xoogga leh ugu dooda farta Cismaaniyada, isaga oo ka walwalsan taageerada tooska ah oo ey UNESCO siineyso ragga u doodaya xuruufta laatiinka ah, iyo iyada oo guddiga UNISCO uu garbaduub ku qabtey raggii watey aragtiyaalkii kale, weliba iyaga oo matalayey heyŽad caalami ah tii ugu weyneed, Xirsi wuxuu waraaq u qorey xogheyahii guud ee J. Q. K. wuxuuna ku yiri :

 

" Isaga oo adeegsanaya magaca UNESCO, ayuu Akhtaar Xuseen (waa nin Pakistaan ah oo hoggaaminayey guddigii UNESCO ka socdey) si sir ah ula shaqeeyey canaasir ajnabi ah oo ey qaarkood Mareekan yihiin, kuwaas oo u shaqeynayey heyŽad warbaahin oo la yiraahdo U. S. Information Agency, kuwona ey talyaani yihiin, iyo kuwo kale oo isku sheegaya in ey wax ka yaqaaniin cilmiga luqadaha (pseudolinguistis) oo u dhashey Ingiriis, kuwaas oo isu kaashadey in ey cadaadiyaan fartayada aannu leenahay, wexeyna doonayaan in ey roomaaneeyaan (romanize) af soomaaliga … " .

 

" Waxaa iyaduna jirta in dadweynihii deganaa magaalada Xamar ey isla dhexmarayeen in af-soomaaliga dhowaan la roomaaneyndoono waxa howshaas kharaj ku bixinayana ey tahay UNESCO !. Dadku wexey isweydiinayaan UNESCO maŽey diyaarisey wax kaalmo ah oo ku saabsan in af-soomaaliga la qoro. Maxaa farta roomaanka leynoogu khasbayaa oo xuruuftayada loo diidayaa ".

Markii uu Xirsi Magan Soomaaliya ku soo noqdey waxaa uu bilaabey in uu dagaal ku qaado Farta laatiinka. Qoraaladiisii wuxuu ku xusey labo nin oo lakala yiraahdo Mark Twain iyo George Bernard Shaw in ey labaduba ku jiraan howl adag oo ey ku doonayaan in xuruufta laatiinka lagu dhigo afka soomaaliga. Waxaa uu tilmaamey in ey jiraan dowlado sida Jabaan, Shiino iyo Ruushka, kuwaas oo gaarey horumar weyn iyaga oo aanan far laatiin ah laheyn. Halka ey burtuqiiska iyo Asbaanishkuba iyada oo ey xuruuftoodu tahay laatiin, misana kamid ah dowladaha laga hormarsanyahay. Ugudambeyntii Xirsi wuxuu adkeeyey in si xoog leh looga hortago si uusan laatiinku ugu guuleysan Soomaaliya. Wuxuuna qoraalkiisii ku khatimey faaŽiidada Xagga dhaqanka ah ee soomaalida ugu jirta in farta Cismaaniyada ey u doortaan mid afkooda ey ku qorataan, taas oo ey u weyntahay in uu nin soomaali ah dejiyey.

Xirsi Magan Ciise november 1967-kii . 

Xirsi Magan waa nin firfircoon oo karti badan. Xilligaas wuxuu guddoomiye ka ahaa heyŽad madax bannaaneyd ee laŽoran jirey bulshada af-soomaaliga iyo suugaanta (society for Somali language and literature), wuxuu ku dadaaley in uu helo dhowr makiiinado-qoraal ah oo farta Cismaaniyada wax ku qora. Wuxuu damacsanaa in uu helo madbacad wargeysyada ku soo saarta farta Cismaaniyada. Wuxuu waraaq u direy urukii Leegada iyo golihii laŽoran jirey (National Advisory Congress), wuxuu ku yiri : 

" Waxaad soo iibisaan taangiyo iyo miigag, laakiin weli nooma eeydnaaadan soo iibin waxyaabaha dhaqankayaga ilaalinaya sida madbacad oo kale ……". 

Sidaas buu Xirsi illaa iyo maanta uusan uga suulin in uu u halgamo farta Cismaaniyada, Muddo kabadan nus qarni ayuu weli u taaganyahay oo uusan marna firaaqeyn booskiisa hormoodka ah.

 

 

 


[Column]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:07 AM. Webmaster HomePage