|
||||
Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW. NIN TOLKI YU SOO YIRI IMA GARABEYSTO! November 15, 2001 Waxaa Qoray Dr. Abdi Ulusso dr.ulusso@attcanada.net
Waxaa
la yaab noqatay in maanta Xasan Abshir Faarax Waraabe loo magacaabay
Raiisul Wasaare oo runti ah ruux aan u qalmin in masuuliyad saas u weyn in loo
dhiibo, mana aha ruux wax ka qaban kara arrimaha gudaha ama kuwa dibedda. Inta waxaa u
dheer Xasan Abshir Faarax inuu yahay ruux dambiyo badan ka galay Qaranka Soomaliyeed, ahna
ruux gacan ku dhiigla ah oo dhibaato badan u geystay dad badan oo masaakiin ah iyo asagoo
qiyaameeyay raggi ku jiray Jabhadi Soodaf haddana
asagoo jago ka haya Maamulka Puntland si uu u wiiqo kasoo baxsaday, ugu dambeyntana uu u
fashilmo nidaamka Gobolladaas ka dhisan. Waa
la ogaa inuu rabo inuu noqdo Raiisul Wasaare oo mar qaar asaxaab ay yihiin, marki uu
hadda dibedda marayay ay weydiiyeen sabata uu
u rabo inuu noqdo Raiisul Wasaare wuxuu ku jawaabay waan ogahay meesha inaan
Dawlad lagu hayn, oo xoogaaga Carabta laga helo la wada dhowrayo si jeebka loogu rito,
laakin aniga jagadan resumeygeyga ayaan ku daranaya inaan soo qabtay.
Marka waxaa muuqata inuu yahay shaqsi daneysta ah, aan ahayn wadani oo runti wax
qualifications ah oo caddeynaayo inuu u qalmo jagada Raiisul
Wasaaranimada ayna jirin oo aan ahayn inuu ka dhashay reerka Darood ugu tira badan oo ah
Majeerteen oo laga heli karo shaqsiyaad nadiif ah oo aqoonteedi leh kana bixi kara
musuuliyadan weyn. Xasan
Abshir, haddii aan taariikhdiisa dib u milicsano jagooyin kala duwan ayuu ka soo qabtay
xukunki Maxamed Siyaad Barre Af-weyne kuwaas oo kala ah: Duqa magaalada
Muqdishu, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe iyo asoo Safiir Soomaaliya uga noqday dalaka Jabaan iyo Jarmalka. Waa jagooyin sare marka loo eego world
standard, laakin waa jagooyinki Afweyne oo wax ka soo qaad ma laha oo
yaataqaan ayaa wax leyskugu dhiibi jiray ama cidi u soo fataasha Afweyne.
Xasan Abshir wuxuu nolashiisa shaqada ka soo bilaabay, inuu noqdo Sarkaal Ciidamada
Qalabka sida, laakin nasiibdarro ma soo dhammeysan tababarki leyli Sarkaalnimda oo wuu
xannuunsaday waxaana ku dhacay cudurka feeraha gala ee afka qalaad loogu yaqaano
TB oo dib ayaa loogu soo celiyay Soomaaliya, kadibna wuxuu ahaan jiray
xooghaynta Maxamed Siyaad Barre Afweyne inti kacaanka ka horeysay. Xasan
Abshir ma gaarayo karti iyo aqoon Cali Khaliif Galleyr ayadoo marki horeba qalad ay ahayd
in loo dhiibo jagada Raiisul Wasaaranimada, waqtigiisina noqday fursad luntay.
Laakin runti ma fiicneyn sida sharafdarada ah ee xilka looga qaaday Cali Khaliif Galleyr
oo aan sharciga waafaqsaneyn, kadib marki uu Cabdiqaasim u adeeksaday Gola ku sheega Carte
lagu soo dhisay. Qilaafka Cali Khaliif iyo Cabdiqaasim wuxuu salka ku haya lacagahi
Carabta laga heli jiray oo leysku qabsaday meesha ay ku soo dhaceyso iyo cidda sarifeyso.
Cali Khaliif wuxuu arkay in lacagihi maamulkoodi ay farahiisa ka baxeen oo wixi soo galay
ay u dhammaadeen jeebka Cabdiqaasim oo dhibka manta Al-Barakaat haysta oo loo xayiray
lacagaheedi, sababahaas aya keenay. Waxaa horay loo yiri MUKULAAL MADAX DOOLI KAMA XAJISO Cali Khaliif Galleyr
iyo lacagna aragti ayaa ka dhaxeysa, lacagti ayoo arki waayay markaas ayuu isku dhax
yaacay oo ay isqabteen Cabdiqaasim, qilaafkana meeshaas ayuu ka yimid. Xasan
Abshir Faarax waa ninki fashiliyay Jabhadi SODAF asagoo Afweyne u shaqeynaayo,
waa ninka manta u tafa xeytay inuu bur-buriyo Maamulka Puntland oo nabada ah, asagoo
Cabdiqaaasim u shaqeynaayo kana abuuray xasilooni darro aan horay loo arag. Marka nin
tolkiisi soo eryeen dhibaato awgeed oo kaligiis ah, muxuu Soomaali u qaban kara? Waxaana
marna la iloobi karin dhibaatadi iyo xasuuqii uu
u geystay Abgaal marki uu aha Duqa magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada
Dhexe. Marki Duqa magaalada aha wuxuu sharciyeeystay inuu booboo dadka dhulkooda, oo
waxaan xasuusana reer Cambuurshe dhul ay sharci u leeyihiin oo uga diwaan gashay Dawladda
Dhexe inuu isku dayay inuu boobo, iska hor-imaadkaasna seddex qofood ku dilay. Inti uu
Duqa magaalada aha wuxuu si sharci darro ah ku xiray asagoo Afweyne isku
haleeynaayo ku-xigeenkiisi Faraax Wehliye Caddow Sindaco. Xasan
Abshir Faraax marki uu aha Guddoomiyaha Gobolka Sh. Dhexe wuxuu ku kacay falal xun oo dil
ah, dhac iyo xarig oo uu u geystay dadka deggan Gobolka. Wuxuu ka dambeeyay qilaafki lagu
hoobtay ee Abgaal iyo Gaal-Gale oo ah dad wada dhashay oo meel wada deggan, oo uu maanta
masuul ka yahay dhibki reerahaas soo kala gaaray, iyo barakaca iyo qaxii Gaal-Gale.
Waqtigi uu Guddoomiyaha ka aha Shabeellada Dhexe dad badan ayuu xabsiyada ku guray, hanti
badan ayuu dad ka dhacay (i.e gawaari, xoolo, lacag) oo ciddi askartiisa ka baxsata ama ay
u galiwaayaan, wuxuu soo xiri jiray haweenkooda, odayaasha iyo dadka maatada ah ee tabarta
daran si uu u cadaadiyo. Xassan Abshir waxaa kale oo uu ku soo rogay Gobalka shabeelaha
Dhexe hub urrurin joogta ah, iyadoo la xirayo ama la dilayo cidii aan awaamirtiisa qaadan.
Waxaa kale oo iyana wax lala yaabo noqotay in uu soo saaray sharciyo caddaadin ku dhisan
oo dadku isku iman karin, inuu yiraahdo rag odayaasha magaalada u dhashay oo ku soo gaaray
magaalada 60 jir Magaalada uga bax muddo 24 saac gudahooda ah oo ciddi fuleyn
weyda oo uu u jaro arrest warrant laguna xiro xukun deg-deg ah oo shan sanno
ah. Waxaa
dhacday nin la yiraahdo Cusmaan Beereey oo ah hadda madaxa Boliiska magaalada Jowhar, inuu
Xasan Abshir amray in la soo qabtay waqtigi uu Gobolka haystay oo marki ay dhowr jeer
dagaalo ay askartiisa qaaday ku guuleysan waayay ayaa wuxuu soo xiray xaaski uu qabay oo
uur leh oo inti xabsiga loo waday ku dhashay baabuurka Boliiska ee eljiiga ah korkiisa
.Arrintaasi waxaa ka dhashay dagaalo ay dad badani ay ku hoobteed, Cisman Beeray wuxuu
markii danbe hogaaminaayeey dhalinyaradii muddullood ee ka cararay caddadintii uga timid
shirqooladii uu Xasan Abshir maleegay wuxuuna kuna biiray jabhadihii hubeysnaa ee ka soo
horjeeday xukunkii Maxamed Siyaad Barre Afweyne ee Xassan Abshir Faarax iyo
Cabdiqaasim Salaad Xasan ka mid ahaayeen ilaa ay ka dhacdo. Haddaba
ninka intaa oo dinbiya ah loo heysto, inuu yiraahdo Raiisul Wassare ayaan noqonayaa
caqliga ayaa diidaya, oo waxay ahayd ummaddiisa inu kudhax dhuunto, laakiin wuxuu ka helo
yuusan waxba naga siin, iloow dhowa ama umula. Waana qaba wax kastaba ha lagu iloobo si
waddanka loo labadbaadiyo, laakiin arrinta Xassan Abshir mid la hilmaami karo maaha mana
dhaceyso in aynu hilmaano, Cabdiqaasismna ilaalintiisa ayeey uga dhammaaneysa muddada yare
e u hartay, wax uu u qabto iska dhaafe. Dad badan oo aqoon siyaasadeed leh, karti leh oo
shaqsiyad fiican ayaa ka buuxa Majeerteen. Marka looma baahna nin daneysta ah oo aan
sharaf lahayn oo iska dhex fadhiisanaaya meel kasta sida daqsiga. Marka
Cabdiqaasim, haddii uu ku xisaabtamaayo in Xasan Abshir Faarax, Sacad iyo Majeerteen ku
soo xiri doono maamulkiisa ama in la abuuro wax wada qabsi Haber-Gedir iyo Majeerteen oo
fikrad Sacad ah waxba uma kordhineyso dhib hor leh ineey abuurto ma ahine. Ayadoo marki
hore ahayd gaf weyne iyo meel ka dhac loo geeystay Muddullood maamulka Carte lagu soo
dhisay, waxay si gaar ah oo lafa dhaan iyo meel ka dhac ku
tahay Cali Mahdi Maxamed oo taagyeeray maamulka Carte una suurta geliyay intaan inuu soo
gaaro. Waa nasiibdarro, in la yiraahdo Cali Mahdi Maxamed taagyeer ninki shalay walaalaha
dilaayay, xabsiyada ku guraayay, xoolahoodana dhacaayay. Marka waxaan kula talinayaa Cabdiqaasim Salaad Xasan inuu hurdada ka
kaco, ka faideeysto fursada qaaliga ah uu u haysto, oogaado meesha inaan Dawlad
oolin, madaxnimada uu sheeganaayana waxba ka jirin dalka uu xakumo inuu jirin, oo si loo
samata bixiyo dalkaan loo baahan yahay Soomaali ineey isku timaado ayaheedana ka wada
xaajooto, ayadoo sharuudo lagu xirin. |
||||
Copyright © 1999 by somaliawatch.org. All Rights Reserved. Revised: 19 May 2007 05:04 AM. Webmaster HomePage |