- [SW News] (Maxamed F. Botan -Shiike) Shirkii Geeddi Socodka
Nabadda Puntland Oo Lasoo Gabagabeeyay Maanta : Posted on 17 May
2003
Date: Sat, 17 May 2003 01:14:31 +0000
Subject: Shirkii Geeddi Socodka Nabadda Puntland Oo Lasoo Gabagabeeyay Maanta
From: "Maxamed Cabdi faarax botan-Shiike" <faaraxbotan@hotmail.com>
Sida in dhawaalaba dhegta loogu lulayay Heshiiska Iyo Hanaanka Nabadda Ee
Shirkii Puntland, ayaa waxa lagu soogabagabeeyay Maanta oo ay taarikhdu
ahayd 16-05-2003 Xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboledka Puntland Ee Magalada
Bosaso, warkan oo aan kahelay laba xubnood oomuhiimah oo labadaba ay kasoo
kala jedan garabyada siyaasadda isaga soo horjeeda ee Puntland oo malmahan
shirkodu kasoconayay Magalada Bosaso ayaa waxay iisheegeen in Khilaafkii
siyaasaded ee Puntland uu dhamaaday , manta wixii loogarana ay Puntland u
curatay Nabad iyo Baraare, xubnahan oo aan lasii qaada dhigay murtida
hadalkooda ayaa waxay uu guudmareen in Puntland tahay Maanta Mid isku mid
ah.
Qodabadii la'isku hayay labadii malmood ee lasoo dhafay ayaa dhamaan
la'isla ogoladay.
Qodobada La'isala Ogolaaday waa sidan.
1- In Ciidamada GBP lagu kala daro Qaybaha kala duwan ee Ciidamada puntland,
iyadoo tiradoodu noqonayso Shan(500)Boqol oo askari, oo dhaman lakala
qaadayo.
2-In Jiritaanka Puntland uu yahay mid Muqadas ah.
3-In aan raaddanbe loogu noqon marxalidihii lasoomaray.
4-in si wadajir ah loo'ilaasho Jiritanka, difaaca Puntland.
5-In xukuumaddu soodhawayso nabadda Puntland.
dhamman qodobadan waa la'isku wada raacay, hasayeshee waxa jira qodobka
qaybsiga awoodda dowladda oo siyabo kala duwan ay saxaafaddu oga hadashay,
gaar ahaan xagga shabakadaha oo aad loogu buunbuuniyay, sida qaybsiga
wasiirada iyo hogaanka sare ee ciidamada, haddaba labadan qodob oo isbar-bar
socda, maahan sida ay saxaafaddu ufaafisay, si khalad ah ayaana wax looga
qoray, hasayeshee qodobka koowaad(1) ee qaybsiga wasiirada waxa lagu
saleeyay qaab qabiil, wuxuna noqday sidan hoose
GBP ee Mucaradka waxay kudoodeen in wasiirada la'isku dhafo, tasoo keentay
in shirku uu hoos u falanqayn badan kayeesho arrintaas ay soo bandhigeen GBP
ee Mucaradka , waxay arrintii isu badashay qaab qabiil, haddaba GBP oo
muujiyay in aan laga tagi karin ragga magaca leh ee lasoo dagaalgalay
Mucaradka, isla markana jagooyin kuraadiyay mas'uuliyintooda ayaa waxa
lahordhigay qaabka qabiilka, Xukuumadda ayaa waxay soojeedisay in raggan oo
dhamantood qabiil ahaan kakooban Deganka Puntland in rag lamid ah iyaga oo
ay isku hayb yihiin ay kujiran xukuumadda, sidaas darted arrinka wasiirada
waxa loodayay qabiil ahaan in shaqsiyadka GBP ah ay arrinkooda kula noqdaan
qabiiloyinkooda, haddii ay isu tanaasulayan oo midka mucaradka ahi uu ina
adeerkiis katirsan xukuumada uu udaynayo xubintisa ay utalo qabilka
xubintaasi iska leh, oo qabiilku uu kala doorto wasirkooda, haddii ay midka
Mucaradka soo magacawdaan xukuumaddu u ansaxiso, haddii qabilku doorto kii
horay oga tirsana xukuumadduna ay xukuumadu ansaxiso, arrintasi waxa
durbadiiba jawaab cad kasoo celiyay Beesha Maxamuud harti(Dashiishe) waxayna
madashii usoo gudbiyeen qoraal ay ku caddeynayan in Wasiirkooda Caafimadka
ee katirsan xukuumaddu yahay wasiirka ay doorteen Mudane, Saciid Cadduur.
majiran wax laxariira la'isul wasare in lamagacaabo ama saddex Wasiir
lasiiyo GBP, arrimaha sarakisha ciidanka waa ladaboolay, isla markana waa
la'isku waafaqay qabka wax la'isagu dhafayo,Qaabkan sarkisha wax uu muran
kataagan yahay mahan, waxa jira in xukuumaddu diiday wasiikrii hore ee
Maaliyadda Mamulkii Jamac Cali Jamac Mudane, Maxamuud Shiddo , Maxamuud
Shido waxa lagu eedeeyay inuu mas'uul ka'ahaa Faashilkii kuyimid Shirkii
Nabadaynta Puntland ee itoobiya kal hore kadhacay , kasoo garabka Jamac Cali
Jamac ay kamagten in ay lahadlan oo lashiran mamulka C/laahi Yusuf, Arrintan
wax saamayn ahi kuma yeelan gogosha shirka, isla markana GEN Cadde Muuse wuu
ansaxiyay qodobkan.
Haddii rabbi idmo, maalinka Barri ah oo ay taarikhdu noqonayso 17.05.2003
ayaa xafladda nabadaynta Puntland waxaa lagu qabandoona Aqalka Madaxtooyada
Puntland, Xafladdan oo si heer sare ahi loosoo agaasimay amaankeedana aad
loosugayo waxa kasoo qayb galaya dhamaan waxgaradka deganka Puntland,
safaaradaha USA, ITALY, BRITAIN, ITOBIYA, IGAD, JABUTI, NGO's , Hay'adaha
ka howlgala Puntland wakiiladooda, Jamacadda Carabta, iyo Wafuud kale oo
somaliyed oo ka kala imanaya somaliya iyo dalka dibaddiisa, Jaaliyahadaha.
Shirkan Puntland aya waxa uu saadal u yahay Mustaqbalka Shirka dib u
heshiinta Somaliwayn, dadka Reer Puntland ee dalka gudihiisa kunool, gaar
ahaan Bosaso ayaa waxay si dhab ahi oo aan hagrasho lahayn mantooda ugu
huray inay nabadda kala shaqeeyaan siyaasiinta, waxad arkaysaa waagu marka
uu baryo dad badan oo usoo dhaqaaqaya madasha shirku uu kasocdo, isla
markana illaa galinka danbe ku xaadir ah banaanka howlka shirka, waxad dadka
wajiyadooda kadareemaysaa farxad iyo kalsooni.
Qaabka ay xafladdu u dhacdo waanu soogudbindoona insha allahu Barri, waxana
jiridoona war saxaafaded loosoo tabindoono saxaafadda, warsaxafadedkaasna
waxa kuwada saxiixnaan doona Madaxwaynaha DG puntland Mudane C/Laahi Yuusuf
Axmed, Iyo Mudane Cadde Muuse Boqor.
|