- Title: [SW Country](Garowe-PL) WP 56
- Posted by/on:[AAJ][16 Aug 2000]
Warsidaha Puntland
Tirsi 56
13 Aug 2000
Garowe – Puntland
Warsidaha Puntland Tirsi 56
Axad 13 August 2000
Waa Todobaadle 2 jeer ay soo saarto
Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland
T U S M A D A
BOGGA
4AAD
WAFDI KA SOCDA URURKA MIINO BAARISTA CAALAMKA OO YIMID PUNTLAND BOGGA
2AAD
XOOLO DHEDIG AH IYO DUURJOOG LA DAMACSAN YAHAY IN LA DHOOFSHO BOGGA
2AAD
DABAYLAHA GANACSIGA EE KA DHACA SOOMAALIYA BOGGA
4AAD
BANAAN BAX KA DHACAY CARTA BOGGA
2AAD
URURKA HAWEENKA GOBOLKA BARI BOGGA
3AAD
KA HORTAGA CUDURKA DUUMADA BOGGA
3AAD
XAQIIQDA JIRITAANKEENNA BOGGA
5AAD
SHIRKA HOROO LAGU HESHIIN WAAYAY HOOSTU KA SIIMARAY KANAAD CARTA
KU HAYSAANE BOGGA 6AAD
DANTI-MOOGE MARO DUUG AH HORTEEDUU DHAMMAADA BOGGA
6AAD
QAADKA IYO SOOMAALIDA BOGGA
7AAD
RUNTII CARTA!! MA LA ARKAY? BOGGA
8AAD
JAGOOYIN BANAAN BOGGA
8AAD
_____________________
WAFDI KA SOCDA URURKA MIINO BAARISTA CAALAMKA OO
YIMID PUNTLAND.
PUNA Garoowe 10/8/2000
Waxaa dhowaan yimid, caasimada Puntland ee Garoowe
wafdi ay hoggaaminaysay gabadha la yiraahdo Judy Graysan, oo ka
socotay Ururka miino-saarka adduunka ee Xaruntiisu tahay magaalada New
York ee dalka Mareykanka, Wafdigaasi waxay daba socdeen kormeero hore
loogu sameeyay xagga miino-saarka Puntland, Agaasinka Guud ee
miino-saarka, dhaqan-celinta iyo dib-u-dejinta Puntland, Mr Maxamuud
Soofe Xasan, oo isna ka warbixiyey qaabka hawshaasi oo socon doonta,
wuxuu sheegay in qaabka miina saarka loo qaybiyay seddex qaybood,
laakiin Annagga waxaa na khuseeya haddaanu nahay Puntland, qaybta
koowaad oo bilaami doonta bisha Oktoobar ee sannadkaan.
Waxaana weeye, sahaminta dhulka lagu tuhunsan yahay
miinada, taasoo ah in lagu sameeyo, khariidad, cabiraad, xadayn dhulka
ku jirto inta uu le'eg yahay, ayna weheliso tababarkii la siin lahaa
dadka ka shaqeyn lahaa miino-saarka, Hawshaa laqabanayo waxaa fulinaya
oo qabanaya NGO's caalami ah oo hoos imaanaya Hay'adda UNDP, Doorka
Agaasinku yeelanayo waxaa weeye, mudnaansiinta dhulka miinada laga
saarayo ama la sahaminayo la socodka iyo hubinta hawsha la qabanayo.
XOOLO DHADIG AH IYO DUURJOOG LA DAMACSAN YAHAY IN LA
DHOOFSHO
PUNA Bosaaso 8/8/2000
Wariye ka tirsan Wakaalada Wararka ee Puntland PUNA
waxa uu noo soo sheegay mar uu socdaal gaaban ku tagey meel ka baxsan
magaalada Bosaaso, wuxuu ku soo arkay xoolo dhadig ah oo dhoof loola
diyaar yahay oo tiradoodu dhan tahay 300 oo sabeenood, dhuxul jawaano
ah oo cabbaysan, duur joog ka kooban 3 cawlood, 7 Haramcad, 4
Deerooyin, 30 Goroyooyin ah.
Haddii arrintaan wax laga weydiiyey dadkii meeshaas
joogay waxa ay sheegeen in ay yihiin dad shaqaale ah oo xoolaha iyagu
ka xoogsada, waa sida Wariyuhu soo sheegaye mar arrintaa wax ka
waydiiyay in ay ogyihiin iyo in kale Sarkaal sare oo Booliiska Gobolka
Bari ka tirsan, waxa uu Wariyaha u sheegay in hawshaan baarintaankeeda
lagu guddo jiro laakiin aanan weli haynin wax cad oo food saar ah.
Hawl lahaan baryahaan dambe noqday wax ku soo
badanaya Gobolka Bari meelo ka tirsan oo laga raro Tahriibta, Dhuxusha,
iyo Duurjoogtabam, Waxaa la rumaysan yahay in ay u egtahay
dhacdooyinka joogtada noqday loona baahan yahay in wax laga qabto,
laamaha Dawlada oo ku shaqada lihi iyo dadweynuhuba
Ï Ï
Ï Ï
DAB XUMIDA MAGAALADA GAROOWE
PUNA Garoowe. 11/8/2000
Waayahan dambe waxaa magaalada Garoowe ka dhacay in
dabka Korontada Magaalada Garoowe kala gogo oo magaaladu weydo dab
xiriir ah, haddaba waxaanu ka wareysanay dhibaatadaas dabka ah
Maamulaha Saldhiga Xooga Korontada ee Magaalada, Mudane Axmed Jabuuti,
Maamulaha oo ka waramaya dab xumida Magaalada.
Wuxuu yiri waa run in dabka Magaaladu xun yahay,
waxaana sababay Matoorka oo qalab dayactir ahi ka maqan yahay,
Shidaalka oo isna qaaliyoobay Bad xiranka oo isna sii qaaliyeeyey
shidaalka oo aan cidina keenin.
Kirada Baabuurta oo sii qaaliyoowday Hay'adda NESHA
oo iyana qidmad loo saaray Shidaalka, hadaba markii qiimo bararkaas
yimid waa qasab Maamulka Xoogga Korantada Gobolka Nugaal Garoowe inay
wax ku daraan yimihii dabka Magaalada Isticmaasho, Bisha Agoosto oo ah
bisha sideedaad ee sanadkaan.
BANAAN BAXYO KA DHACAY CARTA.
BBC-11/8/200
Kooxaha digil iyo mirifle oo ka qayb gelay shirka
Carta, ayaa banaan baxyo koox koox ah ka dhigay dariiqyada Magaalada
Carta, Banaan baxaas oo xayiray Gaadiidkii magaalada u kala gooshi
jiray, waxay kaga cabanayeen dadka loo soo gudbiyay liiska
Baarlamaanka matalaaya Beelahaas, Waxayna ku tilmaameen dadkaasi in
aysan ahayn kuwo matali kara beelaha digil iyo mirifle.
URURKA HAWEENKA GOBOLKA BARI..
HAWEENKA BARI WAXAY AYID SAN YIHIIN DAWLAD
GOBOLEEDKA PUNTLAND. SHIRKA JABUUTI WAXAAN KU DIIDNAY MAJARA
HABAABINTA
Haweenku waa udub dhexaadka bulshada, waana tiir
Aasaasi ah oo lagama maarmaan, haddii ay tahay dhanka Qoyska, Haweenka
waxa ay had iyo goor ku hawlan yihiin dhismaha Bulshada, waxa ay qayb
weyn ka qaataan Horumarka dalka koriinka ubadka, isla markaasna ku
hawlan yihiin diyaarinta hoygooda.
Haweenku kaalin mudnaan iyo qadarin leh ayey ka
qaataan dhismaha qoyska fiyow, doorka haweenka ee qaaliga ahi waxaa uu
soo shaac baxay xilliyadii dhibaatada badnaa ee qaxootiga iyo barakaca
iyo dib u dhiska megaalooyinka cusub, Haweenka Gobolka Bari oo ka
hadlaaya xaaladaan waxaan kula kulnay xarunta Gobolka Guddoomiyaha ku
xigeena Ururka Haweenka Gobolka Bari Marwo Maryan Maxamed Xasan,
waraysigii aan la yeelanay wuxuu u dhacay sidatan:-
Su'aal:- Waxaad ka warantaa waxa uu qabto
Ururkiinu?
Jawaab:- waxaa Haweenka Gobolka Bari doorweyn
ay ka qaateen dhismaha Dawald Goboleedka Puntland oo uu Hogaamiyaha ka
yahay Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, waxaa kale oo ay Haweenka Gobolka
Bari iyaga oo uu Hogaaminayo UHGB ka qayb qaateen fidinta nabadgelyada
siiba la dagaalanka tuugada iyo jiriga, dhismaha xarunta jeelka
Bosaaso, intaas waxaa noo
dheer oo ay ka qayb qaateen dib u dhiska goobaha
waxbarashada dhallaanka.
Dagaal ayey la galeen dhaqan xumida ku baahday
Bosaaso
burburka ka dib.
Su'aal:- Haweenka Gobolka Bari, Bosaaso ma ka
qayb galeen shirka Jabuuti?
Jawaab:- Shirka Jabuuti waan diidnay oo
waxaan ku diidnay majara habaabinta lagu sameeyey, Dawlad ayaa noo
dhisan oo Puntland iyada ayaana dhismaheeda Aaminsan nahay oo
ayidsanahay inta soomaali weyn lahelaayo.
Su'aal:- Aqoon darada Haweenka si xun ayey
ugu baahsan tahay marka dhibaatadaas sidee wax uga qabanaysaan.
Jawaab:- Ururuka Haweenka Gobolka Bari
dhaqaale madax bannaan malaha Hay'adahana dhaqaale kama helno,
Unicef oo qaabilsan Hooyada iyo Carruurta oo Hay'adaha si isdaba
joog ah waa Life and Peac.
Su'aal:- Haweenka Daawada wax beddesha
isticmaala maxaad ka leedihiin?
Jawaab:- Haweenka waxaan ku waaninayaa in ay
ka waan toobaan ku dayashada dhaqamada xun ee shisheeyaha, balse ay
u dhisnaato Anfaca adduun iyo mid aakhiro, Diinteena macaana ma
banayn in midabka labadalo, sidaas darteed waxaa haboon in Haweenku
Diinteena u
noqdaan, Ganacsatada ka ganacsata dhibaata
fidinta waxaan ku boorinaynaa in aan ganacsigooda dhibaato fidin.
Su'aal:- Mas'uuliyiinta maxaad u soo
jeedinaysaan?
Jawaab:- Mas'uuliyiintana waxaan u soo
jeedinaynaa in loo soo jeedsado danaha dadweynaha, siiba arrimaha
Bulshada iyo Nabadda.
Shugri Cali Jaamac (Bosaaso)
KA HORTAGA CUDURKA DUUMADA.
Waxaa la helay siyaabo fudud oo loogu hortagi karo
cudurka duumada, nooca looga hortagayo oo loo yaqaan Rolback Malaria
programe. Waxaana ka mid ah.
- In laga hortago Guriga aad degan tahay inaad 200m2 isku wareeg
ah, iska ilaalisid inaad biyaha sida ceelasha aadan ka qodin.
- Inaad kaneecada qaniinyadeed iska ilaalisid, xiratidna sinsiyeer.
- Inaad haddii aad leedahay Ceel, Baraag, ama meel biyo badan lagu
keydio, waa inaad kalluun ku ridaa, si uu u cunno ukunta kaneecda
oo noqota dixiri inta uusan noqon kaneeco, ayuu kalluunku XXXXo ka
dhigtaa.
- Waxaa la ogaaday in Gobolada Puntland ee aanu ku nool nahay,
haddii malaariyo kugu dhacdo, aadna isticmaashid dawada loo yaqaan
(Chloroquen) in aysan waxba ka tarayn, waayo way la qabsatay.
- Waxaa la ogaaday oo la xaqiijiyay in sayaalaha aanu kor ku soo
xusnay looga hortagi karo cudurka Duumada.
Regional Nugal Coordinator .
C/qaadir Ismaaciil Cali
DABAYLAHA GANACSIGA EE KA DHACA SOOMAALIYA.
Saynu la wada socono, waxaa dhawaan bilowday sannad
soomaaliga, oo ah tirsi soomaalidu tirsato, siiba dadka reer Guuraagu
ah iyo dad xeebaha ka shaqeysta, hadda waxaan maqaalkan ku soo
qaadayaa dabaylaha Ganacsiga ee doonyihii shiraac lahaa ku dhoofi
jreen.
Doonayaha Soomaaliyeed ee lahaa shiraaca waxay
boqol guurooyin tagay ku dhoofi jireen xoogga dabaysha, taas oo leh
xiliyo ay isku beddesho sanada gudaheeda dabaylaha joogtada ah ee
doonyuhu waxaa ka mid ah:-
- KOOS:-
Raasiga Casayr, ee ah geeska beri ee qaaradda
Afrika, wuxuu isku dadbaa ama celiyaa dabaylaha KOOS ee la yiraahdo,
koosku wuxuu dhaca Afar bilood oo ka bilowda Deyrta, Kooska waxaa ku
dhex jiraa xilliyo ama Dabeylo kale yar yar sida, 1) Caw 2) Ciiraley
3) Madlac.
Dabaylahaasi waxay iyaguna ka yimaadaan dhinaca
berri carrab iyo waqooyi. 3) Madlac oo ka dhacda dhinaca badda laba
bilood oo koos raacsan bay socotaa dabeyshaasi.
- SHAMAL (XAGAA)
Dabayl kale oo xoog weyn baa kooska kula hardanta
Raasiga Casayr agagaarkiisa oo is bubirya, Raasigaana kala qaybiya oo
seera u ah dabeylahaas, Shamaal (Waqooyi) Afcarbeed loo yaqaan
dabayshaas, waxay ka dhacdaa dhanaca Gacanka Carbeed iyo Xeebaha
waqooyi ee Soomaaliya Caseyr , Eray ahaan wuxuu ka soo jeedaa af
carbeed, micnihiisuna waa burburin.
Dabaylaha Koos iyo Shamal oo isburburinaaya Awgood
buuna ku dhashay eraygaasi, Shamal wuxuu
dhaca seddex billood oo bed xiran ah kuna dhexe
jira xagaaga, Dabaylahaas hardankooda wuxuu kiciyaa maayad ama mowjad,
taasoo doonyaha u jiida xaggu jasiirada Suqadara iyo koonfur beri
kolkaas ka dib, wuxuu kiciyaa maayad isagu iska leeyahay oo iyaduna u
jiida doonayaha dhinaca koofureed, haddii ay ka fogaadaan Raaisga
sidaas awgeed doonyaha waxaa loo dhoweeyaa oo lagu wadaa Raasiga
Dugsigiisa, si ayan maayaddu ugu jiidan badweyn iyo baaxad sooraha,
Doonyuhu Cadan bay ka soo dhoofi jireen Shamaalka oo yimaadaan
soomaaliya ka dibna khariif bay geli jireen kolkaas oo bad xiranku soo
galo oo xagaagu bilowdo, Dabeylo yar yar baa ku dhex jira Shamaalkana
waxaan ka mid ah:-
- Daboojie-weyne oo qod layiraahdo.
- Dabooje-yare oo qayd layiraahdo, xilligaa doonyuhu fariistaan
khooriyada ee ayan u dhoofi karin badweyn, xagaa baa la yiraahdaa
khooriyada bay fariistaan illa koos dambe furmo.
- ASJAB (Wajiine) Marka Koos iyo Shamal dhammaadaan waxaa kaca
xilliga Wajiine oo wata Dabaylo la yiraahdo Asjab oo ka timaada
waqooyi iyo berriga Carbeed (Basra-Dabay) Asjabku lixbilood oo ku
aadan Deyrta buu socdaa, baduna way furan tahay Doonyuhu markaas
meesha ay doonaan bay u dhoofi karaan. Asjabka waxaa ku dhexjira oo
dhextaal ah sida.
- Ximir oo Roob wata marka sanadku 90 berri joogto.
- Musareen oo ka yimaada berri Carab kolka sanadku joogo 150
beri buu yimaadaa dabayshaasi
- baranbaar iyo 4.berriga labo bilood oo raacsan, lix goor 5
muqiibi oo ka timaada Asjab weeye labadaas xilli koos iyo Asjab
oo bad furan ah bay dhoofaan Doonyihii shiraaca lahaa ee
Soomaalida iyo Carrabta.
Tarjume (Yaasiin Aadan Rooble )
BARBAARINTA IYO DA'YARTA.
Dhocdooyin badan ee aan la kulano annaga oo mareyna
waddooyinka magaalada, waxay kugu abuurayaan farxad ama naxdin iyo
murugo, tusaale xun, koox ciyaal ah oo dameer garaacaya ul iyo dhagax,
dhammaantood wiilal yihiin, qaarkoodna qaan gaar, yihiin hooyooyinkii
mustaqbalkuna daawanayaan, haweeney ku qaylineyso, war miskiinka ha
dilinina, war iskadaaya iyaguna qosqoslayaan.
Dameer kale oo dheddig ah iyada oo nuujineysa mid
yar oo ay dhashay caloosha ayaa laga dooxay, Rina sida ay sheegeen
dumar meesha joogey naas ayaa laga gooyey.
Naxariis darrrada noocaas ah in ay ka dhacdo bulsho
100% muslin ah maxaa keenay?
Shaki ma leh in ay jirto marnaan (Vacuum) xagga
barbaarinta, waxa maqan kaalintii Hooyada, aabaha, dugsiga, masaajidka,
culimada, indheergaradka, Abwaanada, maqalka iyo muuqaalka, kana
gaabiyey barbaarinta wanaagsan ee Da'yarta marnaantaasi waxay da'yarta
ku abuurtay naxariis darro, waxayna halis u yihiin in aaney
mustaqbalka u naxariisan waalidka waayeelka, bukaanka, naafada,
caruurta, deriska oo aaney jeclaan dalka, dadka iyaguna isjeclaan.
Haddaba intaan Da'yartu marin habaabin oo aaney ka
lumin qiyamka (Values) iyo akhlaaqdu waa in aan ku hanuuninaa in ay
bulshadooda iyo dalkooda jeclaadaan, una naxariistaan xayawaanka Alle
noo sakhiray.
Waxaa qoray Prof. Maxamuud Ismaaciil
XAQIIQADA JIRITAANKEENNA.
Xiligii yaraa ee ka dambeeyey dhismihii Maamul
Goboleedka Puntland aynu dib u eegno Geediga dheer ee milmilan, halka
uu ka qalooday inagoo ka raadinayna taxanaha taariikhdeena.
DHISMAHA MAAMUL GPL
Dhismaha Puntland kuma imaan laab lakac iyo hiyi
been ah ee wuxuu ku yimid Talada iyo halgankii Isimada, Culimmaa
udiinka, Siyaasiyiinta aqoon yahanka, Haweenka iyo Dareenka iyo
Rabitaanka dadweynaha Puntland, waa kan dhaliyey sida wada jirka ah in
ay beelihii ku midoobey shir weynihii axdi qarameedka lagu dhisay
Maamul Goboleedka Puntland, shirkaas beeluhu ku midoobeen waxaa lagu
doortay.
- Dastuurkii Dawlad Goboleedka Puntland.
- Madaxweynaha Dawlad Goboleeka Puntland.
- Madaxweyne Ku-xigeenka.
- Golaha baarlamaanka.
Qaabkii Dimoqraadi ee doorashadaasi u dhacday Arin
Farxad Gelisey Goob joogayaashii ajnabiga iyo guud ahaanba caalamka,
waxaana la orankaraa wuxuu ahaa shirkaasi mid aan kala kulanay guul
taariikhi ah iyo deeq rabbi oo mudan in aan ku xamdi naqno, waxaad og
tahay ma kuu sheegaa bay noqonaysaa Haddaan faalo dheer ka bixinno
isbedelkii shirkaasi dhaliey dibad
iyo gudaba.
- Waxaa laga gudbey xiligii taladu ahayd Qoys-Qoys.
- Waxaan taladeennii iyo hoggaaminteenii u dooranay Koox dad ah oo
aynu iska dhexdooranay.
- Waxaynu noqonay dawlad iyo shacbigeed.
- Magaca Puntland wuxuu noqday mid kulmiya Guud ahaan Beelihii ku
midoobey talada, wax wada qabsiga taladuna waxay ka godaa cidda u
mudan ee aynu u dooranay.
- Dhinaca kale Puntland, Dastuurka Dawlad Goboleedka Puntland
waxaa ku cad Puntland in ay tahay Asaaska Dawladdii Soomaaliyeed
una furan soomaaliya cid alla ciddii ku soo biiraysa, Calanka
Puntland waa kii Soomaaliya, Calaamadda Puntland waa tii
Soomaaliya Muusikada Puntland waa tii Soomaaliya.
Dan maahan in lagu tallaabsado wixii dhan ka ah
nabada iyo Maamul Goboleedka Puntland, sidaynu ognahay Beryahaan dambe
waxaa soo if baxay falal iyo tallaabooyin siyaasadeed ee liddi ku ah
Maamulka Iyo nabadda Puntland oo qaar innaga mid ihi mas'uul ka yihiin
Tusaale, caalamka dawlad aan mucaarad lahayn waa yar tahay waxaase
jira mucaarad doonaya:-
- in dawladdu dib u sax ku samayso Qaloocyada iyo dhaliilaha ka
muuqda Hawlaha Dawladdu u xil saaran tahay.
- In dawladu ku shaqayso rabitaanka iyo dareenka dadweynaha
mucaaradka noocaas ah ma ahan mid xun ee waa dib u saxe.
- Mucaarad hadafkiisu yahay dumiye maahan mid aan u
baahanahay wuxuuna noqdaa dano burburiye sababtoo ah, waa
- cadowga jiritaankeenna, waa cadwga midnimadeenna iyo
sharafteenna, waa cadawga nabadeenna iyo maamulkeenna.
Markaan dib u raacno ismaan dhaafka siyaasadeed ee
jira xiligan aan is weydiinee maamulka Puntland ma cid gaaruu dan u
yahay? Mise waan u wada baahanahay, waxay u muuuqataa midaan u wada
baahanahay oo aynu wada dhisanay mudanna in aan wada ilaashanno
TUSAALE haddii dhexdeenna ay ka abuuranto arrini maahan in lagu
tallaabsado wax yaabo Dhallin kara jaah wareer waxna u dhimi kara
nabada iyo maamulka ee waa in loo daayaa cidda mudan ka talinteeda (Nin
la oran jirey Cismaan Yuusuf oo abwaan ahaa Baa wuxuu Arkay in wax
walba dariiqii ay la haayeen laga leexiyey oo taladii laga qaady
dadkii mudnaa wuxuu yiri.
- Haday talo ciriiriga gashoo caad u bixi waayo.
- Culimo iyo wax loo saari jirey caaqil fiiro lehe.
- Cirka haday u booddo ninkii celin lahaa weydo.
- Carruur uga daraysiyo haday caamo ka adeegto
calooshaba ka goo saw markaas kagama ciil beeshid.
Waxaa Qorey Cawil Buulle ( la soco todobaadka
dambe)
SHIRARKII HOROO LAGU HESHIIN WAAYEY HOOSTUU KA SII
MARAY KANAAD CARTA KU HAYSAANE.
Hordhaca waxa qoray (Prof Maxamud Ismaaciil)
Tixda waxaa tiriyey, (Abwaan Maxamuud Shiikh).
Abwaan Maxamud Shiikh, wuxuu ka mid ahaa dadkii
rumaystay dicaayaddii loo sameeyey shirka Carta ee Jabuuti, hase
yeeshee kolkii ay soo if bexeen arrimo caddaynaya sababaha fashalka
iyo rajo beelka shirka Carta sida:-
- Faragelinta gaartey heer Soomaalida meesha ku kulantay loo
yeeriyo go'aano aan xal keenayn, balse keeni kara isku dhac sida
la tashi la'aanta madaxda soomaalidu dooratay ee Gobolada qaarkood
ama matalaya himilada dhabta ah ee shacbiga soomaaliyeed.
- ka qayb galayaasha shirka iyo kuwa u taliyaa, waxay ka badin
waayeen in ay dhahaan; qabyaalad wax ha lagu qaybsado! Haddee
qabyaalad dawlad iyo bulsho casriya ma lagu maamuli karaa, ma lagu
fulin karaa mashaariic horumarin qaran iyo adeeg bulsho.
- Soomaalida Alle mideeyey oo wadaagta dhalasho, diin, luqad,
dhaqan iyo masaalix, qabyaaladda waxa uga kheyr roon in ay wax ku
qaybsadaan deegaan, si midnimadeedu u xoogsato iyo wax wada
qabsigeedu, una dhisato dawlad Federaali ah.
Miyaynaanse garan Karin kuwa qabyaaladda ku
dhegani in ay yihiin indhow garad iyo kuwa aan rabin midnimo,
Qaranimo iyo dib-u-heshiin.
Arrimahaas oo idil, waxay si xoog leh u kiciyeen
shucuurka waddanimo ee Abwaanka weyn Max'ud Shiikh oo ku cabbiray
tixgabay ah mowqifka uu ka taagan yahay shirka Carta, Max'uud Shiikh
wuxuu safka hore kaga jiraa, taageerayaasha DGP, shirka Cartana
tixda soo socota ayuu xaqiiqdiisa ku sheegay:-
- Ismaaciil hal yey baan u qabey Maalintii horee
- Wuxuu haarminaayaan lahaa Waa ku soo hirane
- Hambalyo iyo salaan baan u diray Dadabti hoosnayde
- Hayeeshee hubsana waa lahaa Hal ima seegayne
- In kastuu habeen iyo dharaar Dhidiidku hooraayey
- Ama haween iyo ragba Hadala gaarsiiyey
- Allay lehe hal bacad lagu lisey. Noqotay hawshiiye.
- Shirarkii horeetoo jirooLagu heshiin waayey.
- hud iyo cadow baa fadhiyeyHaarib iyo tuuge.
- iyo qaar hunguri doona oo ku hafray ruuxoode
- Hoos buu ka sii marayKanaad Carta ku haysaane.
(Mowduucani khalad farsamo madbacade-ed ayuu ku
soo baxay tirsigii hore, waxaana la soo qoray mar labaad)
DANTI-MOOGE MARA-DUUG AH HORTEE-DUU DHAMMAADA.
Markaad fiiriso xilliga lagu jiro iyo dadka
soomaaliyeed waxay ku sifoobayaan Maah-Maahdaas aynu soo sheegnay,
waxaa cadaan ah ummadda soomaaliya siday u badan yihiin in aysan
dantooda garaneyn, waxaynse
yaqaaniin ruux dan uu leeyahay in ay ku taageeran
iyagoo tooda halmaansan, markii la weydiiyo oo la yiraahdo maxay inoo
dan ah, waxay tilmaan dantii kii uu sheegay waagii ugu danbaysay.
Aan si weydiinee Ismaaciil Cumar Geelle tafaraaruqa
iyo Qabyaalada uu shirka u adeeg-saday muxuu ula jeeday?
Hadaynaan is yeel-yeeleyn waxaynu wada og-soonahay
arrintaasu in ay ahayd ujeedo xeegaan leh, markii horeba shirka
jabuuti wuuu anbaday ama wuu lumay, hadaba wixii qalad ku biloowda
qalad ayey ku dhammaadan haddan la toosin intay arrintu wax ka qabasho
leedahay.
Waxaa loo baahan yahay ruux waliba intuu iskiis u
karo inuu yiraahdo maxaa kuudan ah, dabadeedna dantiisa raacdo, haddii
ruux waliba garto danihiisa waxaa leysugu imaan lahaa danta guud oo la
wada fah-mi lahaa, dabadeena wax xumaan lahaa majireen, alahayow
ummadda xaqa tus.
Waxaa Eebe inagu abuuray qaarada Afrika siiba
Geeska Afrika, miyeynaan ahayn bini aadan jirah, oo Eebe caqli siiyey
iyo maskax, inteynu leenahay wadan hebel baa wax inoo qabanaaya,
sideedaba lagama yaabo inuu wadan wax kuu qabto deris wanaag-sanba aad
ahaateene, balse waxaa laga yaaba wadankii dan-kugu wato inuu wax uun
isku dayo isagoo fushanaaya tii uu lahaa, waxaa runtu tahay waxaadan
qabsan in aysan cidina ku qabaneynin
Waxaa qorey:- Xasan Yuusuf Kaarshe
QAADKA IYO SOOMAALIDA
Qaadku muxuu yahay? Qaadku waa geed ka baxaa
Afrikada Bari siiba (Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo wadamo kale sida
Yemen) waana geed la beero oo kolka uu aad weynaado caleemihiisa laga
ganacsado oo la calashado, wuxuu ka mid yahay dhirta maandooriyaha ah,
micnaha geedka qaadka laga bixiyeyna aad bay u badan yihiin, xagga
dhibaatada uu u geysto soomaalida dhibaato weyn buu u geystay dhanka
kasta ha ahaate mid caafimaad mid dhaqaale, mid akhlaaq, waana
dhibaato ku si fideysa soomaalida oo aan wax wax ka qabta aan lahayn.
Haddii aynu eegno sanadkii todobaadtaneeyadii,
dadka cuna wuu yaraa maanta waxaa yar inta aan cunin, dhanka dumarka
ceeb bay ahayd dumar qaad cunaya, maantana waa ka badan yihiin ragga
Qaadka soomaalida soo gala oo loo soo dhoofsho,
waxaa sannadkii lagu qiyaasay in 882,000,000,000 Sh.So ah.
Haddii aynu eegno dhaqaalaha ku baxa ama layna ka
faa'iido, waa mid aad u ballaaran, loona baahnaa, inaynu waxayna
dhaqaaleeysano oo aynu u duno dhanka arrimaha bulshada siiba xagga
waxbarashada iyo caafimaadka.
Waxaa arkeysa ubad badan oo tuban meelaha qaadka
lagu gado, isagoo urursanaaya qaadka daatey ubadkaas waxay waayeen
wixii rabeyn lahaa ama wax bari lahaa waxay ehel u noqdeen kuwaa
qaadka cuna, ummadda soomaaliyeed waa in ay ka digtoonaataa dhibaatada
qaadku ku hayo ismana oga, waxay ku sugan yihiin dhan kasta wuuu ka
dilay, waana ka reebay asaagood waxaa
lagu tilmaamaa Qaada in uu ka daran yahay Khamriga
DHIBAATOOYINKA UU KEENO QAADKU.
- Dhibka ugu weyn wuxuu u geystaa dareemayaasha (Habdhiska
dareenwadka dhexe (Central Nervous System).
- Himmo kicin (Excentement)
- Raaxo la'aan (Restlessness).
- Seexanwaa (insomnia).
- Hadal tiro iyo reynreyn.
- Kordhinta wadne garaaca (Increased pulse rate).
- Kordhinta dhiig karka (Raised blood pressure).
- Af qaleyl (Dryness of the mouth).
- Dhidid joogto ah (Sweating).
- Flushed Warm skin.
- Il weynaad (Widely dilated pupils).
- Dhib xagga maskaxda ah, wadnaha iyo kelyaha.
- Cunno diido (Reduction of appetite).
- Kordhinta neefsashada iyo garaaca wadnaha (irregular heartbeat).
- Madax xanuun.
- Wadne istaag (Heart failure or very high fever).
Qodobadaas aan xusnay waa kuwa ugu khatarsan ee
lagu garto qofka qaata amphetamine-ka, gaar ahaan markuu si xad
dhaafa u qaato.
Kaathinoonka (Cathinone) Kaathino-onku waa maaddo
Qaadka ku jirta wax yeeshana ruuxa qaayiba, waana maaddo aad iyo aad
wax u yeesha dareemayaasha qofka qayila, gaar ahaan Habdhiska
dareenwadka dhexe (Central Nervous System).cusub oo ku saabsan
"Maandooriye" lagu magacaabo "Methcathinone".
Maddadaas markii la samaynayey waxaa looga
cabbirqaatay midda ku jirta Qaadka "Cathinoneka" waana
maaddo wax yeesha Habdhiska Dareenwadka dhexe {CNS) sida ay wax u
yeesho tan Qaadka ku jirta. Waxayna sababtaa dhibaatooyinka aad u
culus sida dareen kicinta {Agitation), walaac iyo walwal (Anxiety),
cabsi (Paranoia), hurdo la'aan (Sleeplessnes), Visual & Auditory
hallucination dubaab sida Qaadka) iyo convulsions (gariir, jarayn,
qallal).
Dawladda Mareykanku waxay eedda dusha ka saarta
in ay maaddadaasi uga timid xagga dalalka Geeska Afrika iyo Carabta,
oo laga cuno geedka Qaadka, Magaalooyinka Qaadka laga cuno dalka
Mareykanka waxaa ka mid ah, New York, Washington DC, Los Angles
Dallas, Virginia iyo Detroit.
Haddana Qaadku wuxuu marayaa heer loo raadsho
sida Maandooriyayaasha kale, taasna waxaa ku tusaya Buuggan loo
baxshay "Khat a Field Guude" oo ay soo saartay US Customs,
the Department of the Treasury (US Customs Service), Buuggaas waxaa
loo qeybshay Booliska dalka Mareykanka oo loogu caddeeyay Khatarta
uu leeyahay Qaadku iyo sida ay ugu digtoonaan lahaayeen marka ay
rabaan inay baraan, waxaana lagula teliyey Booliska in aysan ku
taaban Farahooda Qaadka, waxaa taa ku xigta in aanla taaban jirka
qofka Qaadka cuna! Ama aan la taaban gacan gashi la'aan (Gloves).
TAAYADA (EDITORIAL)
RUNTII CARTA!!!
MA LA ARKAY?
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha
Jabuuti markii uu yiri Aniga ayaa Soomaali Gogol ay ku wada hadlaan u
fidinaaya ayaahoodana uga tashadaan siday qarankii soomaaliyeed ee
Burburay u soo celin lahaayeen iyagoo aani ciddi dhexgelin ama aan la
faragalin anngu wax kale malhin oo aan ahayn Gogosha, Annagoo ka
abaalcelinayna halgan dheer ee ummadda soomaaliyeed u soo mareen
xoriyada dadka reer Jabuuti maanta harsanayaan, sidaas darteed, waxaa
waajib nagu ah, inaanu annaguna qaadanno doorkii aanu lahayn maanta,
iyadoo ummadda Soomaaliyeed ay dhibaataysan tahay, wax alla wixii
qarankii soomaaliyeed lagu soo celin karro ayaan diyaar u nahay inaanu
ummadda soomaaliyeed la garab istaagno.
Ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogto way u
riyaaqeen oraahda ka soo baxaysay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ha
ahaatee khudbadii dheereyd ee uu ka jeediyay kalfadhiggii Qaramada
midoobay, ama ha ahaadeen kuwii uu ka sii daayay Qalabka warbaahinta
caalamka waxayna siiyeen taagero lixaad leh, oo dhimisho iyo dhaawacba
keenay.
Dawlad Goboleedka Puntlnd waxay ahayd, maamulkii u
horreeyye ee taageeray Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna u direen wafdi
kala taliya arrimaha meelaha maamulka leh iyo meelaha aan maamulka
lahayn, waana diiday fikradihii loo soo jeediyey.
Waxaa markaas soo baxbaxay daldalooladii iyo sirtii
u qorsooneyd mudane Ismaaciil ee dhagarta huwanaa, Dawladda Puntland
markay aragtay sirta dhagarta io khiyaamada meessh ku jirta waxay
qaadatay talaabo cad oo ay kalsoonidii kala laabatay shirka Jabuuti
khiyaamooyinkaas waxaa ka mid ahayd, markuu yiri Baarlamaanka waxaa
lagu dhisayaa hab deegaan, ayuu hadana yiri Baarlamaanka Qabiil baa
lagu qaybsanayaa iyo isagoo qaybsiga aan daacad ka ahayn ee dhan la
jiray, nin dhinac ahi wax ma garsoori karaa? Jawaabtu waa maya.
Hadaba shacabka Soomaaliyeed ee xalaasha ahi ma
garan markii hore khiyaamada meesha ku jirta, waxayna huruufayeen
kuwii qaaday ee iyagoo marka horeba ka diday sirta daboolneyd ee
shirka Jabuuti, waxayna maanta in laga saxnaa laga celinayay haadaama
qodan oo khiyaamo, xaqiiqdiina la gaaray, isagoo aad la socotaan
heerka uu maanta taagan yahay shirka Carta oo u la socon la' yahay
dhagarta lagu bilaabay ee lagu majara habaabiyay taasina waxay keentay
in la gaaro runtii, hadaba soomaalidu dan ugu ma jirto in marlabaad
dhibaatadii iyo rafaadkii dib ugu soo noqdaan oo dagaalo sukeeye dib
uga biloodaan ummadda dhexdeedas.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa oo aan leeyahay Runtii
Carta ma la Arkay?
OGEYSIIS
Maamulka Xoogga Korontada Gobolka Nugaal (NEPA),
waxay dadweynaha Ogaysiinaysaa in ay u baahan tahay Labo Jago oo kala
ah:-
- Makaaniga Matoor yaqaan ah:-
Shuruudaha laga doonayo Makaaniga waa:-
- Waa in uu yaqaanaa oo aqoon fiicana u leeyahay Matoorada iyo
farsadama Makaanikada haystaana Shahaado Makaaniko.
- Waan khibrad fiican u leeyahay Xagga Matoorada.
- Waana in uu Qori karaa isla markaana Akhriyi karaa Soomaaliga
- Waana in uu yahay (Soomaali)
- XISAABIYE:-
Shuruudaha laga doonayo:-
- Waan in uu ka soo baxay Dugsi Sare oo haystaa Shacaado Dugsi
sare
- Waa in uu ugu yaraan ku soo shaqeeyey Xisaabaadka 2 sano
- Waa in uu Haystaa shahaado Xisaabaadka.
- Waa in uu yaqaanaa Kombuyuutar haystaana Shahaado Kombuutar,
kuna shaqayn yaqaanaa Barnaamijyada (Ms Word & Ms Excel).
Araajida waxaa la qabanayaa ugu dambeyn 19/8/2000
iyadoo lagu soo hagaajinayo xarunta (Nugaal Electric Power) NEPA
Garoowe imtixaanka waxaa la qaadayaa 20/8/2000, waxaana lagu qaadayaa
xarunta NEPA.
Wixii faah faahin ah oo intaas dheer kala xiriir
maamulaha Xoogga Korontada Gobolka Nugaal. (NEPA)
[Country] |