|
||||
Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW. Fooshii Gulufka Colaadeed ee Puntland by Adam Buryar Buryare@hotmail.com
Subaxnimadkii Axada ee taariikhdu ahayd 5tii bishii 5aad 2002 ayaa dadwaynaha reer Garoowe waxay ku waabariisteen ayadoo ay duleedka magaaladooda ku foolanayso gulufkii colaadeed ee soo shil dhamaystay, caloosha hooyadiisna soo galan-galanayey tobankii bilood ee la soo dhaafay. Markii ay soo ifbaxday akhbaarta foosha gulufka colaadeed ayaa dadkii u qaybsameen:
Akhbaartii fooshu markiiba ku fiday deegaanadii kale ee Puntland. Nin waliba ku orod meeshii uu ku ogaa ubucdiisii. Telefoon, Foniye ama Radiyow ninba kuu haleelikaray dhagta la raadi, si uu u helo xogta dhabta ah iyo xaalada ay ku suganyahiin umusha iyo uur-jiifkeedu. Is-waydiiye su'aalaha ay ka midka yahiin: Ma dhashay? Ma isku dhimatay? Ma lab baa? Ma dhadig baa? Yaa ka umuliyey? Yaa ilamaha u waqlalay (Wan-qalay)? Yaa ilmahii habay? Yaa soo baleeyey? Isla akbaartii ku fidhay deeganada kale ee Soomalia iyo aduunwaynahaba. Dadkii dhamaantood waxay dhagaha iyo indhaha la beegsadeen qalabyada warbaahinta ee kala duwan, haday ahaayeen Radiyow, TV, Internet, Telefoon iwm. Dadkii u kala qaybsan:
Qoomkani, waa kuwa diirka nooga midab eg, dal, dad iyo diina nala wadaaga, hase yeeshee jeclaa dagal sokeeye oo ka qarxa deegaanada Puntland, aad bay ugu badnaayeen dacalada kala gadisan ee Soomaaliya iyo daafaha aduunwaynahaba. Dadka intoodii kale shib baa ka soo hartay, aan ka ahayn raxantii jeclayd inaan ilmahuna ifka nolol ku imaanin, umushuna aanay ka dambaynin! Ayagiyo allahoodee waxaa la sheegay in qaarkood ay ku wardiyayeen eradaya ay ka midka ahaayeen:
"Allow labo dibi isku jaanqaad oo mid noo jabi aan jil-jilanee" "Allow umushiyo ilamheedoow aanan idin arag" "Allow umushooy ifka kaa qaad" "Allow ilmahoow aadan nabad galin iwm". Dadkaasi waxay saadaalinayeen inay aafo aad u baaxadwayni ay umusha iyo ilmaheedaba ku habsandoonto. Ayagoo isla markaasna raacinayey: "Tolow xagee iilkeeda laga qodi-doonaa? Yaase bud-dhigodoona?". Si kastaba ha ahaatee, subaxii dambe markii uu waagu baryey ayey dadkii reer Puntalnd meel ay joogaanba waxay ku warheleen in inkastoo warafkii iyo walbahaarkii fooshu uu dakharo waawayn ummushii iyo uurk-jiifkeediiba u gaystay, ilaahay mahadi ha ka gaadhee in labadiiba ay badqabaan, ifkana joogaan ayagoo wali isa sita. Ayna rajo wayn leeyahiin inay ifka bad-qab ku kala yimaadaan haddii ay helaan umuliso wanaagsan oo u gargaarta. Intii u dhexaysay uur-galka ilamaha, kaas oo ku uur-galay bartamaha magaalada Garoowe, iyo maalintii ay umushu foolatay, halkaas oo ayana ahayd duleedka magaalada Garoowe, hooyadu marar badan bay isku dayday inay dhuunkaal liqdo si ay isaga soo rido ilamahaas aan aabe la korindoonaa ifka jooginin. hadaba waxaa xusid muddan in la qiro amaanta ay leeyahiin dadka deegaanka Garoowe sidii habsamida ahayd ee ay geedka dheer uga saareen dhuunkaashii ay islaantu liqilahayd. Waxaa ayana amaan wayn mudan dadka Gobolka Bari guud ahaan, gaar ahaan deegaamada Qardho iyo Baasaaso, oo runtii nin waliba waxuu rabo ha sheegee, ilaahy ka sokow, ayagu sabab u ahaa baajinta in umusha iyo ilmaheedu ay isku dhintaan oo ifka hal mara ka wada tagaan. Dulucda shekadani waxay qof kasta oo caqli leh u muujinaysaa in Diinta Islaamka ka sokow xariga ama xabagta (glue/bond) isku haya, isku hayn-jiray, iskuna hayndoona dadka reer Puntland uu yahay xudunta dhiig iyo wada dhalashada ee aanu ahayn maamul dawladeed ama dan siyaasadeed. Waxaan qoraalkaan ku soo gaba-gabaynayaa oo aan raacinayaa tix gaaban oo aan tiriyey 2dii May 2002. Wakhtigaas oo ahayd markii ay soo xoogaysatay cabsida laga qabo inuu dagaal ka qarxo gayiga Puntland.. Tixda waxaan ugu magac-daray "Diiwaanka ii Geli Cabdoow Daa'im baa jira'e". Waxaan ku hal-qabsaday Cabdishakuur Mohamoud Gurey oo markaas ku hawlanaa isku dubaridka Bayaan iyo Baaq Nabadeed oo ay dirayeen dad farabadan oo u dhashay deegaamada Puntland. Tixdii waatan:
Diiwaanka ii Geli Abdoow Daa'imbaa Jira'e Isku duubnidii iyo hadaan dawladnimo waayey Dalaalimadi hooskiyo hadaan dawladnimo waayey Dulqaadkii horeetiyo hadaan dawladnimo waayey Dantii guud dadkeeniyo hadaan dawladnimo waayey Duqowdii wanaagiyo hadaan daacadnimo waayey Diktooradii aqoontiyo hadaan daacadnimo waayey Duqowdii lasoo xulay hadday daawo naga wayday Duulkii amxaaradu hadday daawo naga wayday Da'ayatiyo caruurtii hadday daawo naga waydey Daa'im eebe weeyee haddaan daba maryeyneyno Dariskaan ku diinee hadaan kaba daraanayno Dabkoo la'isu qaatiyo hadday maanta dirir joogto Dagaal la'isku qaadiyo hadduu dagalku qiiqaabo Oo la dumiyo daaraha ratiban daaf walbaba aaga Dabley labo aflayniyo hadday dooxatoo noqoto Dumarkiyo caruurtii hadday dibinta ruugayso Waxba yaan daryeel hoose-iyo daaro loo dhisine Markay dib xusuustaan waxii dakharo soo gaaray Dacartii horeetiyo ku kaco diiftii shalay gaadhay Ilmo dililiqlaysaa hadday daan walbaba dhaafto Darajadu maxay tarin waa aduun dabo markiisiye? Diiwaanka ii geli Cabdoow daa'im baa jira'e Diiwaanka ii geli Cabdoow deeq rabaa jiriye 12h May 2002
|
||||
Copyright © 1999 by somaliawatch.org. All Rights Reserved. Revised: 19 May 2007 05:03 AM. Webmaster HomePage |