Talooyin
ay gudbiyeen taageerayaasha ururka RRA ee dalalka Mareykanka iyo
Kanada
by
BAYDHABO PRESS
BAYDHABO
Oct 28, 2000 (BP)- Qoraalkaan wuxuu ka koobnaa 45 page. Waanu soo
gaabinay oo waxaan ka dhignay dhowr page. Talobixintaan waxaa soo
diyaariyey tagyeerayaasha RRA ee ku nool dibadda qaar ka mid ah.
Waxaana loo gudbiyeey maamulka sare RRA, iyo masuliyiinta qaybaha
bulshada ee Digil iyo Mirifle taarikhdu markay aheed July 25, 1999.
Waxaana gudbiyey Wakiilka. RRA ee Waqoyiga Amerika, Md. Ibrahim Clmi
Maxamed (Sokorow).
Ayadoo laga
faaidaysanaya fursada cusub iyo hogaanka cusub ee Digil iyo Mirifle.
Waxaa loo baahanyahay in la aruuriyo fikradaha iyo talooyinka haboon
ee ay u baahantahay ummaddeena iyo hogaankooda cusub. Tagyeerayaasha
RRA meel walba ay joogan, waxaan ku boorinaynaa in ay ku soo biiriyaan
fikradooda la xariirta talooyinkaan aqoontooda iyo waayaraknimadooda
si ay ugu yeelato waxtar dadkooda iyo dalkooda.
Talabixintaan waxaa
loo qorsheeyay in ay noqoto mid joogta ah, oo loo baahanyahay in mar
walba lagu sameeyo casriyeen (up-to-date), xaalad walba lagu jiro.
Inkastoo shaqadaan iyo kuwa la mid ah laga wado dalka gudihiisa,
hadana ummadda wax garadakooda badani waxay ku nool yihiin dibadda,
wana lagama marmaan taladooda. Wixii talo ah noogu soo dir Emailka
wargeeyska BAYDHABO PRESS oo ah baydhabopress@hotmail.com
Ku: Mujaahid
Dr. Hassan Mohamed Nur (Shaar-guduud)
Guddomiyaha RRA
Og: Guddiga Fulinta, Halgamayaasha, Odeyaasha, iyo
Dhammaan Taageerayaasha RRA: Rugtooda
Ka: Taageerayaal RRA ee ku sugan Waqooyiga Amerika
Uj: Talobixin
HORUDHAC:
Ugu horeyntii waxaan u soo gudbineynaa salaan iyo bogaadin
guddoomiyaha RRA, Guddiga fulinta, halgamiyaasha iyo dhammaan
odeyaasha iyo taageerayaasha RRA meel kasto ay ku sugan yihiin. Waxaana
u rajeynayaa Ilaahayna uga baryeynaa in uu sii adkeeyo guusha la
gaarey iyo halganka lagu jiro taasoo ah howl add u adag oo u baahan
adkeysi, qorshe habeysan iyo howl joogto ah. Anaga waxaan idinla garab
taagannahay halganka aad ku jirtaan, hiil iyo hooba wixii karaankeena
ah.
Waxaan Ilaah ka baryeynaa inuu idinku hagaajiyo tubta toosan. Waxa aad
noo farax galisay guusha aad gaarteen taasoo ah xoreynta gobolada Bay,
Bakool iyo Jubadda Dhexe iyo qorshaha dheer ee aad ku damacsantihiin
xoreynta inta dhiman, taasina waxay sharaf iyo wanaag u tahay dhamman
ummadda ku abtirsata dhulka labada webi.
Inkastoo iminka aan ku noolnahay dalka dibaddiisa haddana waxaan
dareemeynaa inaan idinkula jirno jiiddaa hore ee dagaldka. Arimihiina
si add ah ayaan u aneyneynaa gar ahaan markii ann aragnay cajaladihii
taarikhigi ahaa ee laga soo duubay goobaha howlihiina a sacdaan iyo
wixii warar ah aan idinka helnay.
Waxaad ku kalsoonaataan in aan nahay dad idinka tirsan o idin garab
taagan, siyaasad ahaan iyo dhaqaale haanba.
TALO SOO JEEDIN:
Waxaan jecelnahay inaan fikraddeena idinku darsaano oo wixii
talooyin aan isleenahay waxtar ayey ummadda iyo arlaadaba u leedahay
aan idiin soo jeedino guud ahaan. Ka dibna waxaad nagala soo xiriiri
kartaan xafiiska wakiilka RRA ee Wagooyiga Ammerika. Talooyinka aan
idiin wadno ma aha waxaad moogtihiin, hase yeeshee si aad u ogaataan
in dad idinka tirsan ay idiin joogaan mel kale, iyo inaan idinku
darsano wixii fikrad ah oo waxtar yeelankarta. Idinkana sidaasi oo
kale, waxaan idinka fileynaa inaad nala socodsiisaan howlihiina sida
ay u socodaan, si istratiijiyad ahaan wax la isula wado gudaha iyo
dibaddaba.
XAFIISYADA RRA:
Xafiisyad RRA uga furan dalalka dibadaha wa in si
buuxda looga helaa wixii warar ah ee dalka kusabsan, oo ay noqdaan
meel loo soo doonto wararka sugan, sawir ahaan iyo qoraal ahaanba.
Mana haboona in mararka dhibaatada jirto keliya in qaylo-dhaan loo soo
dirsado. Dad badan oo ku nool dibadda waxay diyaar u yihin inay ka
qeyb qaatan dhismaha dalkoda iyo horumarka dadkooda. Waa muhiim,
fikradaha waxtar yeelan karta in la isweydaarsado iyo wixii warar ah
ee la hayo. Ra’yiga kaa maqan wuxuu ku jiraa maskaxda walaalkaaga.
Gacmo wadajir ayeey wax ku gooyaan.Talooyinka ugu horeeyo oo aan idiin
soo gudbineyno waxaay laxiriiraan dhinacyada:
1) Siyaasadda , 2) Dhagaalaha, iyo
3) Arimaha
Bulshada.
1.SIYAASADDA:
Siyaasodda waxaan ula jeednaa hogaaminta iyo maamulka
bulshada iyadoo la higsanaayo himilo(goal) iyo ujeeddo muuqato oo ku
dhisan danaha iyo horumarinta noloshooda oo saameeysa dhiinac kasta
sida: Waxbarashada, Caafimaadka, Garsoorka, Dhaqaalaha, Nabadgelyada,
Difaaca, Isgaarsiinta, Guryeeynta, horumarinta xiriirka dibadda,
Dhiiriglin wax-soo-saar, abuuritaan shaqo iyo wixii la mid ah, taasoo
ummadda dhulkaasi ku dhaqan gaarsiineysa isku filnansho dhan kasto ah.
Qofka siyaasadda ku dhex jirana waa inuu ahaadaa qof asluub leh,
Ilaahay ka cabsada, caddaladda ku socda, amaanka adkeeya, cahdiga
fuliya, ummadda maqla, eeddana qaada. Qof xilqaaday eed qaad. Hase
yeeshee, siyaasadda ma ahaa sida dad badan ay aaminsanyihiin oo ayna
kula dhaqmaan umaddooda oo ah in dadka la khiyaameeyo, been loo sheego,
la isku diro, la kala goo-gooyo, la siyaasadeyo si dadka loo qaldo,
brobagaan iyo been la sheego, waxa laga ballanqaado, dhaqaalahooda la
boobo si loo gaaro dan gaar ahaaneed oo ku saleeysan qof ama koox ama
qabiil taaso lagu baabi’inaayo danta dadweynaha iyo horumarka
noloshooda. Taasina waxay ahayd midda ummadda soomaliyeed danteeda ku
weysay dalkana ku burburay, gaar ahaan ummadda Digil/Mirifle ku soo
gaartay dhibaatada uga wayn.
HOGGAANKA UMMADDA:
Si loo dhaqangeliyo siyaasad hufan oo lagu horumarinayo
nolosha ummada, waxaa loo baahanyahay hoggaan adag oo ku dheggan
waddada toosan si looga baxo xaaladda adag ee dalka marayo iyadoo wax
kastaba ay burbureen dhankasta, nolosha iyo adeegga bulshadaba. Qofka
hogganka haya waa inuu ahaado qof leh aqoon hoggaamin, qorshe howleed
joogta ah, mid dhow iyo mid fogba, dulqaad, xaqdhowr, wada tashi,
go’aan, kalsooni, ballan, ixtiraam, amaano, iyo adkeysi.
Waxaa lagu jiraa xaalad adag oo wax kasta ay baabe’en oo la xiriira
nolosha bulshada sida ismaqalka iyo kala dambeynta oo ku dhisnaa
dhaqanka soo jireenka, iskaba dhaaf warkiisa maba jiro wax la yiraahdo
maamul, xaqdhowr iyo garsoorba. Burburkaasi wuxuu ummadda u keenay
ismaqal la’aan, asluub iyo ixtiraan daro iyo iyadoo gof waliba
adeegsado qoriga caaraddisa si uu u gaaro dantiisa gaarka ah asagoon
waxba ka gelin qofkii la dilo iyo wixii la bur-buriyaba.
Haddaba si dib loogu dhiso bulshadaasi burburtay looguna soo celiyo
nolol caadi ah waxay u baahantahay hawl adag, hoggaan toosan iyo
dhaqaale koraaya. Hoggaaminta ummadda ee xilligan adag waxay la mid
tahay qof dhimbil dab ah gacanta loo saaray. Hoggaanka noocan ah waxaa
u adkeysankara, oona ka bixikara oo keliya qofkii u soo halgamey
guusha manta la gaarey, dhiiggiisana u soo daatay, dhibaata kastana u
soo maray, garanaayana qiimaha gobanimada ku fadhido. Qofka noocaasi
ah waa qof waxkasta aan siisaneynin danta dalkiisa iyo horumarinta
ummaddisa. Sidaasi daraadeed waxaan ku talineynaa in halgamayaasha RRA
ee guusha dhaliyey ay sii xoojiyaan hogaaminta umaddooda iyo dhismaha
dalkooda ilaa iyo inta xaaladda guud ee bulshada ay ku soo noqoneyso
mid caadi ah, iyo inta laga gaarayo himilada iyo ujeeddooyinka ummadda
ay higsaneyso.
Hoggaanka RRA waxaan
ku boorineynaa in marxaladdan cusub ay ka soo hooyaan guul la
taabankaro iyagoo kaashamaaya ummaddooda inteeda waxgaradka ah oo
taageersan halgankooda iyo guusha ay keeneen. Waa inay ka
feejignaadaan iskana ilaaliyaan dabandaabada cadowga gudaha iyo
dibaddaba iyadoo ay markastaba dhacdo in cadowga uu adeegsado dad
aadan ka fileynin in ay dhibaato kuu keenayaan. Taasina waxaa looga
hortagi karaa in qofkii dhibaato wada isha lagu qabto, lagana hortago
iyadoo laga qaadayo tallabo adag intuusan waxba halleeynin. Biyaha
inta ay kaa foog yihiin ayaa la iska moosaa.
Dadka xumaanta wada waa in sharciga lala tiigsadaa oo abaalkooda
lamariyaa. Ummadda inta wax tarka ah oo taageersan halganka iyo guusha
la gaarey iyo inta ka soo horjeedda oo khiyaano wadda waa in la kala
saaraa oo lakala shaq-shaqaa. Waa inaan la isku qasin qof kula
shaqeynaya oo wanaag doonaya iyo qof kaa soo horjeeda oo xumaan wada.
Qofkasta waa in la siiyo mudnaanta uu leeyah iyadoo loo eegeynin
qofkaasaa ii dhaw iyo qofkaanaa ila dhashtay.
Waa inuu jiraa is xaqdhoowr ka dhaxeeya dadka haya xilalka maamulka
kala duwaan ee hoggaanka ummadda iyo madax-dhaqameedka bulshada sida
malaaqyada, suldaanada, odayaasha, haweenka, dhallinyarada, culimada,
aqoonyahanada iyo wixiin la mid ah. Waxaa loo baahanyahay in qof kasta
waxay howshiisa tahay ogaado ayna dhicin xadgudub iyo in qof bulshada
dhaqan ahaan ixtiraam ku leh loo adeegsado burbuinta iyo dabandaabada
ummaddiisa asagoo noqda qof hunguri qaaday, taasoo dhici karta in
cadawga ku soo gabado dad noocaasi ah.
DOWLAD-GOBOLEEDKA IYO ASTAANTA CALANKA:
Waxaan ku talineynaa in si dhaqso ah loo qabanqaabiyo
sidii loo sameyn lahaa dowlad goboleed waqtiga ku habbon oo la isla
garto, sidaa idinkaba horey u tilmaanteen, loona bixiyo magac habboon
oo saldhig u ah dhaqanka iyo nolosha ummadda. Mabda’a Diinda
Islaamkana lagu dhiso. tasoo ah midda keliya oo looga
gudbi karo waqtigan adag laguna dhaqi karo ummaddeena muslimiinta ah,
Ilaahayna raalli ka yahay. Waa in si fiican looga fekeraa magaca loo
biximayo dowlad goboleedka oo aan lagu deg-degin isla markaasna la
sameeyo astaanta calanka matilaaya dowlad gobaleedka. Abaabulka magaca
dowladda iyo astaanta calankaba waxaa haboon in taladeeda laga qeyb
geliyo taageerayaasha ku nool dalka gudhiisa iyo dibaddiisaba.
Soomaalida waxay u kala baxdaa MAY iyo MAXAATIRI, annagu haddii aanu
nahay bulshaweynta MAY waa in tixgelin la siiyaa magacyada soojireenka
ah oo ka tarjumaaya taariikhda ummadda. Magacyada hadda maskaxda ku
haayno waxaa ka mid ah:
1) Dhulka Webiyada (Rivers Land)
2) Dhulka Jubba iyo Shabeelle (Jubba-Shabelle Land)
Waa in la xoojiyo la xiriirka dowladaha caalamiga gaar ahaan kuwa
jiiranka ah iyo kuwa maslaxaddeena isku xiran tahay, xiriir joogto
ahna lala yeesho si loo kobciyo dhaqaalaha dalka iyo dhismihiisaba
taaso ku dhisan wax-wadaqabsi, iskaashi, is-ixtiraan iyo istixgelin.
WACYI-GELINTA DADWEYNAHA:
Wacyi-gelinta ummadda iyo hirgelinta siyasadda waa arimaha
ugu waaweyn ee ugu horeeya oo la doonayo in lagu tallaabsado sidii
dadweynaha loo fahamsiin lahaa habka ugu wanaagsan ee looga bixi laha
dhibaatada dalka ku habsatey waqtiga lagu jiro. Ummadda waxay isugu
baaba’dey is-faham la’aan iyo is-maqal la’aan.
Haddii aan ummadda lala xiriirin oo la fahamsiinin siyasadda dowladda
iyo sida la doonayo in ay gacmaha isu qabsadaan oo ay meel ugu soo
jeestaan maslaxadooda, aad ayey u adkaaneysaa in la helo nabadgelyo
buuxda, wada shaqeyn, is-maqal iyo is-kashi buuxa oo wax ku ool ah.
Dadka markii ay fahmaan siyaasadda dowladda ayaa la heli karaa
taageero buuxda. Haddii kale waxaaba dhici karta, sida maanta
jirta in warxumo-tashiilka iyo afmiinshaarka ay si qaldan ummadda wax
u tusaan, taasina ay keentay dhibaatooyinka maanta ay ku jiraan
ummaddayna. Si wacyi-gelinta ummadda loo hirgeliyo waxaa loo
baahanyahay in la xoojiyo isgaarsiinta, qoraallada, shirarka, kulamada
bulshada qeybeheeda kala duwan, iyo in si gaar ahaaneed la isaga
xilsaaro sidii loo heli lahaa Raadiyo dadweyne oo ku hadla afka
ummadaas iska leh oo la duugay(Af may may), si ummadda loo
wacyi-geliyo loona baahitiro siyasadda dowladda iyo sidii ummadda loo
kicin lahaa looguna baraarujin lahaa dhismaha dalka iyo horumarinta
ummadda. Haddii la helo Radiyo Dadweyne waxaa laga kaaftoomayaa in
dadku ay mar kasta is weydiiyaan maxaa la sheegay iyo maxaa dhacay.
Halkaasina waxaa ku dhamaanaya oo looga hortagayaa brobagaanka cadawga
iyo fitnada warxumo-tashiilka, muda badan dhagahooda lagu buuxinaayay,
taas oo gaarsiisay ummaddayna badankeeda in ay aaminaan oo ay ka
tagaan waxay lahaayeen..
Waa in la joogteeyo howlaha warbaahiita, shirarka iyo kulamada
bulshada, qoraallada, sawirada iyo filimada muuqaalka si ummada loo
tuso waxa dhacaya iyo waxa la doonayo in la qabto. Hadii bahitirkaasi
la waayo, ummadda waxay maqleysaa waxyaabo kale oo kutiri-kuteen ah,
waxayna mashquul ku noqonayaan arimo kale oo dan u aheyn oo dhibaato
keeni karo. Sidaasi oo kale waa in la joogteeyo shirarka jaraa’idka,
qoraallada iyo fidiyowga dibadaha loo soo diro si dadka dibadaha ku
nool ay u helaan warar sugan oo runta ku dhisan. Waa in lala socdaa,
si joogto ahna looga feejignaadaa waxyaabaha beenta ah ee cadowga
faafinaayo iyo been abuurka ay sameynayaan. Waa in mar kasta lala
socdaa waxyaabaha laga sheego idaacadaha afka dheer sida BBCda oo uu
ku adeegto cadowga iyo jaraa’idka dalka iyo dibaddiisaba. Waa in si
dhaqso ah jawaab munaasib ah looga bixiyaa wararka iyo qoraallada
qaldan ee cadowga faafinaayo.
2. DHAQAALAHA:
Dhaqaalaha waa saldhigga iyo furaha fulinta siyaasadda
iyo qorshaha dalka. Xaalad kasta oo la fulinaayo waxay u baahantahay
aqoon farsamo iyo awood dhaqaale si ay u meel marto. Haddii kale wax
kasta oo la qorsheeyo haddii aan dhaqaale loo haynin waxay noqonayaan
wax aan soconeynin oo af laga yiri oo aan meel gaareynin (af waakoo
may liki aame). Sidaasi darteed kobcinta dhaqaalaha waa arinta ugu
muhiimsan ee saldhigga u ah horumarka dadka, dhismaha dalka, iyo
fulinta qorshaha siyaasadeedba. Waa in si wayn lo dhiira geliyaa ka
qayb qaadashada horumarka dhaqaalaha, dadwaynaha ku nool dibadda iyo
gudaha dalka si qayb libaax ugu qataan kobcinta dhaqaalaha, si wax ugu
qabtaan naftooda iyo tan ummaddoda.
KHEYRAADKA DALKA:
Inkastoo dhaqaalihii dalka uu burburay oo wax kasta
laga soo bilaabayo meel eber ah, ummadda degan labada webina wax walbo
waa laga dhacay oo mudo badan boob lagu haayey, dil iyo kufsi,
xoolahooda si bareer ah loo xalaalaystay, dhiigoodana lagu sameeyey
xoolo fara badan, dhulkii nacfiga lahaana la qabsaday. Haddana, waxaa
nasiib wanaag ah in dhulka labada webi uu leeyahay kheyraat dabiici ah
oo laga faa’ideysankaro. Hase yeeshee wuxuu u baahanyahay in la helo
niyad adag iyo siyaasad habeysan oo ku qorsheysan horumarka dhaqaalaha
iyadoo la adeegsanaayo aqoon, farsamo, xisaabtan iyo maamul adag oo ku
saleysan daacadnimo iyo dhiirigelin iyadoo muwaadhin kasta la doonayo
inuu ka qeybqaato kobcinta dhaqaalaha iyo fulinta qorshe howleedka, ka
dibna si siman looga wada faa’ideysto miraha uu dhaley.
Qeybaha ugu waaweyn ee ilaha dhaqaalaha waxaa ka mid ah: Beeraha,
Xoolaha, Kheyraadka Badda, Ganacsiga, Xirfadaha farsamo, Isgaarsiinta,
adeegyada kala duwan, iwm. Tusaale ahaan, horumarinta Beeraha haddii
aan wax ka taabano, waxaa loo baahanyahay in la isu keeno kheyraadka
Eebbe nagu manneystay iyo aqoonta cilmiga ku dhisan. Kheyradka waxaa
ka mid ah: dhulbeereedka, biyaha, cimilada, iyo maal gelin. . Waxaa
loo baahanyahay in la diyaariyo oo la xulo abuurka, qalabka beeraha,
sunta cayayaanka, nafaqada ciidda, iyo aqoon farsamo. Intaasi oo la
isugu keenay qorshe habeysan iyo maamul mideysan oo aqoon iyo
daacadnimo ku dhisan waxay dhalineysaa horumarinta beeraha iyo
baahitirka ummadda, sidaasna lagu heli karo isku filnaansho buuxda iyo
kobcinta dhaqaalaha dalka. Gaajada ummadayna lagu sheegaayo waxaa
kalifay hogaan aysan ayagu laheen, kaas oo mar walba dhac ku hayey
wixii ay haystaan. Waa in waqtiga laga faa’ideystaa, gacmaha la is
qabsadaa, qaladaadkii horena la saxaa.
HORUMARINTA BEERAHA:
Tacabka beeraha ilaa iyo hadda waxaa saldhig u ahaa
beeraleyda yaryar oo waxsoo saarkooda ku ekaa baahida
nolol-maalmeedkooda. Wixii baahidooda ka soo hara ama wixii kale ay
doonayaan inay wax kale ku bedeshan oo keliya ayey suuqa keenaan.
Taasina waxay keentey in dadka kale ay quudkooda ka sugaan dalka
dibaddiisa, taasina ma aha wax dalka ku dhismi karo oo ummadda ku
baahi beeli karto. Nasiib daro waxay tahay, beeralleyda yaryar marna
ma helin fursad ay ku horumarin kareen tacabkooda. Marna ma sameynin
horumar la taaban karo oo tacabkooda iyo wax soo saarkooda kordhinaaya.
Ma jirin siyaasad iyo qorshe ku wajahan baahi tirka beeraleyda iyo
horumarkooda, mana helin taakuleyn dhaqaale iyo tababar farsamo oo
baahidooda ku dhisan. Taasina waxay keentay in aan waxba iska beddelin
wax soo saarkooda iyo habka qadiimiga ah oo ay beeraha u tabcadaan.
Waxay ku jireen cadaadis dhaqaale iyo siyaasad, dhuunqabad iyo dib-udhac.
Mar been loo sheego iyo mar dalaggooda suuqa lagu baariyo oo la faliso
ayey ahayd. Waqtiga ay beeraha soo go’ayaan ayaa dowladda waxay
suuqa ku soo shubi jirtey raashin
mucaawino ahaan ku yimid oo sicir jaban lagu gadaayo. Beeralleydana
sicirkaasi jaban lama tartami karto oo qasaaro ayuu ku yahay. Qofna
markasta kuma jiri karo qasaare joogto ah iyo tacab aan isbixineynin.
Taasi waxay keentay in tacabkii beeraha uu yaraado, ama in la tabco
waxyaabo kale oo faakiheysi iska ah oo aan ummadda baahi tireynin sida
qaraha yaanyada iyo wixii lamid ah. Si arimahaasi wax isaga beddelaan,
waxaa loo baahanyahay in la jeexo waddo cusub oo ku wajahan daryeelka
beeraleyda iyo baahitirka ummadda, iyo sidii loo horumarin lahaa wax
soo saarkooda tiro ahaan iyo tayo ahanba, iyo sidii loo hagaajin lahaa
noloshooda loona kordhin lahaa dhaqaalahooda. Taasina waxay waddada u
fureysaa in ay beeraleyda kordhiyaan waxsoosaarkooda, waxna ka
beddelaan siyaasaddooda ku saleysan helidda quud maalmeedkooda oo
keliya. Waa in la darsaa lana helaa hab beeraleyda ay waxsoosaarkooda
ku kordhin karaan, dalagyadoodana ay suuq ugu heli karaan, ummaddana
ay ku baahitiri karaan iyadoo markasta la tixgelinaayo talada
beeraleyda. Waa in la dhaliyaa tartan waxsoosaar iyadoo xoogga la
saarayo ****ada daruuriga ah ee suuqa looga baahanyahay. Taasi waxay
dhiiri gelineysaa dad badan oo maalqabeen ah in ay maalgelin ku
sameeyaan wax soo saarka iyo horumarinta miraha beeraha. Qofna ma
gelinaayo lacagtiisa meel uu ku qasaarayo. Laakin meeshii faa’ido ka
soo baxeysa qof kasta waa ku dhiiranayaa. Si qeybaha beeraha ay u
noqdaan kuwo la jeclaado oo lagu soo hirto waxaa loo baahantahay in la
helo siyaasad cad oo dhiirigelineysa waxsoo saarka beeraha,
beeralleyda iyo maalqabeenkaba. Haddii intaasi hirgasho waxaa kordhaya
waxsoosaarka, waxaana daboolmeysa baahida gudaha, kadibna waxaa
billaabaneysa keydinta miraha, warshadeynta, iyo tartanka dhoofinta
miraha beraha ee suuqyada dibadda. Haddii qofka beeraleyda
waxsoosaarkiisa kordho waxaa kordhaya dhaqaalihiisa waxaana
isbeddeleysa noloshiisa. Qofkastana wuxuu doonayaa inuu ku noolaado
nolol fiican. Hadda waxaan ka soo hadalney horumarinta beeraha oo
keliya. Qeybaha kale ee la midka ah, sida: horumarinta xoolaha,
ganacsiga, kalluumeysiga, warshadeynta IWM, waxaa looga tusaale
qaadankaraa tallaabooyinka aan kor ku soo sheegney ee lagu
horumarinaayo beeraha. Haddii qeyb kasta oo ka mid ah qeybaha bulshada
ka koobanto ay gaarto horumar iyo isku filnaansho, middaas oo ah,
midda aan dooneyno in ummadda lagu barwaaqeeyo, dalkuna horumar ku
gaaro!
KA FAA’IDEYSIGA BIYAHA:
Kheyraadka Ilaahay noogu gargaarey waxaa kaloo ka mid
ah biyaha. Nolosha waa biyo. Biyo la’aan waa nolol la’aan. Waxaa
loo baahanyahay in la uruuriyo oo la keydiyo biyaha meel kasta ay ka
yimaadaanba. Waxaa kamid ah kuwa roobka, webiyada, boholaha, ilaha
dur-durka, iyo wixii la mid ah. Waa in la farsameeyaa biyaha iska
soconaaya oo bannaanka ku daadanaaya ayagoon laga faa’ideysanin.
Boholaha biyohoodii aawey? Webiga biyihiisa badda ku shubaaya in loo
taliyo soo ma’aha? Waxaa kaloo intaasi weheliya, biyaha dhulka
hoostiisa jiifa oo sidii la doono loo isticmaali karo. In la
farsameeyo keliya ayaa loo baahanyahay. Haddii intaasoo biyo ah loo
taliyo waxaa loo isticmaali karaa wax kasta oo nolosha la xiriira oo
ay ka mid yihiin: dadka, xoolaha, beeraha, warshadaha, ugaarta,
shimbiraha iyo dugaaggaba. Dadka reer guuraaga iyo xoolo-dhaqatadaba
wey degayaan. Beeraha waraabka ayaa badanaaya. Geedmiroodka iyo
khudarta ayaa kordheysa. Barwaaqada ayaa badaneysa, colaaddana wey
yaraaneysaa. Haddaba waa in qorshaha lagu daraa sidii loogu talin
lahaa kheyraadka biyaha oo iska dur-duraaya oo meel cidlo ah ku
baaba’aaya asagoon laga faa’ideysanin.
IN LA ISKU TASHADO:
Waxaa muhiim ah in dadka ay isku tashadaan oo ay
gaaraan madaxbannaani dhaqaale oo aan la isku halleynin ummad kale oo
shisheeye ah. Ilaa iyo manta waxaa ummaddeena maskaxdeeda ku jirta in
ay isku halleeyaan oo ay wax ka sugaan dawladda iyo kaalmo dibadeed.
Gacan hoorsi meel laguma gaaro. Isku halleyn gacan kale waxaa ku
lumeysa danta ummadda, kalsoonideeda, awoddeeda, dadnimadeeda,
sharafteeda, aqoonteeda iyo kartideeda. Dib-udhaca ummadda waxay guul
u tahay Hay’adaha mucaawinada keena oo shaqo ka dhigta in ay wax u
raadiyaan dadka baahan, ka dibna halkaasi ay ka faa’ideystaan oo ay
wax ka shaqshaqdaan. Waxaa dhici karta in dadka baahan wixii loo soo
helay aan la wada gaarsiinin oo wax laga dhexbixiyo. Inkastoo
Hay’adaha mucaawinada keena ay isku dayaan inay samata-bixiyaan oo
gargaar banii’aadanimo u fidiyaan dadka tabaaleysan, haddana taasi
ma aha mid meel gaareysa oo la isku halleynkaro oo ummad lagu baahi
tiri karo. Waa mid meel ku ek oo aan soconeynin. Waa mid kaa hor
istaageysa inaad fadhiga ka kacdid oo wax qabsatid. Qof gacan-hoorsi
bartay shaqo ma rabo. Hay’adaha gargaarka keena ma rabaan, raallina
kama aha in ay shaqadooda waayaan. Xaggee laga soo galayaa ummad isku
filnaatay oo isbaahi tirtay. Haddii ummadda ay isku filnaato, halkaasi
waxaa ku lumaya danaha Hay’adaha gargaarka keena. Sidaasi darteed
waa in markasta laga feejignaadaa talooyinka qaarkood ee
Hay’adahaasi bixinayaan.
Dadka Hay’adahaasi la shaqeeya waxaa ka mid ah kuwo dalka u dhashay
oo dhuunaqaatayaal ah oo wax aan ummadda dan u ahayn gacan ka siiya
isla markaasna si qalloocan hawsha ugu fuliya Hay’adahaasi. Kuwaasi
dhuunaqaatayaalka ah danahooda mooyee waxba kama gelin danta
dadweynaha. Kuwaasi oo aan wadaninimo ku jirin waxay daneynayaan oo
keliya waxa jeebkooda soo galaya. Waxaaba dhici karta in howl aan
lawada fulinin la yiraahdo waa la fuliyey, ama wixii yaraa ee la
fuliyeyna ay yihiin wax aan raad lahayn oo ummadda aan ka wada
faa’ideysanin. Waxba ma oga dadka magacooda lagu adeeganaayo, mana
aaminsana wax qabadka Hay’adahaasi. Ummadda maba isu heysato
waxyaabaha Hay’adahaasi qabtaan in ay ayaga iska leeyihiin. Cidina
ma xanaaneyso, cidina kama faa’ideysato, haddii la burburiyana
cidina kama xanuunsato. Hase yeeshee shaki kuma jiro qofkasta wixii
usoo halgamey oo usoo dhididay inuu xanaaneynayo, kana
faa’ideysanayo, oo aan fiirsaneynin haddii cid kale ay isku daydo
inay burburiso.
Haddaba, si looga kaaftoomo baahida loo qabo Hay’adaha mucaawinada
keena waa in la isku tashadaa oo qofkastana ku tala galaa sidii
gacantiisa uga baahi bixi lahaa. Biyo sacabadaada ayaa looga dhergaa,
baryana laguma baahi beelo. Arintan isku filnaanshaha waxaa lagu gaari
karaa marka hore in la baaro oo la helo waxa dhibaatada keenaya, ka
dibna loo jeesto sidii wax looga qabanlahaa, waxayna ku xirantahay in
lala yimaado rabitaan, dadaal iyo dhiirigelin, iyo in marka horeba ay
jirto siyaasad cad iyo ku talagal dhaqaale oo ku wajahan danaha dalka
iyo dadweynahaba.
MADAXBANAANI ILAHA DHAQAALE:
Waxyaabaha dib-udhaca keenay oo dhaqaalaha burburiyey
waxaa ka mid ah Maamul Xumo, daacad la’aan iyo sharci daro. Si
maamul xumada looga fogaado waxaa loo baahanyahay in Ilaha dhaqaalaha
laga dhigo kuwo madax bannaan (private), dawladdana ay ku ekaato
qeybaha adeegyada bulshada saldhigga u ah sida: nabadgelyada,
waxbarashada, caafimaadka, difaaca iyo wixii la mid ah oo lagu
ilaalinayo danaha dadweynaha. Dowladda waxay ku xisaabtameysaa
dakhliga ka soo galaya canshuurta laga qaadayo Hay’adaha
madaxbannaan madaama ay hogaanka u hayso siyaasadda guud iyo sharciga
lagu
soconaayo.
Hay’adaha madaxbannaan markasta waxay ku dadaalayaan inay dhaliyaan
horumar dhaqaale, waxayna isku dheellitirayaan baahida shaqo iyo
shaqaale. Waxay ku tartamayaan sidii markasta ay u wanaajin lahaayeen
maamulka iyo adeegga ay ummadda u hayaan. Middii maamulkeeda
hagaajisana hormar ayey gaareysaa, midda hakatana iyadaaba iskeeda u
baaba’eysa. Dawladdu ma’aha maamul kasta in ayada gacanta ku hayso,
hase yeeshee waa inay dejisaa siyaasadda lagu shaqeynayo isla
markaasna ay la socotaa sida wax loo maamulayo iyo habka ay howshu u
socoto.
Dowladdu waa inay dabagal joogto ah ku sameysaa Hay’ad kastoo
madaxbannaan si loo hubiyo iney ku socoto sharciga loo dejiyey iyo
iney soo xareeyneyso canshuurta laga doonayo. Awoodda ummadda waa
awoodda dawladda. Dhaqaalaha ummadda oo kor u kacana waa dhaqaalaha
dawladda oo kor u kacay. Waxa la doonayo oo keliya waxay tahay in
ummadda si wanaagsan loogu adeego loona raalli geliyo, dalkana loo
dhiso.
BAAHITIRKA :
Baahitirka ummadda waa horumarinta dalka. Meel ay baahi ka
jirto nabad kama jirto. Si nabadda loo xoojiyo waa in laga hortago
waxna laga qabto baahida ummadda. Waa in shaqo la abuuraa. Wax dalka
lagu sameyn karana ma aha in dibadda laga keeno. Qof kasta oo shaqo
haya waa in noloshiisana is-bixinkartaa, markaasi ayaa lala xisaabtami
kara. Hase yeeshee qof asagaba baahan oo aan isbixin karin muxuu u
qaban karaa qof kale oo baahan? Haddii baahida dadka ay badato ismaqal
ma jirayo. Haddii ismaqal la waayana kala dambeyn ma jirto. Haddii
kala dambeyn iyo ismaqal la waayana waxaa baaba’eysa kalsoonidii,
hawl fulintii iyo wax qabadkii, halkaasina waxaa ku lumeysa dantii
dadweynaha iyo wax wada qabsigii, ka dibna cadawtinimo iyo is-qabqabsi
ayaa imaneysa. Waxaana dhaceysa in dadka la iska horkeeno oo si sahlan
la isugu diro baahi awgeed. Horumarkii dalka iyo dawladnimadiina
cimri-gaabad ayaa ku dhacaya. Sidaasi darteed qof kasta wuxuu
mudanyahay qiimeyn iyo tixgelin, qofka shaqeynaya iyo qofka loo
shaqeynayaba. Qof kasta oo bulshada ka tirsan waxna waa qaban karaa,
waxna waa qaribi karaa. Intuusan qofka waxba qaribin waa in laga
hortagaa oo dhibaatadiisa la xalliyaa. Ummad iskaashata oo ismaqasha
ayaa dal dhisan karta dawladna noqon karta. Haddaba, baahitirka waa
saldhigga iyo kor u qaadidda nolosha ummadda iyo dhismaha dalkaba.
Taasina waxay ku imaan kartaa in qof kasta loo tababaro sidii wax u
qabsan lahaa, shaqana la abuuro, nabaddana la adkeeyo.
FEEJIGNAAN :
Waa in laga feejig-naado Baabi’inta dhaqaalaha.
Waxaana ka mid ah: xatooyada, maamul xumida, shaqo la’aanta, wax
dhaqaaleyn la’aanta, ka ganacsiga waxyaabaha xunxun iyo
mukhaadaraadka, sida QAADKA, IWM. Dagaalka xureynta dalka waxaa ku
xiga la dagaalanka nafsadda oo laga reebo waxyaabaha xun-xun, lana
faro waxyaabaha fiican oo Eebe raalli ka yahay oo dan u ah dadka iyo
dalkaba. Taasina waxay u baahantahay dagaal dheer oo joogto ah oo
lamid ah ama ka kululba midka maanta lagu jiro oo qoriga loo sido.
Haddaba, QAADKA waa qaadaha dhaqaalaha iyo qaribaha qofka. Labadaasi
midna dan uma aha dalkeenna iyo dadkeenaba. Lacagta qaadka lagu
bixinayo waa lacag adag oo dalka ka maqan oo aan qofna baahi tireynin.
Waxayna la mid tahay lacag la gubay ama weyba ka sii darantahay, maxaa
yeeley lacagta qaadka lagu soo gaday keligeeda ma gubaneyso ee qofka
qaadka cunayana wa la gubanayaa.
Qaadka waa midka koowaad ee dhaqaalaha baabi’iya. Meel islama geli
karaan Horumarin Dhaqaale iyo Baabi’in Dhaqaale. Qofka qaadka cuna
waa qof noloshiisa babi’iyey: dhaqaale ahaan, caafimaad ahaan, qof
ahaan iyo bulsho ahaanba. Qofkaasi waqti maalmeedkiisa wuxuu ku
dhameystaa: mar uu raadinayo Qaadka, mar uu u fadhiyo ee cunayo Qaadka,
iyo mar uu jiifo oo haysa sunta qaadka. Intaasi waxaa u sii dheer
asagoon ka xishooneynin wixii xun, sida: xatooyada, laaluushka, wax
isdaba-marinta, tuuksashada, xanta, isku dirka, faraxumeynta haweenka,
burburinta qoyska, iyo asagoon marna noqon karin qof wax lagu aamini
karo. Sidaasi darteed waa in ummadda lagu baraarujiyaa dhibaatada
Qaadka, isla markaasna dagaal adag oo joogto ah lagu qaadaa ka
ganacsiga Qaadka iyo cunistiisaba. Waa in Qaadka loo aqoonsadaa inuu
yahay Droogo, qofkii lagu helana uu yahay dembiile. Danta guud ayaa ka
horeeysa danta gaar ahaaneed. Wax dalka iyo dadkaba dhibaato ku ah ma
aha in qofna loo oggolaado. Wadamo badan ayaa Qaadka u aqoonsan inuu
yahay Droogo, sida dalka Kanada. Waddamo kalena hadda ayey halgan ugu
jiraan sidii loo joojin lahaa oo loo dabargoyn lahaa Qaadka, sida
dalka Yemen, oo xataa musharaxiinta u tartamaya kursiga Madaxweynaha
uu mid kastaba ummaddiisa u ballanqaadayo inuu joojin doono oo
dabargoyn doono Qaadka si uu dhaqaalaha dalka kor ugu soo qaado.
Sidaasi darteed waxaa habboon in iminka oo mamul cusub oo wadani ah la
helay in laga hortago Qadka si loo badbaadiyo dhaqaalaha dalka iyo
dhallinyarada ummaddaba.
3. ARIMAHA
BULSHADA:
Bulshada ama ummadda waa midda uu dalku ku dhisanyahay. Ummad
la’aan waa dal la’aan. Dal kasta wuxuu ku hormaraa ama ku dib-dhacaa
hadba sida ay ummaddisu u dhaqanto. Dalalka horey u marey waxay ku
horumareen waa dadaalka ummaddooda, iyo iyadoo qofkastaba u tartamo
inuu qabto inta ugu badan ee awooddiisa garsiiso, iyo inuu la
dagaalamo wax kasta oo dalkiisa burburinaya. Dalaka seddaxaadna ee
dib-udhacay waxaa ka maqan wadashaqeyn iyo ismaqal, taasina waxaa ugu
wacan aqoondarida haysata. Aqoonta waa asaaska nolosha. Qofka wax
bartay ayaa kala garan kara waxa xun iyo waxa san. Aqoon dari waa
indho la’aan. Aqoon la’aan waa iftiin la’aan. Waa in lagu
dadaalaa daryeelka bulshada xagga Waxbarashada, Caafimaadka, Diinta
iyo wacyiga dadweynaha. Waa in dib loo soo nooleeyaa Hiddaha iyo
dhaqankii soo jireenka ahaa, ciyaaraha iyo isboortiga. Waa in
dhidibbada loo aasaa nabadda iyo nabadgelyada. Waa in la abuuraa shaqo
lana badiyaa meelaha dadka lagu tababbaro, farsamadoodana kor loogu
soo qaado. Waa in la dhaqangeliyaa caddaaladda laguna dadaalaa sidii
qof kasta loo qaboojin lahaa oo xaqiisa loo siin lahaa. Waxay nala
tahay in waxbarashada dalka asaas looga
dhigo luqadaha Ingriisiga, Carabiga, Af-may-mayga iyo maxaatiriga.
Horumarinta bulshada waa meesha ay biyaha isugu soo shubanayaan.
Siyaasadda waa dariiqii, Dhaqaalaha waa furihii, Bulshadana waa
goolkii iyo ujeeddadii (target).
Mashaakilka iyo dhibaatooyinka jira waa in mid-mid loo kala qaadaa, oo
sidey u kala daranyihiin loo kala-hormariyaa. Marba mid la xalliyaa oo
la isla meeldhigaa, kadibna midda kale loo gudbaa. Qeyb kasta oo
bulshada ka tirsan waa in talada laga qeybgeliyaa. Qof kasta waa
muhiim waana in la tixgeliyaa: rag iyo dumar, caruur iyo waayeel,
faqiir iyo tanaad, mid jiran iyo mid fiyow, lixaadqabaha iyo curyaanka,
aqoonyahanka iyo jaahilka, culimada iyo caamada kaleba, iyo inta soo
hartey oo idil, qof kasta qiimo ayuu dalka ugu fadhiyaa. Qof kastana
wuxuu leeyahay xuquuq, waxana saaran waajibaad. Siyaasad kastoo la
dejinaayo iyo dhaqaale kastoo la qorsheynayaba waa in saldhig looga
dhigaa sidii qof kasta lo tixgelin lahaa oo baahidiisa lo dabooli
lahaa. Marna yey noqonin yaa afdheer ama yaa awood badan ee wax u
qabanaa, ee markasta ha ahaato xaggee liidata oo waxqabad u baahan ee
kor u soo qaadnaa. Walaalkaada u jeclow wixii aad naftaada u
jeceshahay.
IS-GARGAAR:
Ilaahay wuxuu nafarey inaan isu naxariisano oo is
gargaarno. Maanta dad badan oo dalka ku nool ayaa u baahan in loo
gargaaro oo gacan laga siiyo dhibaatada ay ku jiraan oo ah mid Eebbe
keenay. Dalka waxaa heysta abaar, colaad iyo indho-xumo. Dhibatada
dalka ku dhacdey mid horey loo soo arkey ma aha. Boob iyo dhac, dil
iyo dhaawac, abaar iyo gaajo, darxumo iyo daryeel la’aan, , kufsi
iyo faraxumeyn, degaan xumo iyo dan-daro, biyo la’aan, gaadiid
la’aan, daawo la’aan iyo wax intaasi kasii daran oo la soo koobi
karin. Waxaa kaloo jira dad badan oo dagaalladii dalka lagu xureynayey
ku shahiideen. Caruurtooda, naagahooda, waalidkooda iyo dadkii ay
gacanta ku hayeenba halkaasi ku agoontoobay. Waxaa kaloo jira dad
badan oo dagaalladaasi ku naafoowey oo ku curyaamey oo waxba qabsan
karin. Dhibaatooyinkaasi iyo kuwo ka sii badanba ayaa dalka ka
jira.
Haddaba waxaa loo baahanyahay in la isu gargaaro oo wax la istaro, oo
qof kasta wixii awooddiisa tahay gargaar ahaan u bixiyo. Inta dalka
gudihiisa ku nool iyo inta dalka dibaddisa ku noolba waa inaan loo
kala harin. Haddii maanta la isu gargaari waayo goormaa la isu
gargaarayaa? Inta agoontowdey iyo inta naafoowdey yaa kaloo u maqan oo
lagu halleynaya? Horey ayaan u soo sheegney in Hay’adaha gargaarka
keena ay qofna baahi tireynin, waxa ay bixiyaanna la isku halleynkarin.
Walaalayaal, maanta waa inuu dhiigga dhaqaaqaa oo gacmaha la
isqabsadaa, oo qof kastaba naftiisa iyo maalkiisa huraa. Waa inay
taariikhdu gashaa ummadda Labada Webi ku nool sida ay isugu gargaareen.
Koox kasta waa inay is abaabushaa oo dadka la dhexgalaa oo gargaarka
la aruuriyaa, ka dibna gacanta loo geliyaa hoggaanka ummadda, si loo
gaarsiiyo dadka tabaaleysan oo ay ugu horeeyaan dadkii u soo dhintay
xureynta dalka iyo ladagaalanka cadowga.
Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu madaxdeena iyo mas’uuliyiinteenaba
waafijiyo dariiqa toosan ee uu raalliga ka yahay, ummaddeenana uu tuso
wanagga iyo wax qabadka, kuna abuuro deggenaan, kalsooni iyo
daacadnimo. Ilaahay waxaan kaloo ka baryeynaa inuu nabad kheyr qabta
keeno, ummad is-jecel oo wax isu oggolna oo wax wada qabsaneysa naga
dhigo. Aamiin, aamiin yaa Allaah.
Md.
Ibrahim Clmi Maxamed (Sokorow).
Wakiilka ururka RRA ee Waqooyiga Amerika
Posted
on Oct 29 2000, 12:02 AM
Respond
to this message
Goto Forum Home
____________________________________________________________________________
|
Question
#1
|
|
Do
you think the new Somali government to succeed?
|
|
|
Question
#2
|
|
Ayidsinta
(Waafigsinta) in Digil & Mirifle Dowlidy usub ku
bahaan?
|
|
|
Question
#3
|
|
May
li gudboon D&M in suubiyaan?
|
|
|
Wal
ly qiibsidaan dowlidy usub?
|
|
|
Dowlad
goboleed ky dhowaaqan
|
|
|
Dhulky
ky mogin hoog haky nagsidaan
|
|
|
Ky
sabaran walaagy hakugu eedy dowlidy usub.
|
|
Current
Vote Statistics Back
to Site