Wareysigii uu wargeyska la yeeshay Dr.
Axmed Xaaji Maxamed todobaadkii aan soo dhaafnay
by BAYDHABO PRESS
Wareysigii uu wargeyska Baydhabo Press todobaadkii hore
la yeeshay Dr. Axmed Xaaji Maxamed isga oo jooga Baydhabo qeybtisi
kowaad
BAYDHABO August 4, (BP)-Waxaan idin soo gudbin doona wareysi aan
todobaadkii hore la yeelanay Dr. Axmed Xaaji Maxamed isaga oo
waqtigaas dalka ka dhofayey wareysigiina waxaa uu dhacay sidtan:
BP: Dr. Axmed waxaan marka hore kugu mahad celinaynaa
fursadaan aad na siisay, intaas ka dib waxaa lagugu tiriyaa dadka
sida aadka ah uga soo horjeeda shirka Carta, wax iska badelay miyey
jiraan mawqifkaagi hore ee aad ka taagneyd shirka Jabuuti?
Dr. Axmed Xaaji Maxamed: marka hore waxaan salaan u
gudbinaya bahda wargeyska Baydhabo Press oo runtii qabtay shaqo aad
u wanaagsan. Intaas ka dib maya ma jiraan wax iska badelay
mawqifkaad igu ogeydeen, bacdamaa qaabka uu shirku u socdo aysan wax
iska badelin.
BP: Dr. Axmed maxaad ku dhaliil laysa shirka oo aad ku
diidantahay? wax talo ah ma ka dhibatay si loo saxo dhaliil lahaas
aad aragto?
Dr. Axmed Xaaji Maxamed: waxaan filayaa in aad la socotaan
waxyaabaha aan ku dhaliil sanahay shirka Carta, oo ay ugu horeyso
dhismaha dawlad aan loo marin dariiqi saxda ahaa, dawlada la rabo in
Carta lagu soo dhiso waxba kama duwana dawladihii hore ee Somaaliya
ka jirijiray ee laga dhaxlay cadaalad darida iyo maamul ku dhisan
dulmi, sidaas darteed dawlad kasta oo la rabo in ay Somaali ku
gaarto horumar iyo cadaalad waa in loo maraa habka ku saleysan
[Building Block ama Botom-up -approach] iyada oo weliba la xadiidayo
tirada dawlada Federaalka, gobolada la kala haystana looga baxaa si
nabadgelyo leh sii ay u dhismaan maamul goboledyo ka dibna
maamuladaas ay isu yimadaan oo wada sameystaan dastuurkii iyo
dawladi dhexe. Arimahaas waxaan u sheegay Madaxweynaha Jabuuti Md.
Ismaaciil Cumar Gelle waqti hada laga joogo sanad oo ku aadaneyd
markii uu soo bandhigay qorshihiisa nabadeynata Somaaliya, waxaan
aad ugu adkeyay in iyada oo aan degaanka Banaadir lo sameyn maamul
goboled lagana bixin gobolada la iska haysto aan shirweyne
Somaaliyeed la qaban labadaas arimood oo qeyb ka ahaa taloyinkaygii
waxba lagama soo qaadan shirkiina waa la qabtay.
BP: Dr. Axmed ma waxaad diidan tahay in ay Somaaliya yeelato
dawlad? sidee baad u aragtaa caasimad noqonshaha magaalda Baydhabo?
Dr. Axmed: Maya walaal ma diidani in la helo dawlad
Somaaliyeed oo ku dhisan Cadaalad ee waxaan diidanahay dawlad loo
adeegsado sidii dad Somaaliyeed logu dhibaatayn lahaa sidii horeyba
u dhici jirtay, dawlada aan rabo waa mid ku dhisan isixtiraam,
cadaalad iyo horumar taasna waxay leedahay wado loo maro shirka
Jabuutina ma qaadin wadadaas, dadka ka danbeya shirka Jabuuti waa
kooxo ku guul dareystay in ay goboladoda maamul u sameyaan, isla
markaana ku fakiraya in ay Somaali oo dhan maamulaan, taasna waxaa
tusaale kugu filan labo nin o hada uu taagan musharaxnimada
madaxtinimada dalka waa C/qaasim iyo C/laahi Cadow in ay ilma
adeeradoodna ay xamar ka degi la,adahay iyo meelo kaleba waa Caydiid
iyo Caato oo weli qoryihii wata, marka kuwaas iyaga ah waxaa dhib ku
noqotay Somaali kale oo ismaamushay oo degaankoodi xasilisay
maamulna u sameystay, mida kale diidmada shirka iyo taageradiisa
laguma qiimeyn karo shakhsiga Somaaliyeed ee waa in lagu qimeyaa
waxa uu ku diidanyahay ama ku taagersanyahay maxaa yeelay waxaa jira
kuwa shirka taagersan oo u taagersan oo kaliya sidii ay danahooda
shakhsiydeed uga gaari lahayeen, isla kuwaas taagersan waxaa ka mid
ah kuwa rumeysan in ay wax wanaagsan ka soo bixin karaan shirka
balse waa laga badanyahay, dhanka kale waxaa jira kuwa shirka diidan
oo u diidan oo kaliya danahooda gaar ahaaneed sida kuwa xamar ku
harsan, isla kuwaas diidan waxaa ka mid ah kuwo u diidan oo rumeysan
in sida wax uga socdaan Jabuuti in aysan sax ahayn dhibna keeni
karto balse jecel dawlad Somaaliyeed oo cadaalad ku dhisan. Marka
Somaalida wanaagsan shirkana waad ka helaysa oo waxay rabaan in ay
gudha wax ka saxaan, banaankana waad ka helysa iyaga oo isleh waxaad
wax ka sixi karta dibada sido kale kuwa xun xun ee dhibka wada
shirkana wey jogaan dibadana wey jogaan.
Caasimad noqoshada Baydhabo waa mid go,aankeedu ay leyihiin
dadweeynaha reer Baydhabo iyo maamulka RRA ee ka taliya degaanadaan.
BP: Waxaan jeclaan lahaa oo kale in aan ku weydiyo sida aad u
maleyn kartid dawlada la rabo in la keeno Baydhabo in ay ku hirgeli
karto?
Dr. Axmed: ima aadan weydiin sidaa aan u arko dawladaas la
yiri waxaa la keenaya Baydhabo marka waxaan ka hadlayaa kaliya
su'aashada oo la xiriirta oo kaliya malaha, run ahaanti dawladaas
hadi ay taagero buuxdo ka hesho maamulka iyo dadweeynah gobolkan
waxaa dhici karta in ay shaqo gasho, waase hadii lagu sharfo oo u
martigaliyo maamulka RRA hadii kale waxaaba dhacaysa in aysan soo
dhaafin Jabuuti.
Waxaa wareystay
Maxamed C/raxmaan
(BAYDHABO PRESS)